Waxaanu halkaan idinkugu heeynaa Qoraalo ka mid ah warar kii eey Jaraaidyada Soomaalida kuwooda ugu caansan ka qoreen Marti qaadkii Hay´ada Xuquuqda Aadanaha u fidisay Tifaatiraha Xiriiriye.com ahna Hor boodaha dhanka Heesaha ee kooxda Walaalaha Sii Sii Somband (Halkaan hoose ka aqriso warka kana Daawo Heesta Cusub ee Jaanis Jacayl).
Farac ka tirsan Hay´ada Amnesty International oo Qado heer sare ah u sameeysay kooxda Walaalaha Sii Sii Somand iyo Kooxda oo soo saartay Hees cusub oo la magac baxday Jaanis Jaceyl (Halkaan ka Daawo Heesta)
Hay´ada Cuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa qado heer sare ah u sameeysay Xiddiga hogaamiya kooxda Walaalaha Sii Sii Somband Cumar Cali Cumar (Omar Sii Sii ) . Hay´ada Amnesty International ayaa wexeey si weeyn uga mahad celisay kooxda Sii Sii Somband sida eey iskugu xil saareen soo saarista Heeso Cusub oo Bulshada Soomaaliyeed iyo Caruurta looga digaayo ineey Dagaalada ku deg degaan ama ku haligmaan.
Hay´ada Amnesty International oo gudoonsiisay Xiddiga Heesaha u alifo una qaado kooxda Walaalaha Sii Sii Somband Omar Sii Sii Qalab cusub oo casri ah loona isticmaalo dhanka Studiyaasha ama garaacista Musiga ayaa waxaa qalabkaas ka gudoomay Omar Sii Sii oo dhankiisa si weeyn uga mahad celiyey Hay´ada Amnesty International doorka eey ka qaadatay Nabadeeynta iyo ka war qabista wadamada Dunida ee Dagaaladu eey aafeeyeen.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee kooxda Walaalaha Sii Sii Somabad uu soo gaaro Qalab kala duwan oo dhanka Fanka ah waxaana horay u soo gaaray kooxdaan Qalab caawin ah oo uga yimid Hay´ada Unicef oo ka heshay Heeesta wadaniga ah ee kooxdaan horay u soo saartay laguna magacaabo KAJOOG DAGAAL SOKEEYE WAA DULIYEE.
Sidoo kale Fanaanka weeyn ee Soomaaliyeed Mr Knaan Cabdi Warsame ayaa kooxdaan meelo badan ka caawiyey kalana taliyey ineeysan ku deg degin ama heeso ka sameeyn wax dhibaato u keeni kara oo dhanka Siyaasada Soomaliya ku saabsan.
Hay´ada Amnesty International ayaa wexeey si weeyn uga mahad celisay Kooxda walaalaha Sii Sii Somamd Heestii iyo Murtidii eey ka sameeyeen dhoor isbuuc ka hor Heestii WADNE DILAAC IYO MAROOR DILAAC oo lagu soo ban dhigay Muqdisho iyo Dagaal oo hadalo kulul is dhaafsanaayo wexeeyna ugu dambeentii Muqdisho & Dagaal isla gaareen in la isku heeso. Kooxdaaan oo habeenkii Sanadka cusbaa ee 2011 soo saartay heesta loo batay dhageeysigeeda ee QADRO ayaa wexeey maalintii shalay eheed soo saareen Album cusub oo la magac baxay JAANIS JACEYL wexeeyna Albumkaan ugu waqlaleen heestaan cusub
Kooxdaan oo si weeyn u jiidatay dhagaha Dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida weeyn u xiiseeya Fanka ayaa wexeey iska ilaaliyaan ineey wax Koobi ah qaadaan waana taas in loo bato Heesaha cusub ee u badan Wadaniyada iyo Jaceylka Jiilka hada jira iskula Jaan qaadaan.
Halkaan ka Daawo Heesta Jaanis Jaceyl oo murtideeda eey ka mid yihiin Waa Jaanis Jaceyl , Waa Jidkii Jamiila, Jees Jees kuuma Quuro oo adigaa i Jiitay, Jamiilooy joog dheereey adigaan ku Jeclahay ee ha iga Jeesan yuusan Jinni i qaadinee : iyo erayo kale oo aad u fara badan. Halkaan ka Dhegeeyso heesta Cusub : http://www.youtube.com/watch?v=9VD597W2TII
Cabdiraxmaan Macalin Xuseen Webmaster@dayniile.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Dayniile@dayniile.com Dayniilecom@hotmail.com
|