 |
CassanoKalixanuun |
 |

Antonio Cassano oo Isbitaal la dhigay iyo Masuuliyiinta Ac Milan oo arintaas ka hadashay,*Jaraaidka La Gazzeeta dello Sport oo Maqaal yaab badan ka qoray kooxda Inter Milan,*Didier Drogba oo ka maqnaan doona kulanka Caawa dhex mari doona Champions League kooxaha Fc Chelsea Vs KRC Genk & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !! *** Xiddiga Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Ac Milan Antonio Cassano ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka ka dib markii eey iskugu darsameen Xanuuno badan. Antonio Cassano ayaa maalmihii ugu dambeeyey ka sheeganayey Xanuun daran oo ugu dambeeyntii sababay inuu Wareero ama miyir beelo kulankii As Roma Vs Ac Miilan (2-3). Antonio Cassano waa 29 jir waxaana hada la dhigay Isbitaalka isaga oo Miyir laheeyn sida uu sheegay ku xigeenka Boss-ka 2-aad ee kooxda Ac Miland waa ninka lagu magacaabo Adriano Galliani.Macalinka Ac Milan Mr.Massimiliano Allegri iyo Ciyaartooyda kooxdaas oo si weeyn uga murugeeysan Saaxiibkooda jiran wexeey sheegeen ineey Guul farta ka saari doonaan kulanka caawa dhex mari doona kooxda heeysata horyaalka dalka Belarussia ee BATE Borisow Vs Ac Milan. (War Bixinta Jirada Antonio Cassano Beejkaan barta ugu hooseeyso ka Akhriso). *** Jaraaidka ugu magaca dheer dalka Talyaaniga ee La Gazzeeta dello Sport ayaa Maqaal uu ka qoray kooxda Inter Milan waxa uu sababay in Jaraaidkaan laga waayo goobihii lagu iibin jiray ka dib markii la wada iibsaday. La Gazzeeta dello Sport ayaa waxa uu soo sawiray Muuqaal lagu sheegay Maskax oo uu Weeraryahan Samuel Eto'o xiligii uu ka tagaayey kooxda Inter Milan Boorso horay ugu sii qaatay wuxuuna Jaraaidka Ciwaan uga dhigay maqaalkaan Sidan : (Inter wexeey heeysataa Laacibiinta ugu adag Serie A balse Maskaxdeedii waxaa Boorso horay ugu sii qaatay Weeraryahan Samuel Eto'o ). *** Weeraryahanka Qaranka Ivory Coast iyo kooxda Fc Chelsea Laacib Didier Drogba oo Qaliin lagu sameeyey waxa uu caawa ka maqnaan doonaa kooxdiisa Fc Chelsea oo kulan adag kala hor tagi doonto kooxda KRC Genk oo ka dhisan horyaalka Beljemka. *** Kooxda Newcastle Utd wexeey ka yaabsatay kooxaha waa weeyn ee horyaalka Ingiriiska wexeeyna booska kaalinta 3-aad kala wareegtay Fc Chelsea.Kulankii harsanaa Horyaalka England Newcastle wexeey 1-3 guri kale ah ku soo dubatay kooxda Stoke City. Newcastle waa kooxda weli aan laga badin horyaalka England marka laga soo tago kooxda Manchester City oo iyana dhinaceeda dhulka la dhgi la yahay.Isku dar dhamaan kooxaha Horyaalka Ingiriiska kooxda ugu Difaaca wanaagsan wexeey noqotay Newcastle maadaama 10-kii kulan ee la ciyaaray Horyaalka Ingiriiska laga dhaliyey 7-gool oo kaliyah, halka Man City oo ku xigto dhanka Difaacyada ugu wanaagsan laga dhaliyey 8-gool, Man Utd waxaa ilaa hada laga xareeyey 12-Gool ,Fc Chelsea oo lagu tirin jiray Difaacyada ugu adag Horyaalada Yurub hada wexeey noqotay Malmalaado ka dib markii Shabaqeeda lagu hubsaday 15-Gool. Newcastle Utd oo kaalinta 3-aad horyaalka Ingiriiska ku soo caga dhigatay 22-Dhibcood waxaa Goolasha sadexda ah u wada Saxiixay Weeraryahanka cusub ee Qaranka reer Senegal Demba Ba oo xili ciyaareedkaan eey ka soo iibsadeen kooxda Hoffenheim ee horyaalka Bundesligaha dalka Germany. *** Koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League ayaa Caawa lagu wadaa in la ciyaaro wajigiisii 4-aad wexeeyna kooxaha kulmi doono yihiin kuwo isa soo arkay 2 Isbuuc ka hor. Kooxaha Caawa Champion-ka Gambarka gaaban iskugu fadhiyo wexeey kala yihiin sidan : Racing Genk Vs Fc Chelsea, Fc Valencia Vs Bayer Leverkusen, Fc Arsenal Vs Marseille, Borussia Dortmund Vs Olympiakos Piraeus, Zenit St. Petersburg Vs Shakhtar Donetsk, APOEL Nicosia Vs Fc Porto, BATE Borisov Vs Ac Milan iyo Viktoria Plzen Vs Fc Barcelona. BY : C/Casiis Dabagure www.Xiriiriye.com, Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka .
Milan dementiert Berichte
Mittelfeldstar Antonio Cassano vom AC Milan soll einen Schlaganfall erlitten haben. Diese Diagnose stellten nach Angaben der italienischen Nachrichtenagentur ANSA vom Montag die Ärzte in einer neurologischen Klinik in Mailand. Der Nationalspieler solle bis Donnerstag in der Klinik bleiben. Erste Untersuchungen des 29-Jährigen hatten zuvor keine genauen Ergebnisse gebracht. Milan teilte am Abend mit, Cassanos Zustand habe sich ?deutlich verbessert". Zugleich dementierte der Verein Berichte über einen Schlaganfall, da diese ?nicht von einer autorisierten medizinischen Quelle" stammten.
Galliani: ?Alles wird gut"?Es ist wichtig, dass wir auch für ihn gut spielen", sagte Trainer Massimiliano Allegri vor Milans Champions-League-Spiel bei BATE Borisow am Dienstagabend. ?Ich hoffe, er kommt so bald wie möglich zurück." Optimistisch äußerte sich Vizepräsident Adriano Galliani nach einem Gespräch mit Cassano: ?Er war ruhig und ist sehr guter Verfassung. Er wird sich sicher erholen und alles wird gut." Auf der Rückreise vom 3:2-Sieg bei AS Roma in der Serie A am Samstagabend hatte Cassano plötzlich über Schwindelgefühle geklagt. Er hatte Seh- und Sprechstörungen. Am frühen Sonntagmorgen wurde er in die Notaufnahme der Mailänder Poliklinik gebracht. Dort verlegten ihn die Ärzte am Sonntagnachmittag auf die neurologische Station.
|