Maxaad ka taqaan Laacib Mootada ugu Qaalisan Dunida soo iibsaday isaga oo Gaari leh, Muxuuse ka yiri? Ku biiri Aqoontaada Sport (Halkaan ka Daawo Goolashiisa)
Weeraryahanka Oradka badan ee Qaranka Argentina iyo Kooxda Manchester City Carlos Alberto Tevez ayaa waxa uu soo iibsaday Mootada ugu qaalisan Dunida isaga oo Gaari qaali ah leh.
Carlos Tevez ayaa soo iibsaday Mootadaan oo magaceeda lagu sheegay Harley Black Suzuki GSX-R 1000 waxaana Qiimaheedu uu yahay 650000 Euro.
Weeraryahan Carlos Tevez oo inta badan Soomalidu u taqaan 2-Magac oo kala ah Qaameey ama Qaleey oo eey ula jeedaan isaga oo shil uu horay u galay ka dhaawacmay Qanjirada ka dibna neenaas uga dhigeen Xiliyadii uu u Ciyaari jiray Kooxaha West Ham Utd & Manchester Utd.
Tevez oo la weeydiiyey sababta uu u soo gatay Mooto qaali ah isaga oo leh Gaari Raaxo ayaa waxa uu ku jawaabay sidan:
Gaari Raaxo iyo Baabuur casri ah oo la iskugu faano Yurub ayaan ugu imid balse aniga iyo Familkeeyga waligeen Mooto ayaan ku soo adeegan jirnay waana taas in aan soo xasuusto oo aanan iloobin dhaqankeeygii hore"
Waxaa kaloo Xusid mudan Akhristoow in Tevez marar badan lagu arkay Magaalada Manchester oo uu Degan yahay isaga oo xaaskiisa canug yar kula jiidaayo Baabuurta ilmaha lagu riixo taas oo dadka yaqaan ka yaabisay maadaama Carlos Alberto Tevez uu leeyahay Gaari & Mooto Qaali ah.
Wareeysigaan oo aad u dheeraa ayaa idiin soo gudbin doonaa haduu alle idmo Qeeybtiisa 2-aad.
Ogeeysiin Bahda ku xiran Xiriiriye: Waxaa goor dhaw soo socda Barnaamishka La Yaab: oo maanta aad u xiiso badan. La Yaab ayaanu ku soo qaadaneeynaa maanta Ciyaaryahan Dunida caan ka ah oo Bisha Ramadaan uusan Soonka dhaafin halka uu Salaadana Tukan iyo Wareysi uu arinkaas ka yiri.