Canab waa Heestii ugu dambeeysay ee Maslaxaha Heesaha Soomaalida la soo saaro iyo Heesta oo noqotay mid uu Tifaatiraha Xiriiriye.com Cuntada ku kor Fakaray Jaceyl dartiis ugu dambeentiina sababtay Marti sharaftii Xaflada ineey Tifaatiraha ku Qarxiyaan ama u sheegaan inuu Cuntada si wacan u Cuno (Halkaan ka Daawo Heesta Canab oo Music & Miro Soomaliyeed loogu hagar baxay)
Dhanka Maslaxa heesaha Soomaalida ah ee Cusub oo loo yaqaan Somali New Songs 2011 ayaa Maanta waxaa la soo saaray Heestii ugu dambeeysay oo lagu magacaabo CANAB. Heestaan ayaa dhanka Miraha si weeyn loogu hagar baxay waxaana taas sii dheer Musiga HEESTA saaran oo noqday mid degan oo hadba halkii eey heesta u jiheeysato ula jaan qaadayey.
Dhanka Jilista ayaa moodaa inuu jacayl dartiis uu Cuntada ku kor fakaray Tifaatiraha & Qoraaga www.xiriiriye.com Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii) wuxuuna ka bixi waayey Fiirsiga Wadnaha loo yaqaan (Last heart-Love). Miraha Heestaan Cusub waxaa ka mid ah sidan ,Canabeey aan kula Ciido Ciyaar ma ahan Caashaquye Calaacal ka bixi waayoo,Caashaq waan kuu hayaa, Caraftaadaa jirkeeyga saaqday Camalkaagaan ku Daawoo..Caziizoow Alla Caziizoow wacan Canab waan u Duceeyey ,waligaa Caafimaad ku nooloow, Cidladaada waan Calwasaadaa Caashaqu Ciyaar ma ahan Canabeey Caalamkaan kaa Calaamadeeystay iyo murti kale oo fara badan.
Heesta waxaa Miraha, Codka iyo Musiga u Sameeyey Tifaatiraha Xiriiriye oo dhanka Alifaada ku wanaagsan weliba dhawaan helay Qalab casri ah oo goor kaste Heeso Cusub oo New ah lagu sameeyn karo..
Fiiro Gaar ah: Bahda ku xiran www.xiriiriye.com hadeey Qiso Jaceyl oo dhacday hayaan Ama doonayaan in loo sameeyo Heeso cusub oo Amaan ah ha la xiriireen Tifaatiraha Xiriiriye.com Cumar Sii Sii oo aad ka heli kartaan E-mailkaan : omarinnho@hotmail.com .