Hassan Express Muwaadinkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey oo Garoonka weeyn ee Kooxda Barcelona warar ka soo tabiya weliba Fariin u soo diray Waalidiinta Soomaaliyeed (War eey ka qoreen qaar ka mid ah websatyada Soomaalida Agaasimaha xiriiriye inta ka aqriso)
Warkaan waxaan idinkaga soo koobiyeenay Qoraaladii eey qaar ka mid ah websatyada Soomaalida ka qoreen Agaasimaha www.xiriiriye.com . Halkaan hoose ka bogo.
Xassan Cali Cumar ( Xassan Express) oo ah Muwaadin Soomaaliyeed kuna sugan mudo dhoor cisho ah Garoonka weeyn ee kooxda Fc Barcelona ayaa waxa uu fariin hawada u soo mariyey Waalidiinta Soomaaliyeed sidii eey Ubadkooda ugu dhiiri gelin lahayeen ciyaaraha kubada cagta maadaama la joogo xiligii eey dhalinyarada Soomaaliyeed ku qasbanaayeen sidii loogu dhex arki lahaa garoomada caalamiga ah ee Caalamka.
Xassan Express ayaa waxaa Safarkiisa ku wehliya Shaqsiyaad kale oo ka socda ama u dhashay dalka Norway kuwaas oo iskugu jira Muwaadiniin Siminaar Sport ku leh Inside-Camp Nou & Waalidiinta dhashay Caruur Juunyerka Norway ah oo wiil uu dhalay Muwaadinkaas uu ku jiro (Abdullahi Hassan) loona geeyey halkaas waxa loo yaqaan (Football in the club's academy) si eey Tababar balaaran ugu soo qaataan Naadigaas caanka ah ee FC Barcelona. Halkaan ka Daawo isaga oo soo salaamay bahda ku xiray Xiriiriye.com war bixin kooban ka dib >>
http://www.youtube.com/watch?v=56Adr47FdcA&feature=player_embedded.
Xassan Cali Cumar (Hassan Express) ayaa waxaa uu u dhaq dhaqaaqaa dhanka Nabada , Sportiga iyo Waxbarashada waxaana si weeyn loogu xasuustaa Macadyadii uu ka furay qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka iyo weliba magaalada Muqdisho oo uu ka hirgeliyey English Express maqal iyo muuqaal ah (Technology ) ilaa Express School uu ka gaarsiiyey Magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway oo uu hada ka furan yahay.
Sidoo kale waxaan meesha ka maqneen Garoomadii iyo Xarumihii uu u dhisay Basketball training programs & All Sport Fitness oo eey ka soo baxeen dhalinyaro aad u fara badan inkastoo eey bar bar socotay xaaladaha cakiran ee ka taagnaa magaalada Muqdisho.
Ciyaaraha ama kulamadii uu Siminaarada kala duwan ku soo bixiyey Xassan Express ayaa waxaa ka mid ah Qaranka Norway, France, Portugal, kooxda Arsenal iyo hada oo Isbuucii 2-aad uu ku maqan yahay dhanka kooxda FC Barcelona oo ka ciyaarta Primera Division-ka dalka Spain. Halkaan ka Daawo qaabka eey Tageerayaasha Barcelona u soo buux dhaafiyaan Garoonka xiliga eey kooxdooda ciyaareeyso: >> http://www.youtube.com/watch?v=DClSPT2zLDI.
Halkaan ka dhageeyso Heesta eey Barca caanka ku tahay weliba uga naxsato kooxaha kale xiliga eey Martida u yihiin >> http://www.youtube.com/watch?v=8b8cGhxhAsY&feature=related
Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa waxa eey Muwaadinkaan ku tilmaameen inuu soo wato ama meelo badan uu ka shabaho saan saantii lagu yaqaanay Aabaha dhalay Xiddiga Soomaaliyeed ee kooxda Manchester City u ciyaaro Abdisalaan Ibraahim Cadaay maxaa yeelay wiil uu dhalay Hassan Express ayaa si weeyn uga soo dhex muuqdo ama mustaqbal ku leh ciyaaraha kubada cagta.
Halkaan ka Daawo>> http://www.youtube.com/watch?v=lson8hVGxkg&feature=player_embedded.
Xassan Cali Cumar (Tollman) ayaa waxa uu furay Websetyo badan oo dhanka Sportiga iyo Arimaha Bulshada ka hadla sida Xiriiriye.com & Warcusub.com iwm ,waxaana Fariintaan uu hawada u soo mariyey Waalidiinta Soomaaliyeed ee Ubadkooda la jecel ama la doonaayo ineey Mustaqbal ka gaaraan ciyaaraha kubada cagta u noqon doontaa mid dareen gooni ah ku abuurto maadaama uu dhex taagan yahay ama uga gacan haatiyey mid ka mid ah Garoomada eey ku ciyaarto kooxda dunida ugu magaca dheer xiligaan la joogo uguna awooda badan waa Catalonia Camp Nou Fc Barcelona/Spain.
Halkaan ka Daawo >> Macalinka Ama Tababaraha kooxda uu u ciyaaro Wiilka Agaasimaha Abdullahi Hassan qaabka loo siinaayo cashirada iyo wanaaga eey leedahay ciyaarta Kubada Cagta ah iyaga oo dhex jooga garoonka weeyn ee kooxda Barcelona >>
http://www.youtube.com/watch?v=rLmGOJLGAMc.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!