Heestaan Wadaniga ah waxaa iska cad kana muuqata in lagu soo aadiyey Maalinta Xornimada Calanka Soomaaliyeed ee 1-da Luulyo oo eey ka harsatahay 2 maalmood oo kaliyah. Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa marka aad fiiriso dhanka Wadaninimada wexeey ku kala duwan yihiin dhanka Moowqifka maadaama qaar eey Heesaha Wadaniga ah xooga saaraan halka qaarka kale eeysanba Heeso cusub ka suubin Dhibaatooyinka dalka iyo Dadka heeysta.
Fanaanka Heestaan soo saaray oo Murti Shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyey ayaa ugu dambeentii waxaa Muuqaalka video-ga laga dareemay ama si toos ah uga muuqday inuu dhamaadkii Heesta Murugo darteed Dhulka ku dhacay.
Dadka Soomaaliyeed ee Wadaniyadu ku dambeeyso ayaa waxaa xaqiiqo ah hadeey Heestaan dhageeystaan ineey noqon doonto Ninkii Dhiig lahoow kac umadaada waxaad awoodo u qabo.
Miraha Heesta ayaa waxaa ka mid ah oo Xaadu ku kaceeysaa (Waan baa baŽnay Waa Balaayo Waa wareeeeey war is daaya, Soomaalooy kala hara Inaa Lilaahi wa inaa ileeyhi Raajucuun. Bad iyo Bariba waa la duqeeyoo Baariyoow Ilaahoow Bulshadaan u kaalmee. Bulshooy Bisinka noo qabta maanta Ducada badiya Balaayo Alla Xijaab (1. Luulyo.2011.
Bm Baroon waan baa baŽnayoo Baladkii bur burayoo Xabaaluu noqday. Beebe iyo Baasuke weey na badeenoo Bulashadii baa baŽday balaayaa qabsatay. Baas iyo Balaayo Barqa kasta waa tan Beerihii gubteenoo Buurihii Qiiqeen. Boob iyo Buntuqaa Barqa cad na Buubshay waan baxsanayoo Badaha ku laŽnay.
Halkaan ka Daawo Heesta Cusub ee Baas iyo Balaayo http://www.youtube.com/watch?v=jH3IVvdACgk .