Maleeshiyaadka Al Shabaab oo magaalada Muqdisho guud ahaan laga bursaday iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed oo si Nabad ah ku Daawan doona koobka Qaramada Africa 2012 (Xiriiriye.com oo Dhalinyaro badan la xiriiray & dhalinyaradaan oo Afka kala furatay markii ugu horeeysay Cabsi la´aan!!)
" Naga taga dheh inkaar qabayaasha Qarax iyo Cabsi ayeey raaxada nooga qaadeen waxaana mararka qaar na dhaafa horyaalada Caalamka gaar ahaan Kulamada adag oo inta badan dhaca Saqda dhexe, Maxaan Ciyaar daawanaa oo Horyaalada la socnaa Qof Bac madoow wata hadii uu soo galo Goobaha Ciyaaraha lagu daawado ee dib loo furay waxaa dhacda in goobtaas lagu kala cararo cabsi darteed ayuu yiri C/Casiis Ayuub Daahir oo xiriiriye.com uga waramayey Xaalada magaalada Muqdisho oo Jawi cusub gashay ka dib markii maanta hilfaha loo qaaday Maleeshiyaadka Xarakada Shabaab.
Liibaan Khaliif Jeenyo " Anaga Siyaasad iyo Cidii is Dagaaleeyso shuqul kuma lihin waxaana nahay Dhalinyaro dhiigooda uu ku shaqeeyo Ciyaaraha Kubada cagta cidii arinkaas iyo Nabada naga hor istaagta waxaa loo bursan doonaa Saacad walba sida Al Shabaab qabsatay oo kale,,
Xamza Xaaji " Al Shabaab Cuqubada ay ka galeen Dhalinyarada ayaa ku qasabtay in Xabadihii ay ku faani jireen isku badalaan kuwo gadaal gadaal loo ridaayo iyaga oo sii cararaya,,
Salmaan Cabdi Caseeyr (Diyeeshe Yare) " Wallaahi xaafadeena waxaa ku sugan Ciidamo Yugaandhees iyo Jabuutiyaan ah wexeeyna si toos ah noola Daawanayeen Kulankii Darbiga ahaa ee Ac Milan Vs Inter Milan iyo Ciyaartii Real Madrid Vs Fc Barcelona marka yaanu jeclaanaa kuwa na qarxinaya mar walba ee leh Ciyaaraha waa Xaaraan iyo Murdad ayaad tihiin iyo kuwa nala Daawanaya iyaga oo aad u xiiseenaya ineey ogaadaan kooxaha Caalamka sida ay u kala badiyeen,, ?
Anas Siciid Sharmaarke (Zidane) " Asxaabeey Hadal badan haan ma buuxiyo aniga waxaan leeyahay Al Shabaab ilaaheey naguma soo celiyo,Itoobiyaana sidoo kale ilaaheey naguma soo celiyo maxaa yeelay Madaafiicdii Bm-ka eheed ee Ciidamada Itoobiya Goobihii aan Ciyaaraha ku Daawan jirnay ayeey Dakum iyo daakum ka dhigeen ka dibna Al Shabaab ayaa Qaraxyo nagu dhameeys tirtay (Labadaba Alloow ha nagu celin oo la waayaa buuqooda iyo Xabadahooda badan),,
Fuaad Macalin Xassan Kaahiye " U maleen maayo kuwaas hadii xitaa Xamar laga saaray ineey Qarax naga deeyn doonaan maxaa yeelay Ciyaalkii ay Maskaxda ka badaleen ayeey horay ula sii carareen wexeeyna doonayaan hadhoow ineey Qaraxyo ku soo rakibaan ka dibna Shacabka iyo Dhalinyarada Nabada jecel ku xasuuqaan (Allaahu mana jeenaa Sharta Shabaab iyo kuwii raacsanba),,
Faysal Maxamed Sahal (Faysal Pirlo)" Aniga Shaqsi ahaan waxaan nacay qolooyinkaan Al Shabaab la baxay markii ay Xaaraan ku tilmaameen Ciyaaraha, mana aqaan halka ay kala yimaadeen Diintaan cusub oo aan Dunida Islaamka ah looga dhaqmin. Wadamada Sacuudi Carabiya iyo Iiraan wexeey ku dhaqmaan Sharciyada Islaamka mana jirto goob Ciyaaraha laga mabnuucay ama lagu Qarxinaayo Shacab ama Dhalinyaro Ciyaaro daawanaya,,
Dhalinyaradaan ayaa ugu dambeeyntii wexeey rajeenayaan ineey si Farxad iyo raaxo ah ku daawan doonaan Koobka Qaramada Africa oo lagu wado inuu furmo maanta oo Sabdi ah.
FIIRO GAAR AH : Goobaha ugu dambeeyey ee laga saaray Maleshiyaadka Shabaab oo Anti Sport ah waxaa ka mid ah Qabuuraha Barakaad ,Xaafada Suuqa Xoolaha iyo Jaamacada Muqdisho.
WARARKII AY SAXAAFADA KA QORTAY QAABKII LOO BURSADAY MALEESHIYAADKA AL SHABAAB OO MARNABA DIIDAY IN UMADU NABAD HESHO HOOS KA AQRISO :
Ciidamada Milateriga Dowlada Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom ayaa saaka weerar xoogan ku ekeeyay xaafadihii ay Muqdisho kaga harsanaayeen ciidamada Alshabaab waxaana dhexmaray dagaal culus .
Ciidamada amisom iyo kuwa dowlada ayaa saaka gaaray mid ka mid ah guulahii ugu muhiimsanaa ee dagaalka Muqdsho markii ay guud ahaan gacantooda soo geliyeen Magaalada Muqdisho intii ay kaga harsanaayeen xarakada Alshabaab sida xaafadaha suuqa xoolaha,waxaracade iyo xaafado ka mid ah Degmada Dayniile.
Dagaalada oo xalay saq dhexe iyo saaka waabarigii bilowday ayaa alshabaab looga saaray guud ahaan meelihii ay kaga harsanaayeen xaafadaha Muqdisho iyadoo wararkii ugu danbeeyay ee aan heleyno ay sheegayaan in ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada ay iminka ka dagaalamayaan qeybo ka mid ah Degmada balcad markii ay ka talaabeen xadka Gobolka Banaadir.
Inta badan degmooyinka Muqdisho waxaa saaka aad looga maqlayay madaafiicda iyo rasaasta xoogan ee la isu adeegsanayay xili meelo kooban ay ashabaab kaga harsanaayeen magaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka Basra oo isku xira Afgooye iyoBalcad ayaa sheegaya in saaka ciidamada amisom ay gaareen wadadaasi islamarkaana ay la wareegeen lamana yaqaan talaabada xigta gaar ahaan inay degmada Balcad la wareegi doonaan iyo inkale.
Weerarka saaka ay qaadeen ciidamada midowga Afrika iyo kuwa Dowlada oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka danbeeyay markii asbuucii la soo dhaafay baabuurta dagaalka ee taangiyada iyo kuwa gaashaaman si aad loogu daabuley wadada warshadaha oo ay isku horfadhiyeen labada dhinac.
Dagaalka saaka ayaa ka qarxay labo jiho dhanka degmada heliwaa iyo dhanka Degmada Deyniile meelahaasoo si isku mid ah aaney ciidamada alshabaab ka muujin wax iska caabin xoogan ah waxaana deg deg guulo u gaaray ciidamada iskaashanayay.
Saraakiil u hadashay dhanka alshabaab ayaa durba saaka qirtay guuldarada soo wajahday ciidamadooda iyagoo dhanka kale ku hanjabay inaanu dagaalka sidaa ku istaagi doonin balse ay sii wadi doonaan.