Caalamka oo oo idil Sanad kasta marka uu dhamaado waxaa laga xusaa oo la qiimeeyaa wax yaabihii Sanadkii tagay laga dhaxlay iyo wax yaabaha laga filan karo Sanadka cusub ee dhashay (2012).
Sanadkii tagay ee 2011 ma aheeyn sanad sahlan maxaa yeelay waxa uu xambaarsanaa Dhacdooyin kala duwan oo ka kala dhacay Dunida iyo gudaha Soomaaliyaba. Dhanka Dunida waxaa ugu waa weeynaa Marxuum Muamar Al Qadaafi iyo Dawladiisii oo Hilafa loo qaaday. Madaxweeynihii Masar Mr.Husni Mubaarak oo maalin cad Shacabkiisu rideen iyo Bin Caligii Tunisiya oo orad looga saaray dalkaas.
Dhanka Somalia waxaa Xusuus mudan oo lagu soo xasuusan doonaa Sanadka 2011 Qaraxii lagu xasuuqay Arday Waxbarasho oo Imtixaan loogu qaadi lahaa dalka Turkiga u fadhisay,Ka bixitaankii Muqdishe ee Shabaab,Imaanshihii ay Muqdisho yimaadeen Madaxda kala ah R/Wasaaraha dalka Turkiga Mr.Raccep Tayip Erdogan & Madaxa UN-ta Mr.Ban ki Mon iyo is Casilaadii Farmaajo.