Darawal Bas oo Qadar yar Telfoon ku hadlay ayaa waxaa eey sabab u noqotay Dhimashada 9-Qof iyo Dhaawaca 41-qof oo halis ah & Dhacdooyinka Caalamka.
Waxaa arin Argagax & Murugo xambaarsan soo daayey Tirana Tv oo laga leeyahay dalka Albania. Bas ka mid ah kuwa Dawlada hoose oo waday Shaqaale kor u dhaafaayo 6o-ruux ayaa waxa uu galay Shil lagu sheegay sababtiisa mid ilbiriqsiyo eheed ka dib markii Darawalkii Baska waday uu qadar yar oo daqiiqado kooban ah Telfoonka gacanta kula hadlay reerkiisa xiligaas oo telfoonka uu qabtay wiil yar oo uu dhalay balse u sheegay in Hooyada reerka eey Jikada ku jirto uuna u geen doono Telfoonka.
Nasiib daro Xaaskii reerka iyo darawalkii Baska oo aan wada hadlin ayaa waxaa dhexdooda soo galay qadar Alle ka dib markii Darawalkii Baska waday uu Kontorooli waayey Baskii kana baxay wadadii uu ku socday taas oo soo dedejisay inuu meel qar ah ka dhaco si dhaqsi ahna eey ku naf waayaan 9 ka tirsan Rakaabkii Baska saarnaa halka 41-qof eey dhaawacyo halis ah ka soo gaareen.
Maryama Doreta oo ah haweeneey saarneed qeeybta hore ee Baska ayaa Tv-ga Tirana waxa eey u sheegtay in ilaa iyo hada eey wel wel iyo naxdin la hadli laŽdahay maadaama waxa dhacay eey si Live ah ugu jeeday ama u maqleeysay xiligii aadka u yaraa ee Darawal Mendim uu Telfoonka kula hadlaayey ilmo yar oo uu dhalay. Maryama Doreta ayaa xiligii uu Tirana Tv wareeysanaayey waxa eey jiiftay Isbitaalka Magaalada Tirana ee caasimada dalka Albania wexeeyna ka jabtay dhabarka dambe qeeybtiisa bidix.
Waxaa inta badan Caalamka ka dhaco Dhacdooyin laga hortagi karo dhibaatooyinkeeda balse waxa eey taas ku xiran tahay sida uu masuuliyada u qaado shaqsiga xiligaas umada Shaqada u hayo in kastoo eey jiraan dad kheeyrul masuul ah oo fiirsada arimahooda shaqsiyadeed.
** Waxaa sidoo kale Dhacdooyinka Caalamka maanta ugu yaab badnaa arin la la yaabay oo ka dhacday dalka New Zealand ka dib markii Nin 47-jir ah uu xaaskiisa oo 48 jir ah kana soo jeeday dalka Thailand Ceejo ku dilay weliba Meeydkeeda guriga ku heeystay mudo 28-cisho ah. Arinka ninkaan oo adkaa si lagu ogaado ayaa waxaa Booliska dalkaas wacay Shirkadii Qalabka kumbiyiitara ee uu u shaqeenaayey kuwaas oo Booliska u sheegay inuu ninkaan fasax laŽaan uu ku maqan yahay mudo ku dhaw bil eeyna uga baran ficil nuucaas ah.
Booliska oo gurigiisa Jabiyey ayaa ugu dul tagay isaga oo kor fadhiyo xaaskiisa oo mudo 28-cisho ah Meyd eheed waxaana la sheegay in Ninkaan uu haweeneeydaas aad u jeclaa kana diiday ineey u guurto dalka Thailland taas oo aakhiritaankii sababtay inuu ceejo ku dilo maadaama eey goŽaansatay ineey reerkeeda dib ugu laabaneeyso kuna noolaan doonto dalka Thailand.