La Yaab : Saxaafada Sportiga ee Jarmalka oo ku kacsan Bastian Schweinsteiger ka dib markii uu Xafladii Habeenkii Sanadka Cusbaa Beerta Aabihiis ee Xayawaanaadka lagu xanaaneeyo ka ceeyriyey 8-Joornaaliste . Waa maxay sababta uu u ceeyriyey & Qaladka eey galeen?
Barnaamishka La Yaab ee ka baxa www.xiriiriye.com waxa uu raadiyaa ama soo tabiyaa Arimihii Sport ee ugu yaabka badnaa ama ugu hadal heeynta badan Caalamka.
Saxaafada dalka Jarmalka iyo qaar ka mid ah Telefishinada dalkaas sida ZDF, Sport1 iyo Pro7 ayaa wexeey daba dhigteen Xiddiga Qaranka Germany iyo kooxda Fc Bayern Munchen Bastian Schweinsteiger oo habeenkii Happy New Year-ka ka ceeyriyey 8-Joornaaliiste beerta Aabihiis uu ku leeyahay MagaaladaKolbermoor oo ku taal Gobolka Bayern ee dalka Jarmalka.
Bastian Schweinsteiger oo xiligii uu dhamaaday Koobkii Addunka ee 11-kii Juun ilaa 11-kii Juulay ka socday dalka South Africa waxa uu ku soo laabtay dalka jarmalka isaga oo wata 2-Libaax iyo 4-Dameer faroow ah oo midabkoodu uu yahay Funaanada ama Maaliyada eey ku dheelaan kooxaha caanka ah ee Juventus iyo Newcastle United (Madoow & Cadaan).
Qarashka uu kala soo baxay Bastian Schweinsteiger Libaaxyada iyo Dameer faroowga ayaa Saxaafadu ku sheegtay Adduun gaaraya 285-kun oo Euro wexeeyna isaga iyo Aabihiis u sameeyeen Xayawaanaadkaan Meel dadan oo laga dhigay sidii ineey Africa ama Hoowd dhir badan leh tahay waxaana sidoo kale beertaan ku baxay Qarash iyo Adduun gaaraayo 1,8 Milyan oo Euro . Inta aadan gelin Beerta ama afka hore ee Irida ayaa waxaa ku dhegan Tabeelle weyn ama Boor weeyn oo eey ku qoran tahay sidan : (Fotografieren verboten+Kamera) Macnaha erayadaan ayaa Soomaali ahaan wexeey yihiin (Qaadista Sawiro & Duubista Video-ga Gudaha Beerta waa ka mamnuuc) .
Hadaba Habeenkii sanadka Cusub ee 2011uu dhalanaayey ayaa Aabaha dhalay Bastian Schweinsteiger iyo qudhiisaba wexeey Beertaas Quruxda badan ku marti qaadeen Marti sharaf aad u fara badan balse wexeey Balaayo ka dhacday markii la arkay 8-nin oo lagu sheegay ineey Joornaalisteyaal ahayeen oo Ciyaaryahan Bastian Schweinsteiger uu dibada u saaray kana ceeyriyey Beerta dhexdeeda . Nimankaan ayuu ku eedeyey Ciyaaryahan Bastian Schweinsteiger ineey si sharci daro ah ku duubanayeen Libaaxyadiisa si eey uga sii beec mushtaraan waxaana cadaatay in hadalka Bastian Schweinsteiger uu sax ahaa maadama Fadeexadaas ka dib eey Beerta isaga hayaameen nimankii lagu eedeyey Ficilkaas.
Hadaba Saxaafada ugu caansan dalka Jarmalka ayaa qaar ka mid ah wexeey daba dhigteen Bastian Schweinsteiger iyaga oo ka qoray hadalo lidi ku ah oo eey leeyihiin waa maxay sababta uu ku diiday in la duubto Liibaaxyda iyo Dameerfarowga halka qaar ka mid ah Saxaafada eey diifaacday Ciyaaryahan Bastian Schweinsteiger sida Skysport-Germany oo sheegay inuu xaq u leeyahay inuu diido maadaama uu isaga leeyahay Qarash fara badana ku baxshay Nolasha xayawaanaad-kaas.
Ugu dambeentii 8-da nin ee Jabshay nidaamka iyo Xeerka lagu galo Beerta Bastian Schweinsteiger ayaa la sheegay ineey wateen Telefoonada casriga ah ee wax lagu sawirto waxaana hubaal ah hadeey soo bandhigaan Sawiro laga soo qaaday Beer ganacsi ama meel uu leeyahay qof Shaqsi ah oo raali ka aheyn ficilkaas ineey muteeysan doonaan Lacago ganaax ah. Schweisteiger ayaa dhoor jeer horay u sheegay in dalka South Afrika uu yahay wadanka uu Dunida ugu jecel yahay maadaama uu ka soo iibsaday Xayawaanaad uu weligiis ilaa yaraantiisii ku riyoon jiray ineey is bartaan ama uu dheelsiiyo. Filo goor dhaw Warar Sport oo Top News ah: Waxaa hada ku socda Qoraalo iyo Tarjumaad.