Bastian Schweinsteiger,Rafinha, Ribery iyo inta badan Laacibiinta kooxda Fc Bayer Munchen oo ka hadlay falkii uu Qooyskiisa iyo Gurigiisa ku Qarxiyey Difaaca Reer Brazil & kooxda Fc Bayern Munchen Breno Vinicius Rodrigues iyo Dhaqtarka Fc Bayern Munchen oo Xiddigaas Xabsiga ku booqday kana soo sheegay arin laga naxo (Halkaan ka Daawo Wareeysiyada Madaxda & Ciyaartooyda Fc Bayern Munchen ee ku saabsan Dhibane Breno+Muuqaalka Xaaskii uu dhibkaan darteeda u sameeyey ) !!
Xiddigaha kala ah Bastian Schweinsteiger, Rafinha, Frank Ribery, Holger Badstuber,Arjen Robben, Jerome Boateng, Philipp Lahm, Anatoliy Tymoshchuk, Danijel Pranjic, David Alaba iyo Toni Kroos oo dhamaantood u wada ciyaara kooxda Fc Bayern Munchen ayaa waxaa laga soo celiyey ama loo diiday ineey booqdaan Gudaha Xabsiga Magaalada Munchen/Munich oo uu ku jiro Xiddiga reer Brazil ee dhanka Difaaca uga ciyaara kooxda Fc Bayern Munchen waa Breno Vinicius Rodrigues .
Xiddigahaan oo lagu sheegay ineey aad u Naxariis badan yihiin waxaa amray in aan Gudaha Xabsiga loo fasixi karin Garsoorihii ama Qareenkii u doodayey Ciyaaryahan Breno Vinicius Rodrigues oo dhoor maalmood ka hor qarxiyey ama gubay Gurigiisii oo ka koobnaa Villa aad u weeyn xili eey ku jireen labadiisa Caruur iyo Xaaskiisa Renate.
Laacibiintaan booqatay Ciyaaryahan Breno ayaa waxa la sheegay ineey doonayeen xogta dhabta ah ee Ciyaaryahan Breno ku kaliftay inuu dhib sidaas u weeyn geeysto maadaama uu ahaan jiray Xiddig degan oo hadane kaftan badnaa.
Dhaqtarka Fc Bayern Munchen Dr.Hans-Wilhelm Müller-Wohlfahrt oo Xabsiga ku booqday Ciyaaryahan Breno waxa uu Saxaafada horteeda ka yiri sidan " (Breno geht es nicht gut, wie ich es sehe, er ist Krank und braucht Hilfe) : Breno ma Caafimaad qabo wuuna xanuunsanayaa oo waxa uu u baahan yahay in la Caawiyo,,
Dr.Hans-Wilhelm Müller-Wohlfahrt wuxuu hadalkiisa sii raaciyey inuu Ciyaaryahan Breno Maskax ahaan isku dhex yaacay oo uu doonayey inuu is Dilo. Laacibkaan ayaan la sheegay ineey Waashay Xaaskiisa Rinate ama ku riday waxa loo yaqaan (Stress Depression) oo macnaheedu yahay Qofka lagu furo buuqa faraha badan ilaa la gaarsiiyo xanaaqiisa heerka ugu sareeyo ee uu garan waayo waxa uu sameenaayo.
Guriga uu Gubay ama Baansiinka ku Qarxiyey Ciyaaryahan Breno ayaa waxa uu ahaa Villa aad u weeyn wuxuuna Qaraxii Dabka gaaray qaar ka tirsan Dariskii Breno oo si deg deg ah ugu yeeray Ciidamada Booliska iyo gawaarida Dabdamiska.
Gudoomiyaha Fc Bayern Munchen Mr.Karl-Heinz Rummenigge iyo Boss-ka kooxdaas Mr.Uli Hoenes wexeey ku jiraan oo dhexda u xirteen sidii lagu soo deeyn lahaa Ciyaaryahan Breno oo eey ku doodayaan xiligii uu falkaas sameeyey ineeysan Maskaxdiisa Fadhin ama caadi aheeyn.
Kiiska Xiddigaan ayaa waxaa la sheegay inuu aad u adkaan doono sidii lagu soo deeyn lahaa hadii eey ku cadaato inuu doonayey Dilka Xaaskiisa Rinate iyo Labadiisa Caruur, balse hadii eey ku cadaato inuu rabay kaligiis inuu is Dilo waxaa yaraan doona Xabsigii loo jari lahaa ama Lacag Ganaax ah ayaa lagu soo furan doonaa.
Ciyaaryahan Marcio Rafael Ferreira de Souza Rafinha oo Fc Bayern Munchen & Qaranka Brazil dhexda uga ciyaara si aad ahna iskugu dhawaayeen Xiddiga wax Qarxiyey ee Breno waxa uu Rafinha yiri isaga oo Saxaafada la hadlayey sidan " Breno Saaxiibkeeyga qaaliga ah ayuu ahaa dhoor jeerna waxaan u raacay Xaafadiisa wuxuuna maalmihii ugu dambeeyey ii sheegi jiray ineey Xaaskiisa Rinate nafta u keentay kuna furtay buuq ka dib markii eey ugu hanjabtay ineey Caruurtiisa kala wareegi doonto hantidiisana ku guursan doonto Nin kale,,
Halkaan ka Daawo Xabsiga uu Breno ku jiro & Xiddigaha Bayern Munchen oo Wareeysi ku difaacay >>> http://www.youtube.com/watch?v=oA3xmkT4xE8 .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com