Difaaca reer Brazil iyo Kooxda Fc Bayern Munchen Breno Vinicius Rodrigues oo Xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu Villadiisa iyo Xaafad ku dhegneed gubay Xaaskiisa oo ka xanaajisay darteed iyo Xiddigaan oo Muteeysan doona ugu yaraan 15-sano oo Xarig ah ,* Kooxda Juventus oo Hogaanka u qabatay Horyaalka Talyaaniga,* Horyaalka Sweden oo lagu kala baxay !!
Xiddiga reer Brazil ee kooxda Fc Bayer Munchen dhanka Difaaca uga ciyaaro Breno Vinicius Rodrigues ayaa si deg deg ah Xabsiga loogu taxaabay ka dib markii lagu soo cadeeyey inuu Gubay Guri Villa ah iyo Deegaan balaaran oo eey ku taalay Dhir ama beer eey iska lahaayeey Dad Qooysas ah.
Xiddigaan oo qirsan Ficilka uu sameeyey ayaa waxaa la sheegay ineey ku sababtay Qilfaaf ka dhex biloowday isaga iyo Xaaskiisa Renate oo 2-Caruur ah u heeysa. Breno Vinicius Rodrigues wuxuu ku soo biiray kooxda Fc Bayern Munchen bishii Janaayo sanadkii 2008 xiligaas oo kooxda Fc Bayern Munchen eey kaga soo iibsatay kooxda Reer Brazil Sao Paolo Adduun lagu sheegay 12-Milyan oo Euro.
Qasaaraha Villada iyo Beerta uu gubay Ciyaaryahan Breno ayaa waxaa lagu sheegay 1,5 Milyan oo Euro .Goobta ama Xaafada uu gubay Ciyaaryahan Breno oo Xanaaqa ka tan badiyey waxaa lagu magacaabaa Portenlengerstrasse 41 Munchner Nobelvorort Grunwald. Kiiska Maxkamada Dacwada Breno qaaday wexeey sheegtay in uu ugu yaraan halsano socon doono Boraseeska xiddigaan uuna muteeysan doono 15-sano oo Xarig ah maadama goobta uu gubay laga soo bad baadiyey Caruur yar yar oo ku Halaagsami rabtay. Halkaan ka Daawo Ceebta uu dhigay Ciyaaryahan Breno iyo Dariskii Xaafada uu degnaa oo goobtaas iskaga cararay >>> http://www.youtube.com/watch?v=1gnc2OIcaOo
Ciyaartooyda Caalamka oo intooda badan Lacag ku filan heeysta ayaa marka eey Xaasaskooda ka xanaajiyaan waxa eey ku kacaan falal dambiyeedyo sababi kara in magacooda laga waayo Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta halkaasna uu ku soo xirmo Mustaqbalkooda.
*** Hoyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A oo la ciyaaray kulankiisii 4-aad waxaa markii ugu horeeysay si sharaf leh hogaanka ugu qabatay kooxda Juventus. Kooxihii la tar tamaayey kooxda Juventus ayaa qaarna la garaacay qaar kalena Bareejo lagu qabtay.
Juventus wexeey Breejo guri kale ah 1-1 ku kala bexeen kooxda Catania halka Genoa oo la tar tameeysay eey ka soo badisay kooxda Chevo (1-2). Juventus wexeey Hogaanka Horyaalka Talyaaniga ku heeysaa 8-dhibcood waxaana sidoo kale 8-Dhibcood leh naadiga Udinese balse Juventus ayaa goolal badan ka dhalisay Horyaalka Serie A.
Dhanka kale kulan adag oo dhex maray kooxaha Fc Parma Vs As Roma waxaa 0-1 ku badisay kooxda Roma oo xili Ciyaareedkaan Laacibiin fara badan soo aruursatay balse aan weli si wanaagsan kubada iskula qabsan.
*** Kooxda Helsingborg wexeey xaqiijisay ineey markeedii 7-aad qaaday Horyaalka dalka Sweden ka dib markii eey guri kale 1-3 ku soo garaacday kooxda GAIS Stockholm . Helsingborg ayaa aruursatay 61-Dhibcood wexeeyna 10-Dhibcood ka kor martay kooxda la tar tameeysay xili Ciyaareedkaan ee AIK Stockholm.