(OGEEYSIIN MUHIIM AH, WARARKA IYO BARNAAMISHYADA SPORT EE KA BAXA XIRIIRIYE.COM OO LA KORDHIN DOONO)
Jaraaidyada ugu caansan dhanka Sportiga ee Dunida ayaa Ciwaano kala duwan wexeey ka qoreen Xulka Qaranka Argentina oo Balaayo ka qabsatay Koobka Qaarada America oo si xiiso leh uga socday Ciidooda Hooyo.
Wararkii Saxaafada Caalamka eey ciwaanada uga dhigeen war bixintooda ayaa waxaanu ka xusi karnaa iyaga oo Tarjuman kuwaan ama sidan :
Leo Messi oo Copa America daaqada laga saaray* Matoorka FC Barcelona oo Copa America 2011 Dooro qoyday ka noqday* Qaranka Agentina waxaa ugu wacnaa ineey si wacan ugu ciyaari waayaan Dadkooda & dalkooda Wasiirka Sportiga dalka Argentina oo biloowgii koobkaan ku tilmaamay Laacibiinta Argentina kuwo aan u qalmin boosaskooda oo Lacag ku filan heeysta weliba Calooshood u shaqeeystayaal jecel kooxahooda ah, arintaan fitnada ah ee ka soo yeertay Wasiirka Sportiga waxba kama qaban Dawlada ARGENTINA maadaama dalkaas Dimuqaraati yahay Wasiirkaas Seef la boodka ahna uu sax sanaan karo sidaas waxaa qoray BILD-SPORT oo ka soo baxa dalka Jarmalka.
BILD SPORT oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri sidan " Waxaa iska cad in biloowgii Koobkaan Niyada laga dilay Laacibiinta Qaranka Argentina haba ugu weeynaato Saxaafada dalka Argentina oo si xad dhaaf ah u daba dhigatay Ciyaartooyda Argentina & Macalinka Qarankaas.
(?)Saxaafada Caalamka ayaa qaar wexeey Caalaamad Su´aal saareen Sababta Laacibiinta Qaranka Argentina eey Afka u buur buurayeen ama Xanaaq daran ugu muujinayeen Telefishinada Caalamka marka eey Garoomada soo galaan Copa America 2011.
*** Ciyaarta eey Uruguay ku reebtay Argentina iyaga oo Garoonkooda ku ciyaaraya waxaa la isla dhaafi waayey 1-1 la kala dhaliyey qeeybtii hore ee Ciyaarta waxaana goolashaas u kala saxiixay labada dhinac Diego Perez oo daqiiqadii 6-aad Uruguay gool u saxiixay halka Weeraryahan Gonzalo Higuain uu Qaranka Argentina goolka bareejada u dhaliyey daqiiqadii 18-aad.
Rigooreyaashii la isku cabay waxaa Qaranka Uruguay u wada saxiixay Laacibiinta kala ah Diego Forlan, Luis Suarez, Andres Scotti, Walter Gargano iyo Martin Caceres halka Qaranka Argentina eey si sax ah Rigooreyaasha ugu gameen Laacibiinta kala ah Leo Messi, Nicolas Burdisso, Javier Pastore iyo Gonzalo Higuain waxaana Argentina qasaariyey oo Rigoorada ka cunay Xiddiga Man City iminka ku kacsan ee doonaya inuu u hayaamo horyaalka dalkiisa Hooyo ee Argentina waa Carlos Tevez oo qaar ka tirsan Taageerayaasha Qaranka Argentina Home-beej-kiisa Hanjabaad dil ah ugu soo direen.
Halyeeygii garoonka waxaa noqday Goolhayaha Sunta ah ee Qaranka Uruguay waa Fernando Muslera oo balan qaad balaaran ka helay dhamaan ciyaartooyda Qaranka Uruguay taas oo eheed hadii eey qaadaan Copa America 2011 ineey magaciisa ku qori doonaan maadaama balantu eheed inuu Qaranka Argentina Rigoore ka qabta uuna balantaas ka dhabeeyey (Copa Fernando 2011 in Argentina).
Halkaan ka Daawo goolashii 1-1 >>> http://www.youtube.com/watch?v=TZVqVI-jICY&feature=related . Halkaan ka Daawo Rigooradii Beerta la isku galiyey >>> http://www.youtube.com/watch?v=t0BGS34CyuU . *** Qaranka Uruguay wexeey fooda is dari doonaan maalinta Talaadada ah Xulka Peru oo ka faaideeystay Qaranka Colombia oo Daqiiqadii 65-aad uu Rigoore muhiim ah ka qasaariyey Weeraryahanka kacsan ee kooxda Fc Porto laguna magacaabo Falcao.
Peru wexeey Bood boodka Colombia dhulka dhigtay waqti dheeraadkii ciyaartaas lagu daray sida daqiiqadii 102-aad oo gool uu Colombia kaga naxsaday Ciyaaryahan Carlos Lobaton halka uu sii meeyd garaacay daqiiqadii 111-aad Laacib Juan Vargas Qaranka Colombia oo fursado badan iska qasaariyey watayna sanadkaan Ciyaartooy yar yar oo qatar ahaa.
Halkaan ka Daawo Ciyaarta Peru Vs Colombia >>> http://www.youtube.com/watch?v=wiwHasaB0Oc&feature=related . *** WARARKII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WEXEEY NAGU SOO GAARAYAAN SIDAN:
*** Kooxda The Gunners Fc Arsenal wexeey la soo wareegtay Ciyaaryahanka da´da yar ee Qaranka Costa Rica Joel Campbell.
Joel Campbell oo 19 jir ah waxa uu dhanka Wéerarka uga ciyaarayey Qaranka Costa Rica koobka Qaarada Amercia oo dalka Argentina si xiiso leh uga socda waxeeyna Fc Arsenal ka soo iibsatay kooxda Deportivo Saprissa .
*** FIFA Women's World Cup Germany 2011 (Koobka kubada cagta ee Dumarka Dunida 2011) ayaa waxaa la gar guurtay Qaranka gabdhaha Japan oo ka yaabsaday Xiddigihii ka socday dalka Mareeykanka oo mar kasta koobkaan awood ku qaadan jiray. Koobka Addunka ee Dumarka oo mudooyinkaan si xiiso leh uga socday dalka Germany waxaa Ciyaartiisii kama dambeeysta eheed 2-2 isla dhaafi waayey Laacibiinta Gabdhaha Japan & kuwa Mareeykanka waxaana Rigooreyaal loo dhigay ugu dambeentii 3-1 ku suul daaray Gabdhihii USA Qaranka Japan.
*** Magaalooyin waa weeyn oo ka tirsan dalka Brazil ayaa see tahay looga dabaal degay markii eey si Live ah u daawadeen Qaranka eey ifka ama Dunida iskugu neceb yihiin ee Argentina oo laga reebay Copa Ameriga iyaga oo gurigooda ku ciyaaraya.
Brazil oo isa siisay ineey qaadi doonto Copa America 2011 maadaama Kaaba laadarkii oo Argentina eheed laga taqluusay ayaa riyadaas wexeey noqotay hal bacaad ku lis ka dib markii Brazil qudheeda Rigooreyaal eey Hawada kaga qarisay Paraguay.
Paraguay wexeey sugeeysa kii soo baxa wadamada Venezuela ama Chille.
*** Kooxda Juventus ee horyaalka Talyaaniga oo ka qeeyb galeeysa ama u safartay Tartanka Xagaaga ee kooxaha waa weeyn ku dhex mari doona dalka Mareykanka wexeey ka tagtay qaar ka mid ah Ciyaartooyda u safta Juve oo lagu sheegay ineey beec ka yihiin kooxdaas kuwaas oo kala ah sida ku qoran Homepage-ka Juventus Laacibiintaan " Sergio Almiron, Albin Ekdal, Fabio Grosso, Yago, Vincenzo Iaquinta , Mohamed Sissoko, Felipe Melo iyo Amauri.
Felipe Melo waxaa lagu wadaa sida ugu dhaqsiyaha badan inuu ku biiro labo ka mid ah kooxaha sida aadka ah u doonaya oo kala ah Corinthians oo ka dhisan horyaalka Brazil iyo FC Villareal oo iyana ka ciyaarta Primera Division.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com