Bojan Krkic Perez "Magaalada Barcelona Luuq kaste ayaan Gaari ku mari jiray, Roma in la i raaco mooyee weli si wanaagsan uma kala baran (Waa kuma Bojan Krkic ? : Taariikhdiisa+ War bixin tarjuman BY Sky Sport Tutte le Notizie) >> & WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS (Halkaan ka Daawo).
(War bixin Tarjuman BY Sky Sport Tutte le Notizie) : Bojan Krkic Perez wuxuu dhashay 28 Bishii Agoosto sanadkii 1990-kii wuxuuna ku dhashay magaalada Linyola oo ka tirsan dalka Spain.
Sanadkii 1999-kii ayaa markii ugu horeeysay Bojan waxaa lagu soo biiriyey ama la keenay Xerada La Masia oo ah goobta eey Ciyaartooyda Fc Barcelona intooda badan ka soo baxeen 88%.
6-Sano oo xiriir ah ayuu Bojan ku jiray Xeradaas Tababarka wuxuuna ka mid ahaa Laacibiin badan oo qaarkood hada Fc Barcelona u safta.
Intaas ka dib Bojan oo Qaab ciyaareedkiisa uu dhismay waxa uu Saxiixay heshiiska loo yaqaan (Profi) oo macnaheedu yahay markaad Ciyaaryahan Caalami ah noqotid waxaana si toos ah loogu daray Juunyarka FC Barcelona B . Sanadkii 2007 ilaa 2008 waa halso ayuu ka tirsanaa Fc Barcelona B markii wacdarihiisa faraha badan la arkayna waxaa si deg deg ah looga yeeray dhanka waa weeynka Fc Barcelona.
16-kii Bishii Septembar Sanadkii 2007 ayaa markiisii ugu horeeysay ebid waxaa la soo safay Ciyaar dhex mareeysay Habeenkaas kooxaha Fc Barcelona iyo Osasuna oo iyana ka tirsan La Liga.
19-kii isla Bishii Septembar Sanadkii 2007 wuxuu Bojan jabiyey Iskoor cusub kaas oo ahaa ka dib markii Habeenkaas la soo safay Koobka The Uefa Champions League Ciyaar dhex mareeysay kooxaha Fc Barcelona Vs Lyon isaga oo 17 sano iyo 22-Maalmood jir ah wuxuuna Ciyaartaas daqiiqadii 88-aad badalay Ciyaaryahan Leo Messi.
Hal Bil ka dib 20-kii Bishii Oktoobar Sanadkii 2007 wuxuu Bojan Krkic dhigay Iskoor cusub oo Taariikhda kooxda Fc Barcelona ah ka dib markii uu kooxda FC Villarreal ka dhaliyey Goolkiisii ugu horeeyey Horyaalka Spain ee La Liga isaga oo 17 sano hal Bil iyo 22-Maalmood jir ah (Iskoor Xiddigii ugu da´yaraa ee Fc Barcelona Gool u saxiixa La Liga).
1 Bishii April Sanadkii 2008 wuxuu Goolkiisii ugu horeeyey ee koobka Champions League ka xareeyey kooxda Fc Schalke oo ka socotay horyaalka Germany wuxuuna Bojan Iskoor Caalami ah kala wareegay Ciyaaryahan Cesc Fabrigas oo heeystay ama Degnaa kaalinta 2-aad ee Taariikhda Xiddiga ugu da´da yar ee Champions League Gool ka dhaliya.
Cesc Fabrigas Iskoorkaas caalamiga ah waxa uu ku heeystay oo uu Gool dhaliyey isaga oo 17 Sano iyo 216-Maalmood jir ah. Xiddiga kaalinta 1-aad Iskoorkaan laga jabin la´yahay waa Peter Ofori Quaye oo Sanadkii 1997-kii Gool u saxiixay kooxdiisii Olympiakos isaga oo 17 Sano iyo 195 Maalmood jir ah. (Ofori waa Xiddiga heeysta iskoorka Ciyaalkii ama cunugii ugu yaraa ee Gool ka dhaliya koobka Qiimaha badan ee The Uefa Champions League.
Bojan Krkic Perez wuxuu 2006-2007 Barcelona (C) 10-kulan u saxiixay 6-Gool. 22-kulan Barcelona (B) wuxuu u dhaliyey 10-Gool. 2007 ilaa 2011 Waa weeynka Fc Barcelona ayaa lagu soo daray wuxuu u saftay intii Sanooyinkaas u dhaxeeysay 104-kulan wuxuuna Shabaqa ku hubsaday 26-Gool.
Bojan Krkic xili Ciyaareedkaan waxaa iibsatay kooxda As Roma wuxuuna u saxiixay heshiis ama Qandaraas ku eg 30-ka Bisha Juun Sanadka 2015-ka. Bojan Krkic Perez ma ahan Spanish dhalad ah marka laga reebay inuu ku dhashay dalkaas, Yuu u dhashay Maxaad kala socotaa halka eey Familkiisa ka soo jeedaan?
#Bojans Vater Bojan Krkiæ senior war ein bekannter Serbischer Fußballspieler bei FK Roter Stein Belgerad und arbeitet seit 1997 für den FC Barcelona in der Jugendabteilung#
* War bixintaan kore wexeey leedahay Bojan Aabihiis ninka lagu magacaabo Bojan Krkic Senior wuxuu ahaa Xiddig caan ah oo u Ciyaari jiray Serbia iyo kooxda FK Roter Stein Belgerad oo ka dhisan horyaalka dalka Serbia wuxuuna Aabaha dhalay Bojan ku soo biiray kooxda Fc Barcelona Sanadkii 1997 isaga oo xiligaas ilaa hada Barcelona ka ah Qabiir soo saara Ciyaalka yar yar ama Dhalinyarada Fc Barcelona*
Skysport waxa uu leeyahay Ciyaaryahan Bojan Krkic Perez waa Xiddig da´yar oo dhibaato eey ka heeysato dhanka Luuqadaha waxaana aad u adag si eey isku fahmaan Xiddigaha As Roma marka laga reebo kuwa yaqaana Spanish-ka iyo Serbishka oo uu ku hadlo Ciyaaryahan Bojan. Laacibkaan wuxuu maalin walba si aad ah ula sheekeeystaa oo inta badan uu weheshtaa Macalinka As Roma Mr.Luis Enrique oo qudhiisa ka soo jeeda dalka Spain horayna u ahaan jiray Xiddig u Ciyaara Fc Barcelona.
Ciyaaryahan Bojan Krkic Luuqada English-ka si wanaagsan uma yaqaano ayuu yiri Skysport balse waxa uu ku dadaalaa inuu isku dhex Jacburiyo Spanish-ka iyo Talyaaniga oo meelo badan iska fahma.
Bojan Krkic mar uu Sky Sport Tutte le Notizie weey diiyey Su´aal eheed sababta uu mar kasta xiligii uu Fc Barcelona la joogay ama Saacadaha Fasaxa gaari banaanka ugu soo wareegi jiray balse hada oo uu As Roma la joogo uu noqday Xiddig aan Banaanka u bixin inta badan marka laga reebo inuu raaco Macalin Mr.Luis Enrique ama Kaptan Francesc Totti mooyee waxa uu Bojan ku jawaabay sidan :
Bojan Krkic Perez " Maya maya run ahaantii ma jirto wax Cabsi ah oo aan Magaalada Roma ka qabo, balse Magaalada Barcelona aad ayaan u kala aqaanay oo Luuq kaste ayaan Gaari ku mari jiray laakiin Roma in la i raaco mooyee weli si wanaagsan uma kala baran,,
Halkaan ka Daawo Goolashiisa, Wacdarihiisa ilaa Yaraantiisii uu Fc Barcelona ka soo dhigay >>> http://www.youtube.com/watch?v=RT4PTC0If8g .
Halkan ka Daawo Bojan qaabkiisa As Roma >>> http://www.youtube.com/watch?v=3VtTaSCyOhk&feature=related .
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WAXAA KA MID AH QAABKAAN HOOSE KU QORAN ***
Kooxda Anchi Makhachkala oo ka dhisan Horyaalka dalka Russia dhawaana iibsatay Ciyaartooy caan ah sida Samuel Eto'o wexeey hada bilaabeen waxa loo yaqaan Buufiska ka dib markii Liiska Ciyaartooyda eey doonayaan lagu arkay Xiddigaha The Premier League ee kala ah Nicolas Bilal Anelka (Fc Chelsea) iyo Robin Van Persie (Fc Arsenal).
Xiddigahaan eey booskooda xiratay kooxdaan Lacagta la ciir ciireeyso ee Anchi Makhachkala ayaa waxaan la ogeeyn sida eey ku ogolaan doonaan kooxaha Fc Arsenal iyo Fc Chelsea oo waqtigaan la joogo aan Lacag u baahneeyn.
*** Kooxda Real Madrid oo xooga saartay sidii eey ku heli leheed 3 Ciyaaryahan oo Xiriiriye.com uu ka qeeyliyey Farsamadooda. Laacibiintaan da´da yar ayaa wexeey kala yihiin Mario Götze oo Qaranka Germany & B.Dortmund u ciyaara, Neymar oo Fc Santos ka imaan doono una Ciyaara Qaranka Brazil iyo Eden Hazard oo u Ciyaara OSC Lille iyo Qaranka Beljemka.
Xiddigaan wexeey kooxda Real Madrid sidii eey ku heli leheed u diyaarsatay Adduun lagu sheegay 110 Milyan oo Euro. Laacibiintaan yar yar ee Qibrada xambaarsan hadii eey Real Madrid soo xero galiso waxaa xaqiiqo ah in Xaalada Caafimaad ee kooxda Fc Barcelona uu isku badali doono mid liita wexeeyna Fc Barcelona oo hada kacsan geli doontaa Isbitaalka Cabsida & madax faluuqa lagu daaweeyo.
*** Galabta iyo Caawa waxa la kala Ciyaari doonaa kulamo aad u adag oo ka tirsan Isreeb reebka koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012. Kulamada ayaa qaar wexeey yihiin kuwa nuucooda loo yaqaan kala baxa. Horay waxaa u soo baxay oo Sanadka dambe iska xaadirin doono Uefa Euro in Poland iyo Ukraine Qaramada Holland,Italy,Spain,England.
Qaar ka tirsan Xulalkaan ayaa Kulamadaan wexeey u baahan yihiin hal dhibic ama Bareejo eey galaan. Ciyaaraha caawa iyo Galabta la isku guuri doono ayaa wexeey kala yihiin sidan :
France Vs Bosnia, Denmark Vs Portugal, Germany Vs Belguim, Sweden Vs Holland, Norway Vs Cyprus, Spain Vs Scotland, Italy Vs Northern Ireland.
FIIRO GAAR AH : Xulalka Spain,Germany,Italy iyo Holland horay ayeey u soo bexeen laakiin kulanka caawa waa cidiyo ku dirir maxaa yeelay dalalkaan wexeey isku bursanayaan dhanka qiimeeynta FIFA oo bil kasta dhiibta Dalka ugu qatarsan Ciyaaraha kubada cagta oo codod buuxo loo qaado.
By.Cumar Sii Sii Xiriiriye.com,
Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka .
omarinnho@hotmail.com .