La Yaab: President Barack Obama oo sheegay inuu Laacib weeyn yahay eeyna aad u doonayaan Kooxaha Real Madrid & Barcelona, Wareysi Tv-ESPN iyo Wararkii ugu dambeeyey ee Sport.
Madaxweynaha Mareeykanka Mr Barack Obama ayaa ka yaabsaday intii kubada Cagta jecel ee ku nool Dunida daafaheeda.
Madaxweeyne Obama oo ah nin aad u kaftan badan ayaa waxa uu booqday meel lagu xanaaneeyo Caruurta da´dooda u dhaxeeyso 11 jir ilaa 15 jir oo lagu baro Ciyaarta Kubada Cagta & Sportiga kale .
Telefishinka Sportiga ugu magaca dheer Dalka Mareykanka ee guud ahaan Dunida looga yaqaan The Worldwide Leader in Sport (ESPN) ayaa soo daayey Madaxweyne Barack Obama oo markii uu soo galay xerada ama Iskoolka Sportiga ayuu waxa uu ku orday oo Kubadii ka dafay dhoor Caruur ah kaas oo 2-jeer shabaqa ku hubsaday halka 1-marna uu birta ku dhuftay.
Dad badan oo daawanayey La Yaabka uu Barack Obama sameeyey ayaa waxa eey la dhaceen sida uu Caruurtii iskugu tagtay ineey Kubada ka dafaan ama ka qaataan ugu gam gambiyey oo gees ula baxay isaga oo Shabaqa shuut dhinac ka geliyey.
Caruurtii oo aad ula dhacday sida Barack Obama u dheelay ayaa soo jiiday oo doonayey ineey mar labaad garoonka soo geliyaan si eey uga aarsadaan balse waa uu diiday oo waxa uu sii watay Booqashadiisii iyo Kormeerkii uu ku tagay Iskuul-kaas.
Oh Mudane Madaxweyne ma aanan ogeeyn in aad sidaan oo dhan kubada Cagta u taqaanid ama aad Football Player tahay?
Obama ayaa yiri: Ma ogid miyaa inaan Laacib weeyn ahay oo Barcelona iyo Real Madrid si weeyn ii doonayaan ineey i soo iibsadaan oo aan u ciyaaro.
Wariyihii iyo Marti sharaftii kale ayaa Qosol la dhacay iskaba daa intii kale ee ESPN-Live u daawaneeysan Dunida dacaladeeda.
Ugu dambeentii Wariyihii ayaa yiri sidan: oo maad aadid Barcelona iyo Real Madrid hadeey si weeyn kuu doonayaan??
President Barack Obama oo an ninka Dunida ugu qosolka badan oo weliba soo jiita dadka ayaa ku jawaabay sidan:
Hadaan mee aadaayo oo Koox u ciyaaraayo waxaan u wareegayaa oo weerarka uga ciyaarayaa Kooxda West Ham Utd oo hada caawin u baahan maadaama eey Horyaalka England meesha ugu hooseeyso uga jirto. Akhristoow intaas ka dib wariyihii Qosol wuu isku celin waayey waxaana eey Programmkii u badaleen Tennis & Sport kale. President Barack Obama ayaa waxaa Mareykanka ama Saxaafada ku Naanesaan ama u yaqaanaan All-Gold iyaga oo ula jeedo inuu wax kasto oo macquul ah ama suaal Xumaan loo badalay ah uu ka dhigi karo wax kasta Dahab !!.
Dhanka kale Warar kii ugu dambeeyey ee Sport ayaa sheegaya in Xiddiga Dalka Brazil looga yaqaan Nadiifkii Samba waa ciyaaryahan Robinho uu qarka u saaran yahay inuu Maro wadadii uu maray Laacib Ibrahimovic ee uu ku biiro naadiga weeyn ee AC Milan. Warkaas oo faahfaahsan iyo Warakii ugu dambeeyey ee suuaq Kawaanka Ciyaartooyda oo soo xirmi raba waxaad ku maqli doontaan warar keena dambe haduu alle idmo.
Dhanka kale Kooxda Bologna ee Horyaalka Talyaaniga oo la ciyaareeyso caawa saacadu markeey tahay 20:45 Kooxda Inter oo heeysata Horyaalka Talyaaniga ayaa Inter qaabili doonto iyada oo Tababare la aan ah, maadaama eey shalay iska ceeyriyeen Macalinkoodii ka dib markii uu qilaaf weeyn soo kala dhex galay.
Filo goor dhaw warar aad u xiiso badan iyo barnaamishkii ku biiri aqoontaada Sport.