***Xasuuqii ba´naa ee kooxda Man Utd u geeystay naadiga Fc Arsenal (8-2) ka dib ayaa waxaa soo cusboonaaday buuq fara badan oo u dhaxeeya Naadiga Fc Arsenal dhexdiisa iyo Taageerayaasha kooxdaas oo si weeyn ugu kacsan Maamulka Fc Arsenal & Macalin Arsene Wenger .
"Qasnada Fc Arsenal waxaa ka buuxdo Lacag caqli ka fooq ah waxaana ugu dambeeysay oo uu Naadiga gacanta ku dhigay in ka badan 60 milyan oo Euro Lacagtaasoo laga helay iska iibintii Samir Nasri & Cesc Fabregas . In kooxda Arsenal Laacibiin cusub loo soo iibiyo waxaa si weeyn u hor taagaan Macalin Arsene Wenger oo mar kasta ku haya aniga ha la iga war suga ayuu si caro u yiri mid ka mid ah Taageerayaasha Fc Arsenal oo Skysport u waramayey xili eey Banaanbax ka hor sameenayeen afka hore ee Goroonka the Gunners Fc Arsenal.
Macalinka Fc Arsenal Arsene Wenger oo qudhiisa u waramayey Skaysport waxa uu si la yaab ah u qanciyey Taageerayaasha buuqa wada wuxuuna yiri sidan" Dad ayaa mooda in hoos u dhaca Fc Arsenal eey sabab u tahay ka tagistii Nasri & Fabregas balse sidas ma ahan xaaladu ee Systamka Taktikada ayaanu wax ka badali doonaa, Nasri & Fabrigas oo Arsenal ka maqan ayuu Clubku kooxo waa weeyn goolal badan ku garaaci jiray waxaana idin leeyahay Horyaalka waa biloow oo hada ayuu dhashay ee ha la dul qaato,,
Macalinka Fc Arsenal waa Shaqsi Aftahan ah oo si fudud ku dajin kara Taageerayaasha careeysan ee Naadiga Arsenal ilaa xad in kastoo wixii qoran aan la celin karin wuxuuna kooxda u yimid bishii Oktober sanadkii 1996. Dhanka kale waxaa isna Skysport la hadlay oo si weeyn u raali galiyey Taageerayaasha The Gunners Fc Arsenal Kaptankooda cusub Mr.Robin van Persie oo sheegay in wax kastoo karaankooda ah eey soo bandhigeen balse eey qorneed ineey sidaan wax u dhacaan.
Halkaan ka Daawo ManU Vs Arsenal >>> http://www.youtube.com/watch?v=hXHyiD_KJfc .
Fc Arsenal wexeey soo wadataa oo ilaa iyo hada la shaaciyey ineey u dhaar santahay dhoor Laacib waxaana ka mid ah Xiddiga Qaranka Brazil & kooxda Fenerbahce Andre Santos. Laacibka Qaranka Australia & Bolton Gary Cahill. Xiddiga Qaranka Germany & Werder Bremen Mark Marin, Scott Dann oo ka imaanaya Birmingham City iyo Mucjisada cusub ee Qaranka Beljemka & kooxda Lille ee heeysata Horyaalka Faransiiska waa Eden Hazard. (Fiiro gaar ah Suuqa ama Kawaanka soo iibsiga Ciyaartooyda waxa uu ku eg yahay 31-Agoosto Saqda dhexe ee Habeenimo sida uu Sharciga dhigaayo Laacibiintaan aanu soo sheegay Xiddigii eey Arsenal calaf u yeelan weeysa kama hari doonto ilaa xili qaboobaha sida eey maamulka The Gunners sheegeen!)
Horyaalka Premier-League 3-kulan oo la ciyaaray waxaa min 9-Dhibcood ku hogaaminaya Kooxaha Ifka iskugu neceb ee isku Magaalada ah waa Man Utd & Man City. Man utd oo 8-2 ku Xasuuqday Fc Arsenal waxaa goolashaas u kala dhaliyey Rooney (41., 64., 82./Rigoore), Ashley Young (28., 91.), Danny Wellbeck (22.), Nani (66.) iyo Ji Sung Park (70.).Fc Arsenal waxaa labada gool u kala saxiixay Laacib Teo Walcott iyo Kaptan Robin van Persie oo Rigoore kooxdiisa niyada u dhisi leheed ka qasaariyey.
Kulanka kale ee horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa lagu wadaa kooxda Fc Arsenal oo xanaaqsan ineey Xasuuqii loo geeystay kaga ciil baxdo kooxda Swansea oo 10-ka bisha Sebtembar ugu imaan doonto garoonka Emarates Stadium.
Kulankii Man City dharka kaga soo dhigtay Tottenham oo ku ciyaareeysay Gurigeeda (1-5) waxaa ciyaartaas Wacdaro cusub la soo baxay oo si weeyn isku xoreeyey laacibka cusub ee Man City waa Samir Nasri oo 3-Paas dhiibay.
" Samir Nasri Gacanta midig ayaan ka shumiyey markii eey ciyaarta dhamaatayna kor ayaan u xambaaray waana Ciyaaryahan iga yaabshay oo xirfad wanaagsan ayuu ZDF-ka Jarmalka ku yiri Weeraryahanka Qaranka Bosnia & Kooxda Man City Edin Dzeko oo dhaliyey 4 ka mid ah Goolashii eey Man City dharka kaga siibtay Tottenham.
*** War baahinta Sportiga ee Caalamka wexeey kulankii Man Utd Vs Fc Arsenal ugu yeereen sidan : (Warashadii Goolasha),(Dabaal degii Rooney) iyo (Qubeeyskii Old Trafford).
*** Weeraryahanka Qaranka England & Man Utd Wayne Mark Rooney ayaa waxa uu bilaabay Faan iyo Riyo cusub oo aan horay looga baran. Rooney oo la hadlayey Skysport waxa uu sheegay in uusan ku faraxsaneeyn kaliyah 8-da gool ee Arsenal eey kaga badiyeen balse uu si weeyn u doonaayo inuu Iskoorka ama Rikoorka u yaal dhanka Gooldhalinta Taariikhda Horyaalka Ingiriiska ka jabiyo rugcadagii hore Mr.Bobby Charlton oo 249 Gool ku heeysta Taariikhda gooldhalinta The Premier-League .
Riyaadaan cusub ee uu Weeraryahan Rooney ku hadaaqay ayaan la ogeeyn sida eey ku Rumoobi doonto maadaama Wayne Mark Rooney uu ilaa hada Horyaalka Ingiriiska ka dhaliyey 152-Gool in kastoo 25-jir uu yahay lagana yaabo Goolal 300 kor u dhaafay inuu dhaliyo waa hadii uu sii joogo ama sii Ciyaaro The Premier-League.
*** Horyaalka dalka Spain ee La Liga oo dib u furmay waxaa Goolal la la yaabay iskugu faanay kooxaha soo aruursaday Laacibiintii Caalamka ee kala ah Catalonia Fc Barcelona iyo Galactikos Hala Ole Real Madrid.
Fc Barcelona wexeey 5-0 ku Qararamsatay Villarreal oo ku jirta koobka Champions League waxaana Goolashaas u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Thiago Alcantara (Daqiiqadii 24-aad), Xiddigooda cusub ee kooxda sida deg deg ah ula qabsaday waa Cesc Fabregas (Daqiiqadii 44-aad) Laacibka cusub ee dhanka Paasaska kaga yaabsaday Qabiir Messi kana yimid Udinese waa Alexis Sanchez (Daqiiqadii 47-aad) iyo Darawalka Fc Barcelona Lionel Messi oo labo Gool kala dhaliyey (Daqiiqadihii 51-aad & 74-aad)
Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=v7XjfQwAdek .*** Dhanka Real Madrid oo aaday ama marti ku eheed kooxda Saragossa waxaa is xoreeyey oo Wacdaro cusub la soo baxay si weeyna ula qabsaday Horyaalka Spain Halgame Cristiano Ronaldo oo kulankii ugu horeeyey La Liga ku tuurtay 3-Gool.
Horyaalkii la soo dhaafay Cristiano Ronaldo oo qaaday dhanka Gooldhalinta La Liga hadane waxa uu u muuqdaa inuu weli yahay Xiddiga kaliyah ee Leo Messi beerta gelin kara ama kala wareegi kara dhanka Gooldhalinta Horyaalka Spain.
Real Madrid wexeey Saragossa ugu Qubeeysay 6-0 waxaana Goolashaas u kala dhaliyey Laacibiinta kala ah Cristiano Ronaldo Daqiiqadii 24-aad, 71-aad & 87-aad waxaana Goolasha kala si Naxariis daro ah Saragossa ugu sii Meyd garaacay Xiddigaha kala ah Marcelo (Daqiiqadii 28-aad), Xabi Alonso (Daqiiqadii 64-aad) & Xamaali Kaka (Daqiiqadii 82-aad)
Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=UhZiSC6q_yU . *** Warar kii ugu dambeeyey ee dhanka Kawaanka kala iibsiga Ciyaartooyda wexeey sheegayaan sidan :*** Weeraryahanka Qaranka Paraguay & Kooxda Man City Roque Santa Cruz waxa uu u wareegay dhanka kooxda Betis Seville ee Primera Divison. Santa Cruz waa Xiddigii hore ee kooxda Fc Bayern Munchen wuxuuna Sanadkii 2009-kii Adduun lagu sheegay 17 Milyan oo Lacagta Pfund-ka Ingiriiska ah una dhiganta 19,2 Milyan oo Euro kaga yimid dhanka kooxda Blackburn ee Horyaalka England. Ciyaaryahan Roque Santa Cruz in la iska iibiyo waxaa ugu wacan Man City oo sheegtay ineey boos u weeysay ka dib Laacibiin qatar ah oo ku soo biiray Naadigaas.
*** Kooxda Wolfsbrug ee Horyaalka Germany wexeey gacanta ku dhigtay oo la soo wareegtay Weeraryahanka Da´da yar ee Qaranka Sweden & Kooxda Helsingborg IF Rasmus Jönsson. Xiddigaan waa 21 jir wuxuuna Horyaalka Sweden oo lagu magacaabo (Allsvenskan) 86-kulan oo uu kooxdiisa Helsingborg IF u saftay u saxiixay 15-Gool.