Macalinka Qaranka France Mr. Laurent Blanc oo qarxiyey Sirta u qarsooneed Laacib Samir Nasri & Man City,* Kulankii England Vs Holland oo Rabshadaha ka socda London dartood loo baajiyey & Taageerayaal 70.000 kor u dhaafay oo arintaan ka xumaaday,*Turan Arda oo ku sii jeeda Atletico Madrid iyo 3-dal oo ka socda Qaarada Afrika ayaa Koobka Juunyerka Adduunka wexeey noqdeen Cel Celis (World Sport News : Halkaan ka Aqri Warar Tarjuman kana Daawo )
*** Macalinka Qaranka France Mr. Laurent Blanc ayaa waxa uu qarxiyey oo banaanka soo dhigay Heshiis iyo wada hadal hoose oo u socday Laacib Qaranka France iyo kooxda Fc Arsenal Samir Nasri. Tababare Blank ayaa sidoo waxaa uu shaaciyey in eey Barobagaando eheed warkii sheegayey in Samir Nasri hal sano loogu daray la sii joogista kooxda Fc Arsenal.
Macalinka Qaranka France Mr. Laurent Blanc ayaa sidoo kale waxa uu Banaanka soo dhigay Ceebta Macalinka Fc Arsenal Mr Arsene Wenger oo geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii Laacib Nasri loogu celin lahaa Fc Arsenal wuxuuna Arsene Wenger Jaceyl uu u qabo Ciyaaryahan Nasri dartiis sheegay Been iyo Niyad jab ku socotay kooxaha Samir Nasri ugaarsiga ku haayey ayuu yiri Mr Blank ,,
Tababare Laurent Blanc ayaa ugu dambeentii sheegay Samir Nasri inuu ku sii jeedo dhanka kooxda Man City oo 30 Milyan oo Euro ula diyaar ah waxaana arintaan sidoo kale qiray Man City-Coach Roberto Mancini.
*** Weeraryahanka Qaranka Cameroon iyo Kooxda Inter Milan Samuel Eto'o ayaa waxa uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda kubada cagta ee Anzhi Makhachkala oo ka ciyaarta Hooryaalka dalka Russia. Arintaan waxaa shaaciyey Masuulka ama ninka wakiilka ka ah Laacib Eto'o waa Claudio Vigorelli oo qorshahaan cusub u soo bandhigay Boss-ka kooxda Inter Mr.Massimo Moratti.
Kooxda Anzhi Makhachkala wexeey Laacib Samuel Eto'o ku dooneeysaa 35 Milyan oo Euro kana koobnaan doona Heshiis 3 sano ah iyo Sanad walba oo uu mushaar ahaan Jeebka dambe gashan doono Adduun lagu sheegay 20 Milyan oo Euro.
Naadiga Anzhi Makhachkala oo ka dhisan Caasiamada dalka Dakistan ee Makhachkala ayaa sidoo kale wexeey ka ciyaartaa Horyaalka dalka Ruushka. Kooxdaan ayaa dhawaan soo iibsatay Laacibiinta kala ah Balazs Dzsudzsak oo 15 Milyan oo Euro uga yimid dhanka kooxda PSV Eindhoven ee Horyaalka Holland iyo Diifaacii Fc Chelsea ee dhanka bidix waa Ciyaaryahan Yuri Zhirkov waxaana kooxdaan Kaptan u ah Mucjisadii hore ee Boortayaasha Caalamka Shuutka kulul ku ciqaabi jiray waa Ciyaaryahan Roberto Carlos.
*** Ciyaar aad u adag oo dhex mari leheed Qaramada England Vs Holland ayaa la baajiyey ka dib dhibaato iyo Weero ka socotay maalmihii ugu dambeeyey Magaalada London. Ciyaartaan oo ka dhici leheed Garoonka weeyn ee Wembley-Stadium oo ku yaal magaalada London waxaa lagu waday ineey u soo daawasho tagaan 70.000 -kun oo Taageereyaal ah maadaama Tikityadii Ciyaartaas lagu daawan lahaa mudo hal Isbuuc ka hor ah laga waayey Garoonka.
Dadka Daawashada Ciyaartaan isku diyaariyey ayaa ka cabanayey dhibaatooyin badan iyaga oo la hadlayey Skysport wexeey sheegeen ineey wadamo aad u fog fog qaarkood ka yimaadeen.
*** Mucjisada qadka dhexe ee Qaranka Turkiga ahna Kaptanka kooxda Galatasaray Istanbul Arda Turan ayaa lagu wadaa inuu Maanta Qalinka ku duugo heshiis 5 sano ah kuna biiro kooxda Atletico Madrid ee Horyaalka Spain.
Arda Turan waa 24 jir ka yaabsaday Difaacyada iyo Boortayaasha ka soo hor jeeda wuxuuna kooxda Atletico Madrid ka muteeysatay ineey ka soo bixiso Adduun lagu sheegay 12 Milyan oo Euro wuxuuna Sanad kasta mushaar ahaan u qaadan doonaa Laacib Turan Arda 2,5 Milyan oo Euro .
*** Koobka Juunyerka Adduunka ee 20-jirada oo si xiiso leh uga socda dalka Colombia ayaa waxaa weli aan harin 3 Qaran oo ka socda Qaarada Africa. Qaramadaan ayaa wexeey kala yihiin Masar, Nigeria iyo Cameroon.
Warar kii ugu dambeeyey ee hada inaga soo gaaraya Tartankaan waxa uu sheegayaa in Qaranka Masar/Egypt si Nasiib daro ah 2-1 looga badiyey waxaana Masar guuldaridii ugu horeeysay dhabrka u saartay Argentina.
Nigeria wexeey Ciyaar adag fooda is dari doonaan Qaranka England halka Cameroon eey isku dhaarsan yihiin Xulka Mexico. Dalalka ama Qaramada kale ee ilaa iyo hada iskugu soo haray ayaa wexeey kala yihiin Portugaal oo 8-da ugu dambeeysa taagan Spain oo koobkaan difaacaneeysa wexeey is arki doonaan Korea Republic, France Vs Ecuador iyo Colombia Vs Costa Rica.