Xiddigaha The Black Stars ee Qaranka Ghana oo Guul ku bilaabay Koobka Qaarada Africa iyo Xulka Maali oo Guinea Kawaanka saaray (+Daawo World Sport News)
(GURUUB D) Koobka Qaramada Africa oo weli si xiiso leh uga socda dalalka Gaabon iyo Equatorial Guinea waxaa Guulo muhiim ah gaaray Xulalka Ghana iyo Maali oo soo kala garaacay Qaramada Botuswana iyo Guinea. Qaranka Ghana oo Caalamka looga yaqaan The Black Stars waxeey 1-0 ku suul daareen Xulka Botuswana waxaana Goolkaas Agoonka ah u saxiixay Ghana Kaptankooda John Mensah Daqiiqadii 25-aad ee Ciyaarta qeeybteedii hore.
Ciyaartaan oo ka dhacday magaalada Franceville waxaa Rooso la laqsiiyey Kaptan John Mensah oo Ciyaarta qeeybteedii 2-aad Qalay xiddiga reer Botuswana ee lagu magacaabo Jerome Ramatlhakwane. Xulka Ghana oo heeysta Taariikh ahaan Koobka Qaramada Africa 4 jeer waxa ay markiisii ugu dambeeysay oo eheed sanadkii 2010-ka Fiinaalaha la yimaadeen Xulka Masar oo 1-0 uga qaaday.
Isla Guruubkaan (D) waxaa fooda is daray Xulalka Maali Vs Guinea oo Taariikh ahaan ku tartama dhanka Ciyaaraha Kubada cagta waxaana 1-0 lagu quusiyey Qaranka Guinea oo uu qoorta u galay Xiddiga Fc Barcelona Seydou Keita oo u Ciyaarayey xulka Maali.
Goolka Maali oo ahaa Shuut/Shoot Biriq ah waxaa Daqiiqadii 29-aad u saxiixay Ciyaaryahan Bakaye Traore oo ku dhashay dalka Faransiiska una Ciyaara kooxda AS Nancy oo ka dhisan horyaalka Faransiiska. Halkaan ka Daawo Maali Vs Guinea http://www.youtube.com/watch?v=YDYe1ccW5Q8 . Maanta waxaa wada Ciyaari doona koobka Qaramada Africa Xulalka Sambia Vs Liibiya iyo Senegal Vs Equatorial Guinea oo marti loo yahay. Wararkii ugu dambeeyey ee Koobka Qaramada Africa waxeey sheegayaan in Taariikh ahaan Koobkaan xiddigii ugu nasiibka xumaa uu noqday Ciyaaryahan u safta Xulka Niger oo lagu magacaabo Moutari Amadou .
Moutari Amadou oo lagu naaneeyso Kalala waa 18 jir aad u Nasiib daran ka dib markii uu kulankiisii ugu horeeyey ee uu safto Koobka Africa isaga oo badal ku soo galay ka Jabay Lugta waxaana Xiddigaan Garoonka laga saaray isaga oo Cabaadaya waxaana jabiyey Ciyaaryahan u safta Xulka Gaaboon kaas oo lagu magacaabo Stephane Nguema .
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS ***
**+ Arin aad u yaab badan ayaa ka dhacday Koobka loo yaqaan England League-Cup ee dalka Ingiriiska ka dib markii uu Ciyaaryahan Anthony Gardner kooxdiisa Crystal Palace oo ka dhisan magaalada London uu iskugu daray Guul iyo Qasaaro.
Kulankii Crystal Palace Vs Cardiff City oo ka dhacay Isbuuc ka hor Garoonka kooxda Crystal Palace waxaa 1-0 ku soo badisay kooxda Crystal Palace waxaana goolkaas u soo dhaliyey Ciyaaryahan Anthony Gardner balse kulankii ka dhacay Garoonka kooxda Cardiff City waxaa kooxdiisa Guuldaro iyo Qasaaro u keenay Ciyaaryahan Anthony Gardner oo kooxdiisa Crystal Palace Gool qalad ah ka dhaliyey.
Labadaan kooxood oo Rigooreyaal loo dhigay ayaa sidaas waxaa Fiinalka Koobka England League Cup ku timaaday kooxda Cardiff City oo ku badisay Rigooreyaal 3-1 ah. Caawa ayaa lagu wadaa ineey fooda is daraan kooxaha waa weeyn ee kala ah Fc Liverpool Vs Manchester City.
Kulankii kan ka horeeyey ee ka dhacay Garoonka Manchester City waxaa 0-1 ku soo badisay kooxda The Reds Fc Liverpool oo uu Rigoore u soo dhaliyey Kaptankooda Steven Gerrard. Fiinaalka koobkaan ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco Garoonka Wembley Stadium Taariikhdu markeey tahay 26.02.2012.
*** Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa waxeey noqotay Naadigii ugu horeeyay ee soo caga dhigta afrata kooxeed ee ugu dambeeysa kooba dalka Talyaaniga (Coppa Italy). Juventus waxeey 3-0 ku dar dartay kooxda As Roma waxaana goolashaas u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Emanuele Giaccherini ,Alessandro del Piero iyo Simon Kjaer .Halkaan ka Daawo Ciyaarta Juventus Vs As Roma oo eheed mid adag >>> http://www.youtube.com/watch?v=_0M6rD9iqgo
Caawa waxaa wada ciyaari doona koobka Talyaaniga kooxaha kala ah Chievo Verona Vs AC Siena iyo SSC Napoli oo Garoonkeeda ku sugeeyso kooxda Inter Milan oo maalmahaan gadaal ka soo kacsatay. Beri oo Qamiis ah waxaa lagu wadaa kulan aad u adag inuu dhex maro kooxaha waa weeyn ee kala ah SS Lazio Vs AC Milan.
***Kooxda Kubada cagta ee Mirandes oo ka dhisan Horyaalka 3-aad ee dalka Spain waxeey soo reebtay naadiga weeyn ee Espanyol Barcelona oo ka Ciyaarta Horyaalka La Liga waxeeyna uga soo badiyeen 2-1. Mirandez ayaa ka yaabsatay kooxo waa weeyn taas oo ka reebka koobka Boqortooyada reer Spain ee Copa del Rey. Caawa Saacadu markeey tahay 22:Habeenimo ayaa lagu wadaa inuu kulan adag dhex maro kooxaha sida weeyn isku neceb ee kala ah Fc Barcelona Vs Real Madrid (El Clasico) !!