Faalo: Xagee laga heeystaa Fc Chelsea? Jahwareerkii Fc Chelsea oo isku badalay ineey Laacibiinteeda goolasha iska dhaliyaan, Man Utd oo Farxad la jiifta ka dib Markii Arsenal Vs Man City 0-0 isla dhaafi waayeen halka Kooxihii daba yaacayey sida Fc Chelsea iyo Tottenham la Dubtay.> Premier League 17-kulan ayaa ka harsan ee yaa Xalaaleeysan doona??, & Horyaalka Talyaaniga oo Maanta dib u furmaayo halka Kooxaha Inter iyo Juventus lagu dhegan yahay !!
Horyaalka Premier League oo Xaaladiisa caafimaad sanadkaan lagu wareersan yahay ayaa waxaa Dhaawacan oo weli Dhibaato eey heeysataa kooxda Fc Chelsea oo aan ka ciyaartooy iyo awood yareen kooxaha eey la tartameeyso ee Man Utd & Arsenal. Chelsea oo caalamku ku wareersan yahay halka laga heeysto ayaa waxaa Qabiiradii Sport ee ka hadlay dhibaatada la soo gudboonatay kooxda Fc Chelsea oo la wada ogyahay dar darkii eey horyaalka Ingiriiska ku biloowday oo gaaray in eey dhoor kulan oo xiriir ah wada badiso weliba iyada oo goolal laga dhalin waayey kulamadii ugu horeeyey ee The Premier League.
Qabiiradii Sport ee ka hadlay Muragada Fc Chelsea sida Ex Newcastle United Player Alan Shearer oo la hadlayey Skysport ayaa ku sheegay Taakdarada Chelsea ineey ugu wacan tahay Macalinkooda Carlo Ancelotti oo weli ku dhegan ama ku ciyaarsiiyo Naadiga Kaarto & Taaktiko eey dhamaan Tababarayaasha kale ee kooxaha Horyaalka Ingiriiska ku wada fahmeen. Alan Shearer ayaa hadalkiisa sii raaciyey in macalin Carlo Ancelotti uu kooxdaas u tababare sidii Horyaalka Talyaaniga camal oo looga bartay in ciyaartooyda kubada eey ku dhegnaadaan ama gam gambiyaan halka horyaalka Ingiriiska laga ciyaaro Kubad inta badan loo yaqaan Beautiful One-touch iyo Qaado Paass oo Qeeybi.
Isku dhex yaaca balaaran ee Fc Chelsea ayaa waxaa ugu darsantay kulankii caawa oo uu gool ka dhaliyey Xiddigeeda u ciyaara Qaranka Portugal Jose Bosingwa sida idinkaga muuqata sawirka kore daqiiqadii 5-aad taas oo goolkaas eey iska dhaliyeen uu sabab u noqday ineey guusha raacdo kooxda Wolverhampton oo ku faraxday 3-da dhibcood ee dhibaatada badan aan loo marin oo eey ka xayuubsadeen Fc Chelsea oo Laacibiinta u ciyaarta kooxdii maqasha Malaha isku kaadin leheed cabsi darteed.
Dhanka kale kooxda Man Utd oo xalay aan ka faaloonay kulankii eey 2-1-ka uga badisay naadiga Stoke City ayaa wexeey ku faraxsantahay Barbar dhaca eey wada galeen kooxaha Arsenal vs Man City oo isla dhaafi waayey 0-0 halka sidoo kale kooxihii kale ee daba yaacaayey ama ugaarsiga ku haayey laga wada badiyey sida Tottenham oo Everton 1-2 ku garaacay iyo Chelsea oo guuldaro 0-1 ah kala soo laabatay naadiga Wolverhampton.
Kooxda The Gunners ee Arsenal ayaa Taariikh ahaan Isbaaro u dhigan jirtay ama ka adkaan jirtay Man City oo caawa eey 0-0 ku kala baxeen waxaana Fursado qaali ah Fc Arsenal ka qasaariyey Laacibiinteeda kala ah Cesc Fabregas iyo Robin van Persie. kooxda Liverpool oo ayaamahaan noqotay xaaladeeda Alloow sahal ayaa waxaa 1-3 dharka uga dhigtay kooxda Blackburn Rovers halka Kooxda Newcastle 5-0 West Ham Utd jooga uga riday waxaa Goolashaas Roobka ahaa 3 ka mid ah u wada saxiixay laacibkooda Leon Best oo inta badan u badnaa Binji inkastoo hada Newcastle United ku qasban tahay sidii eey ciyaaryahan Leon Best Tutulaare uga dhigi lahaayeen.
Horyaalka Premier League ee Ingiriiska ayaa waxaa ka harsan 17-kulan waxaana kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee The Red Devils Man Utd oo dheeshay 20 kulan u harsan oo baaqi u ah hal kulan. Natiijadii Horyaalka ayaa waxaa lagu kala baxay Qaabkaan :
04.01.
21:00
FC Blackpool
1:2
Birmingham City
04.01.
21:00
FC Fulham
3:0
West Bromwich
04.01.
21:00
Manchester United
2:1
Stoke City
05.01.
20:45
FC Arsenal
0:0
Manchester City
05.01.
20:45
Aston Villa
0:1
AFC Sunderland
05.01.
20:45
Wolverhampton
1:0
FC Chelsea
05.01.
20:45
Newcastle United
5:0
West Ham United
05.01.
21:00
Blackburn Rovers
3:1
FC Liverpool
05.01.
21:00
FC Everton
2:1
Tottenham Hotspur
05.01.
21:00
Bolton Wanderers
1:1
Wigan Athletic
Horyaalka Premier League ayaa kooxaha wexeey u kala horeeyaan qaabkaan :
1
Manchester United
20
12
8
0
43:19
24
44
2
Manchester City
22
12
6
4
33:16
17
42
3
FC Arsenal
21
12
4
5
42:22
20
40
4
Tottenham Hotspur
21
10
6
5
31:25
6
36
5
FC Chelsea
21
10
5
6
36:19
17
35
6
AFC Sunderland
22
8
9
5
25:22
3
33
7
Bolton Wanderers
22
7
9
6
34:29
5
30
8
Newcastle United
21
8
4
9
34:31
3
28
9
Blackburn Rovers
22
8
4
10
29:35
-6
28
10
Stoke City
21
8
3
10
26:26
0
27
11
FC Everton
21
5
10
6
23:25
-2
25
12
FC Liverpool
20
7
4
9
24:27
-3
25
13
FC Blackpool
19
7
4
8
27:32
-5
25
14
FC Fulham
21
4
10
7
22:24
-2
22
15
Birmingham City
20
4
10
6
20:25
-5
22
16
West Bromwich
21
6
4
11
26:39
-13
22
17
Wolverhampton
21
6
3
12
21:34
-13
21
18
Aston Villa
21
5
6
10
23:38
-15
21
19
Wigan Athletic
21
4
9
8
18:33
-15
21
20
West Ham United
22
4
8
10
22:38
-16
20
Dhanka kale Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-da ayaa lagu wadaa in galabta iyo caawa dhamaantiis la wada dheelo.
Horyaalka Talyaaniga oo mudo dhoor isbuuc ah fasax iyo Nasasho ku jiray ayaa waxaa lagu wadaa ciyaar kulan adag ah in Duhurkii lagu furo kooxaha Juventus Vs Fc Parma halka kulan adag oo isha lagu wada haayo uu caawa dhex mari doono kooxada sanadkaan kacsan ee Horyaalka Talyaaniga kaalinta 2-aad uga jirto waa SSC Napoli iyo kooxda Horyaalka Talyaaniga heeysata ee Champions League-na ku darsatay oo Macalinkoodii hore Rafael Benitez iska ceeyriyey keensadayna Tababaraha cusub ee u dhashay dalka BrazilLeonardo oo eey u noqon doonto kulankiisii ugu horeeyey ee Sreie A-ah oo Inter uu hogaamiyo. Kooxaha Horyaalka Talyaaniga ayaa sidan iskugu aadan Maanta: