Faalo: Horyaalka England ee Premier League 2010/2011 oo noqday Taariikhda markii ugu horeeysay mid eey isku heeystaan 5-Kooxood, Kala iibsiga Suuqa Kawaanka Ciyaartooyda oo Xawli ku socda iyo Horyaalka Spain ee La Liga oo maanta dib u furmaayo .
Waxaa weli isku Kooleeysan oo kala hari la inta badan kooxaha ugu Tunka weeyn Horyaalka Ingiriiska ee Premier League sida Man Utd, Arsenal, Man City, Tottenham iyo Fc Chelsea.
Horyaalka Ingiriiska ayaa Taariikh ahaan marka ugu badan waxaa is daba yaaci jiray 3-kooxood halka xili ciyaareedkaan Premier League 2010/2011 eey ugaarsi isku hayaan 5-kooxood oo ineey qaadaan Horyaalka Ingriiska aan la dhaleeysan karin. Tartanka loogu jiro qaadista horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa sanadkaan soo camiray Maslaxa ciyaaraha ama awood gooni ah la soo baxay kooxaha Man City iyo Tottenham oo Darsin Lacag iyo ciyaartooy cusub la soo shir tagay xili ciyaareedkaan.
Kooxaha waa weeyn ee Man Utd, Arsenal iyo Fc Chelsea ayaa wexeey shaki balaaran ka muujiyeen Mujaahidiintaan cusub ee ku soo biirtay Halganka loogi jiro qaadista Horyaalka England waxaana Wacdaraha cusub ee kooxaha Man City & Tottenham ka hadlay ciyaartooy badan oo hada ka fadhiisatay ciyaaraha caalamiga ah sida David Beckham oo u ciyaara kooxda Los Angeles Galaxy ee Horyaalka Mareykanka Major League Soccer (MLS). David Beckham ayaa yiri : waa macquul inta eey isku mashquulsan yihiin kooxaha waa weeyn ee Man Utd, Arsenal iyo Fc Chelsea in Horyaalka Sanadkaan uu gacanta u galo Man City ama Tottenham oo labadaba si weey isku soo dhisay xili ciyaareedkaan.
Hadaba hadaanu Faaqidaadii ugu dambeeysay ee Horyaalka England u gudo galno kooxda Man Utd wexeey guri kale si nasiib ah 1-2 ku soo dar dartay kooxda West Bromwich . Man Utd waxaa labada gool u kala dhaliyey Xiddiga eey Taageerayaasha Man Utd ugu yeeraan - King of Old Trafford waa Wayne Rooney iyo goolka kale oo uu dhaliyey Xiddiga Qaranka Mexico Javier Chicharito Hernandez . Kooxda West Bromwich waxaa Rigoore ka qasaariyey weeraryahanka Qaranka Nigeria Peter Odemwingie oo eey iska dhaleen hooyo Ruush ah iyo Aabe Neejeeriyaan ah halka goolka West Bromwich uu u saxiixay ciyaaryahan Morrison .
kooxda The Gunners (Arsenal) oo aan maqli karin guusha ManU ayaa wexeey si naxariis la´aan ah oo ka baxsan Beniaadanimada 0-3 ku soo suuldaartay kooxda Birmingham City.
Goolasha Arsenal waxaa kala dhaliyey Robin van Persie & Samir Ben Nasri halka goolka 3-aad uu ahaa mid uu kooxdiisa ka dhaliyey markuu wareeray ciyaaryahan Johnson .
Taageerayaasha kooxaha Red Devils & The Gunners ayaa aad ugu wareersan labadaan kooxood maadaama xilina isla wada badinayaan halka xili kalena Bareejo soo wada galayaan.
Kooxda Man City wexeey 1-0 iskaga fujisay Blackpool, goolka waxaa u saxiixay ciyaaryahan Johnson waxaana Rigoore ka cunay oo iska qasaariyey fursad uu gooldhalinta ku soo qaban karay Berbatov-ka Man Utd Weeraryahan Carlos Tevez. Tottenham ayaa iyana kooxda eey Deriska wada yihiin ee Fc Fulham 1-0 ku qaarajisay, Tottenham ayaa waxaa goolka u saxiixay ciyaaryahanka oradka badan ee kooxaha badan eey doonayaan sida Real Madrid, Man Utd iyo Fc Chelsea waa Gareth Frank Bale oo u dhashay dalka Wales.
Fc Liverpool Bolton ayey ku ciil baxday ugana badisay 2-1 maadaama dhoor maalmood ka hor eey kooxda Wolverhampton gurigeeda ku Biliqeeysatay waxaana goolsha Liverpool uga badisay Bolton u kala saxiixay Cole & Fernando Torres. Kooxda Fc Chelsea ayaa maanta gurigeeda ku sugeeyso oo Xarash u heeyso kooxda Aston Villa waxaa kaloo galabta iyana wada ciyaari doona kooxaha Wigan Vs Newcastle: Natiijooyinkii Horyaalka ayaa sidan kooxaha isku macsalaameeyen >>
| 01.01. |
13:45 |
West Bromwich |
1:2 |
Manchester United |
| 01.01. |
16:00 |
AFC Sunderland |
3:0 |
Blackburn Rovers |
| 01.01. |
16:00 |
West Ham United |
2:0 |
Wolverhampton |
| 01.01. |
16:00 |
FC Liverpool |
2:1 |
Bolton Wanderers |
| 01.01. |
16:00 |
Manchester City |
1:0 |
FC Blackpool |
| 01.01. |
16:00 |
Stoke City |
2:0 |
FC Everton |
| 01.01. |
16:00 |
Tottenham Hotspur |
1:0 |
FC Fulham |
| 01.01. |
18:30 |
Birmingham City |
0:3 |
FC Arsenal |
| 02.01. |
14:30 |
FC Chelsea |
weli |
Aston Villa |
| 02.01. |
17:00 |
Wigan Athletic |
weli |
Newcastle United |
Horyaalka ama Hogaanka ayaa sidaan loo kala horeeyaa
| 1 |
Manchester United |
19 |
11 |
8 |
0 |
41:18 |
23 |
41 |
| 2 |
Manchester City |
21 |
12 |
5 |
4 |
33:16 |
17 |
41 |
| 3 |
FC Arsenal |
20 |
12 |
3 |
5 |
42:22 |
20 |
39 |
| 4 |
Tottenham Hotspur |
20 |
10 |
6 |
4 |
30:23 |
7 |
36 |
| 5 |
FC Chelsea |
19 |
10 |
4 |
5 |
33:15 |
18 |
34 |
| 6 |
AFC Sunderland |
21 |
7 |
9 |
5 |
24:22 |
2 |
30 |
| 7 |
Bolton Wanderers |
21 |
7 |
8 |
6 |
33:28 |
5 |
29 |
| 8 |
Stoke City |
20 |
8 |
3 |
9 |
25:24 |
1 |
27 |
| 9 |
FC Liverpool |
19 |
7 |
4 |
8 |
23:24 |
-1 |
25 |
| 10 |
FC Blackpool |
18 |
7 |
4 |
7 |
26:30 |
-4 |
25 |
| 11 |
Blackburn Rovers |
21 |
7 |
4 |
10 |
26:34 |
-8 |
25 |
| 12 |
Newcastle United |
19 |
6 |
4 |
9 |
28:31 |
-3 |
22 |
| 13 |
FC Everton |
20 |
4 |
10 |
6 |
21:24 |
-3 |
22 |
| 14 |
West Bromwich |
20 |
6 |
4 |
10 |
26:36 |
-10 |
22 |
| 15 |
West Ham United |
21 |
4 |
8 |
9 |
22:33 |
-11 |
20 |
| 16 |
Aston Villa |
19 |
5 |
5 |
9 |
20:34 |
-14 |
20 |
| 17 |
Wigan Athletic |
19 |
4 |
8 |
7 |
17:31 |
-14 |
20 |
| 18 |
FC Fulham |
20 |
3 |
10 |
7 |
19:24 |
-5 |
19 |
| 19 |
Birmingham City |
19 |
3 |
10 |
6 |
18:24 |
-6 |
19 |
| 20 |
Wolverhampton |
20 |
5 |
3 |
12 |
20:34 |
-14 |
18 |
Warar kii ugu dambeeyey ee Suuqa Kawaanka kala iibsiga Ciyaartooyda ayaa waxaa uu sheegayaa sida : *** Xiddiga Difaaca Qaranka Argentina iyo kooxda Fc Bayern Munchen Martin Demichelis ayaa waxa uu u wareegay kooxda Malaga ee horyaalka Spain.
Ciyaaryahan Martin Demichelis oo 30 sano jir ah ayaa kooxda Malaga wexeey ku iibsatay 3-Milyan oo Euro wexeeyna kooxda Bayer Badalkiisa soo iibsatay Ciyaaryahan Luiz Gustav oo laga keenay isla Horyaalka Budesliga iyo kooxda Hoffenheim.
*** Kooxaha Juventus iyo Fc Schalke ayaa ku heshiiyey ineey isku badashaan ciyaartooyda kala ah Mohamed Sissoko oo juventus u ciyaaro iyo Ivan Rakitic oo Schalke u safto.
Heshiiska kooxahan ayaa lagu dhawaaqi doonaa goor dhaw sida eey ku soo qoreen labada kooxdba websatyadooda.
***Macalinka kooxda kooxda Tottenham Harry Redknapp ayaa si toos ah u xirtay beeca Ciyaaryahanada ka dheela dalka Mareykanka ee kala ah Trainer Harry iyo David Beckhams.
Tababare Harry Redknapp oo u waramayey Skysport ayaa sheegay in labadaas xiddig hadii eeyba imaanayaan horyaalka Ingiriiska eeysan aadi doonin meel aan Tottenham aheyn.
*** Milyineerka iska leh kooxda Manchester City Mansour bin Zayed Al Nahyan ayaa ku guuleeystay in uu kooxaha kale ee Tooshka la daba taagnaa weeraryahan Edin Dzeko beeciisa uga hor maro. Edin Dzeko ayaa waxa uu u ciyaaraa Qaranka Bosnia iyo kooxda Wolfsbrug ee horyaalka Germany wuxuuna aad ugu wanaagsan yahay Test maadaama uu aad u dhirir badan yahay. Laacib Edin Dzeko ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo in lagu dhawaaqo ku biiritaankiisa dhanka kooxda Man City.
Ciyaaryahankaan ayaa waxaa aad u doonaayey kooxaha kale ah Milan ,Chelsea, Juventus iyo Man Utd.
***Jaraaidka Sportiga ee caalamka oo intiisa badan qoray in ciyaaryahan Cesc Fabrigas uu u socdo dhanka kooxda Real Madrid oo heshiis qarsoodi ah ka dhaxeeyey ayaa maanta hadlay markii ugu horeeysay wuxuuna Fabrigas si caro leh u beeniyey warkaas wuxuuna yiri isaga oo qoslaayo sidan: " Adoo Nool ha la is Nabo miyaa?.
Horyaalada Caalamka oo inta badan Fasax ku jiray marka laga reebo Horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa fasixii ka soo laabtay Horyaalka La Liga ee dalka Spain.
Inta badan kooxaha Horyaalka Spain oo lagu wado ineey maanta Ciyaaraaan ayaa waxa eey kooxuhu isku arki doonaan sidan:
| 02.01. |
16:00 |
Athletic Bilbao |
-:- |
Deportivo La Coruna |
| 02.01. |
18:00 |
FC Barcelona |
-:- |
UD Levante |
| 02.01. |
18:00 |
Sporting Gijon |
-:- |
FC Malaga |
| 02.01. |
20:00 |
FC Sevilla |
-:- |
CA Osasuna |
| 02.01. |
22:00 |
FC Valencia |
-:- |
Espanyol Barcelona |
| 03.01. |
20:00 |
Atletico Madrid |
-:- |
Racing Santander |
| 03.01. |
20:00 |
FC Villarreal |
-:- |
UD Almeria |
| 03.01. |
20:00 |
Real Zaragoza |
-:- |
Real Sociedad |
| 03.01. |
20:00 |
RCD Mallorca |
-:- |
Hercules Alicante |
| 03.01. |
22:00 |
FC Getafe |
-:- |
Real Madrid |
Filo Goor dhaw: Barnaamishyada La Yaab iyo ku biiri Aqoontaada Sport & Warar kale oo Top Sport News ah.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com