Ciyaaryahan Franck Ribery oo la baxay Bilal Yusuf Mohammed diidayna in Saxaafada ugu yeerto Ribery, Maxaad ka taqaan Ciyaartooyda kale ee Muslimiinta ah inta Ciyaaraha eeysan bilaabana si weeyn u Duceeysta (Halkaan Ka Daawo) Xiddiga qaranka France iyo Kooxda Bayern Munchen ee dalka Germany Faranck Ribery ayaa Islaanimadiisa marba marka ka dambeeyso sii wanaag sanaaneeysay ilaa uu gaaro xiligaan in uu Saxaafada ka diido Ex-magaciisii hore oo ah (Frank Ribery) una sheegay in magaciisa cusub ee uu sida weeyn uga fakaray uu yahay sidan Bilal Yusuf Mohammed.
Franck Ribery ayaa 7-dii bishii April 1983 waxa uu ku dhashay magaalada Boulogne-sur-Mer ee dalka France wuxuuna leeyahay Xaas u dhalatay dalka Aljeeriya oo lagu magacaabo Wahiba Belhami wexeeyna u dhashay labo gabdhood oo lagu kala magacaabo Hizya iyo Shakinez.
Xiddigaan ayaa inta badan garoomada ka bixin isaga oo aan duceeysan waxaana Tv-yada caalamka intooda badan soo daayaan isaga oo ciyaar kasta duceeysanaayo hadii Qaranka France ahaato ama ha noqoto kooxda uu hada u ciyaaro ee Fc Bayern Munchen.
Bilal Ribery ayaa waxa uu qaatay Islaanimada 18. Juun 2008 wixii Taariikhaadas ka dambeeyeyna 2-jeer ayuu Xajka tagay soona gutay waajibaadkaas wuxuuna sidoo kale sabab u ahaa Ciyaartooy fara badan oo caan ah kuwaas oo iyaguna ku soo biiray ama si toos ah u qaatay Diinta Islaamka. Ilaa hada Ciyaartooyda sida weeyn garoomada ugu soo bandhigo iyaga oo duceeysanaayo ama Sujuudaayo weliba lagu qadariyo dhanka Diinta Islaamka ayaa waxa eey kala yihiin Nicolas Anelka oo Fc Chelsea ah, Kanoute oo u ciyaaro Fc Sevilla, Abidal oo Fc Barcelona ah, Diara oo isna kooxda Real Madrid u safto iyo kuwo kale oo aad u fara badan : Halkaan ka Daawo >> Party 1
http://www.youtube.com/watch?v=YAVIsqlLc5g.
Ku celin intii uu dhaafay Hal Xiraalaha Todobaadka >>Waxaad ka Jawaabtaan Hal Xiraalaha Todobaadkaan oo ku saabsan Ciyaaryahan uu Cristiano Ronaaldo Ceejinaayo kooxda uu u dheelo hada xiligaan la joogo >> Halkaan hoose ka daawo : http://www.youtube.com/watch?v=oL_lCn8jGl8 .noogu soo dir Jawaabtaada & Magacaaga oo Sadexan iyo weliba hadaad Neenaas leedahay halkaan >> xiriiriyesports@hotmail.com. Jawaabta hal Xiraalaha waxa eey soo baxeeysaa Maalinta Qamiista 11.11.10. Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com