.New, Deg Deg: Arjen Robben oo kaga Guuleeystay Bastian Schweinsteiger iyo Thomas Müller Laacibka sanadka ee Germany (Halkaan ka daawo goolashiisa)
Xiddiga Qaranka Holland iyo kooxda Bayer München Arjen Robben ayaa si lama filan ah ugu guuleeystay Codad badan Laacibka sanadka ee Dalka Germany.
Robben oo eey ku heeysteen jagadaan Cusub ee loo caleemo saaray Mujaahidiin & Halgamayaal badan oo Kooxdiisa Bayer München ka tirsan sida Frank Ribery, thomas Müller & Bastian Schweinsteiger ayaa Farxad la dhacay markuu maqlay inuu yahay Ninkii ugu horeeyey oo Hollandes ah oo ku guuleeysto isaga oo aan wax aan sanad dhameeyn la joogin Kooxda Bayer München Xiddiga sanadka ee Jarmalka weliba dhaawac sariir saaran oo qaliin suge ah ..
Biladaan oo eey bixiso xiriirka DFB qeeybtiisa Joornaalistayasha Sportiga ee magacooda loo yaqaan ( Fachmagazins "Kicker") ayaa waxaa cod aaaaaad u badan kaga hormaray Saaxiibadiisa kale Mr. Robben.
Robben ayaa sidan Cod buuxa ku helay: 925 Jornaaliiste 445 waxa eey codka siiyeen Arjen Robben , 180 waxa eey codka siiyeen Bastian Schweinsteiger , halka Thomas Müller oo gool dhalintii World Cup 2010 soo qaaday uu helay 118.
Robben ayaa soo sadeexey Ajaanibta ka ciyaarta Germany ee sida lama filaanka ah ugu guuleeysatay Biladaan khaaliga ah ee Laacibka sanadka oo Horyaalka Germany markiisii 3-aad oo isku xigto eey ku guuleeystaan Ciyaartooy aan u dhalan wadanka Jarmalka.
Waxaa ka horeeyey Robben frank Ribbery oo 2-sano ka hor qaaday, iyo sanadkii ugu dambeeyey oo uu qaaday Xidiga qaranka Brazil iyo kooxda Wolfsburg Grafite.
2004 ayey eheed markii ugu horeeysay Taariikhda inta la ogyahay oo Ciyaaryahan aan u dhalan Dalka Germany uu ka xayuubsado Laacibka sanadka Ciyaartooyda kale ee u dhashay Jarmalka waxaana uu ahaa ciyaaryahan-kaas Ailton oo u ciyaarayey kooxda werder Bremen oo uu la qaaday Horyaalka kuna guuleeystay gool dhalinta.
Dhanka Tababarayaasha waxaa la gur guurtay sidii la wada filayey Macalin Luis Van Gaal.
Vaan Gaal ayaa helay codad dhan 398-Cod,wuxuuna xaq u lahaa inuu qaado Macalinka sanadka, maxaa yeelay Bayer München ayuu Champions League Final keenay waxaana uu sidoo kale u qaaday Horyaalka Jarmalka iyo weliba Koobka Jarmalka & Super-Cup-ka oo eey Doraad qaadeen.. Magath oo ku soo xigay ayaa kaalinta 2-aad 231 cod kaga hormaray Macalinka Qaranka jarmalka Joachim Löw oo helay 87 Cod.
Inta ka aqriso Warka oo af German Ah oo aan wax yar ka soo qaadanay .
Bei der traditionellen Umfrage des Fachmagazins "Kicker" unter 925 Journalisten erhielt der niederländische Vize-Weltmeister 445 Stimmen und damit mehr als doppelt so viele wie sein Vereinskollege Schweinsteiger (180). Dritter wurde Münchens Shootingstar Müller (118).