Weli ma aragtay Bisad inta Guri cidlo ah looga tagay uu Dagaal kulul dhex maray iyada iyo Makiinadii Fax-ka oo Waraaqado badan eey ugu soo dheceen reerkii guriga ka maqnaa (Halkaan ka Daawo La Yaabka Dunida yaa Guuleeystay Fax-kii & Bisadii)
Inta badan Bisadaha iyo Eeyaha looga tago guryaha cidlada ah ayaa waxaa Saacad kasta u dheer Dhegta wexeeyna dhageeystaan sharqan & cod kasta oo eey ka dhex maqlaan gudaha guriga ama aqalada kale ee Dariska la ah.
Eeyaha ayaa inta badan qeeyliya marka eey Sharqanta Tuugada maqlaan ama Familka uu ku soo biiro qof eeysan horay u aqoon. Bisadaha Qaarada Yurub oo inta badan iska jecel Salaaxa iyo in la kool kooliyo ayaa mararka eey arkaan qof eeysan aqoon durbadiiba ka carara wexeeyna dhibsadaan codka qofka cusub ee ku soo biira familka eey horay uga tirsanaayeen.
Hadaba waxaanu halkaan idinkugu heeynaa Mucjiso Dagaal isfaham la aan ah oo dhex maray Bisad & mid ka mid ah Fax-ka dadka Guryaha degan eey Waraaqadaha Muhiimka ah ugu soo dhacaan xiliyada eey Shaqada ama Danaha Muhiimka ah ku maqan yihiin.
Bisadaan ayaa waxaa aad uga xanaajiyey iyada oo cidlo ah Waraaqado badan oo iska soo daba dhacay , markii eey la aaday mid ka mid ah Lugaheeda ayaa waxaa ka sii daray Waraaqihii ka imaanayey Makiinada dhexdeeda maadama eey Mukulaasha ama Bisadu taabay Halka laga dalbado Waraaqaha Koobiga waxaana si deg deg ah is kaga daba yimid waraaqado badan.
Ugu dambeentii Bisadaan oo u bogi weeysay Fax-kaan ku waashay daabicada & soo tufista Waraaqadaha aan xuduuda laheeyn ayaa Daqiiqadihii ugu dambeeyey wexeey ka qaaday qeeylada badan ee Makiinada madax Xanuun weeyna ja jabisay halkii Waraaqadaha Daabacada ka soo baxaayeen : Halkaan ka Daawo Isfaham la´aanta dhex martay Bisada Vs Makiinada Fax-ka : http://www.youtube.com/watch?v=-scTJnUGTYE&feature=fvwrel .