Weeraryahan Karim Benzema oo Gacanta ku dhigay Abaal marinta Xiddiga Sanadka ee dalka Faransiiska, Yaa heeysta Iskoorka ugu badan ee Laacibka Sanadka dalka Faransiiska? (Ku Biiri Aqoontaada Sport)
Weeraryahanka Diiqa Reer France iyo kooxda Boqorada Yurub ee Real Madrid Karim Benzema ayaa Jeebka dambe ku hubsaday abaal marinta ugu qaalisan dalka Faransiiska oo ah Xiddiga ama Laacibka Sanadka (2011) .
Weeraryahan Karim Benzema wuxuu xilkaan ama jagadaan cusub kala wareegay Ciyaar sameeyaha kooxda Manchester City Samir Nasri oo abaal marintaan horay u heeystay.
Karim Benzema waa Xiddig aad u da´yar wuxuuna 19-ka bishaan noqon doonaa 24-jir. Benzema asalkiisa waa Aljeeriyaan balse wuxuu ku dhashay magaalada Lyon oo ku taal dalka Faransiiska.
Abaal marinta Xiddiga Sanadka ee dalka Faransiiska sahal ma ahan oo waxaa inta badan iska daba yaacaya Laacibiin fara badan maadaama Xiddigaha dalka Faransiiska sanad walba u soo baxo ay noqdeen kuwo fara badan oo ka kala Ciyaara Horyaalada Italy, Spain ,England iyo Germany.
Abaal marintaan qaaliga ah oo ay bixiso France Football waxaa Iskoor 5-jeer ah heeysta Weeraryahankii hore ee kooxaha The Gunners Fc Arsenal iyo Catalonia Fc Barcelona Thierry Daniel Henry oo hada u safta kooxda the New York Red Bulls oo ka dhisan Horyaalka dalka Mareeykanke ee Major League .
Sidoo kale dhanka Tababaraha Sanadka ayaa waxaa abaal marintaan la gudoonsiiyey Macalinka kooxda OSC Lille Mr.Rudi Garcia oo heeysta Horyaalka dalka Faransiiska iyo Koobka dalkaas wuxuuna Xilkaan kala wareegay oo horay u heeystay Abaal marintaan Macalinka kooxda Olympique Marseille Mr.Didier Deschamps.
Halkaan ka Daawo Goolashii ugu Wanaagsanaa ee Laacib Karim Benzema http://www.youtube.com/watch?v=nxBejGEm5uo
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com