Benjamin Aguero waa Wiil uu Awoowe u yahay Diego Armanda Maradona waxaana dhalay Weeraryahanka Man City & Qaranka Argentina Sergio Kun Agüero (Halkaan ka Daawo Wiilkaan oo aad u da´yar iyo Darbooyin kulul oo la baray) .
Laacibiinta Caalamka kuwooda Xariifiinta ah wexeey Caruurtooda Qibrada ku bilaabaan iyaga oo aad u yar yar mana sugtaan marka uu cunugooda ku weenaado, maxaa yeelay Balwado kale ama Sport kale ayuu Hobby ka dhigan karaa.
Hadaba maxaad kala socotaa Nolasha Weeraryahanka kooxda Manchester City iyo Qaranka Argentina Sergio Leonel Kun Agüero del Castillo?
Sergio Aguero wuxuu qabaa oo Wiil u dhashay Gabadha uu ifka ugu jecel yahay Diego Armanda Maradona waxaana Gabadha Maradona lagu magacaabo Giannina Maradona.
Sergio Leonel Kun Agüero del Castillo wuxuu ku dhashay 02.06.1988 caasimada dalka Argentina ee Buenos Aires. Laacibkaan Gabadha Maradona wexeey u dhashay Wiil sanadkii 2009-ka waxaana Wiilkiisa lagu magacaabaa Benjamin.
Arinta ugu yaabka badan ee Warbaahinta Caalamka ka yaabsatay wexeey tahay Laacibiinta Caalamka ama Waalidka jecel ineey mustaqbalka dhaw Caruurtooda Laacibiin noqdaan wexeey tababarka Kubada sharci ahaan ku bilaabaan marka uu cunuga gaaro da´da 6 sano jirka.
Weeraryahan Sergio Leonel Kun Agüero del Castillo sidaas ma sameeyn wuxuuna wiilkiisa oo weli si buuxda u gaarin 3 sano ku bilaabay barista Darbooyinka kulul si markii uu weeynaado looga qeeyliiyo Shuudadkiisa ama Darbooyinkiisa.
Sergio Kun Aguero mar uu la hadlayey Skysport waxa uu yiri sidan " Wiilkeeyga Benjamin waqti badan ayaan u huray sidii aan Ciyaarta kubada cagta Madaxiisa ugu Qufuli lahaa waxaana ku Guuleeystay hada inuu Wiilkeeyga isku si u arko Caanaha uu cabo iyo Kubada uu laado,,
Halkaan ka Daawo Darbooyinka eey isku gameen Weeraryahan Sergio Kun Aguero Vs Wiilkiisa Benjamin Sergio Kun Aguero Del Castillo >>> http://www.youtube.com/watch?v=t2oCUWe7Ejo .