La Yaab : Beenta Ibrahimovic oo Bananka ku soo dhacday : Kooxdii uu u tagaba waxa uu leeyahay Adinka ayaan Adduunka idinkugu Jeclahay (Halkaan ka Daawo kooxihii uu soo maray & isaga oo Milan Ceeyn jiray Goolal-na ka dhalin jiray oo hadana Faaninaayo)
Barnaamishka Maalinlaha ah ee La yaab waxa uu daba dhigtay maanta oo Banaanka soo dhigay dhoor Been oo uu ku kacay Xiddiga Qaranka Sweden ee hada u wareegay Naadiga Ac Milan waa Zlatan Ibrahimovic .
Laacib Ibrahimovic meeshii ama kooxdii & Taageerayaashii uu u tagaba Balamo ayuu u sheego isaga oo leh adinka koox aan aheeyn ma aadi doono waxaana tihiin mustaqbalka meeshii aan ku dhameeysan lahaa oo Ciyaaraha caalamiga ah uga fadhiisan lahaa !!
Zlatan Ibrahimovic ayaa markii uu Kooxda Ajax Amesterdam ka soo tagay 08/2004 - 08/2006 oo uu Juventus u soo wareegay waxa uu yiri isaga oo la hadlayey Taageerayaasha Juventus sidan:
Juventus waa koox fac weeyn oo Taageerayaasha ugu Casrisan uguna tirada badan caalamka tayo ku leh, waxaana rajeenayaa inaan Guulo badan iyo Koobab eey igu soo xasuusato la hoyan doonto.
Balan qaadkaas ka dib waa la ogaa in markii Juventus xiligaas lagu ganaaxay ineey Seria B loo celiyo ayuu Ibrahimovic yiri waan in aan ka Qaxaa meesha inta eeysan Juventus Serie B ila aadin.
08/2006 - 07/2009 waxa uu Zlatan Ibo u wareegay Naadiga Inter oo isla markiiba u sheegay ineey yihiin ama heeystaan Taageerayaal Edeb badan oo kubada marka la ciyaarayo u raaxeeyo Ciyaartooyda u dheesha Inter hadal kaas oo uu ula jeeday xiligaas oo Inter iyo Milan aad iskugu kacsanayaan maadama eey Taageerayaashooda is laayeen.
07/2009 - 08/2010 Barcelona ayuu aaday isaga oo lagu soo badashay Samuel Eto´o & Lacag Caash ah waxaana Nasiib xumo iyo ceeb eheed in markii uu Inter ka tagay eey Champions League isla qaadaan Samuel Eto-hii eey yaseyeen oo xitaa 2-koob kale la sii qaaday sida (Copa Italy & Horyaalka Serie A.
Isla markii uu Fc Barcelona u yimid waxa uu bilaabay faankii lagu yaqiin oo ahaa inuu Taageerayaasha Barcelona Imaanka ka soo rido oo yiraahdo waxaan idiin qaadayaa 4-ta Koob ee ugu mihiimsan Horyaalada .
Akhristoow hadalkii ugu Qosol badnaa ayaa ahaa markii uu 98-Kun oo Taageeryaal Barcelona ah ka hor yiraahdo iyaga oo soo camiray Garoonka Barca markii eey Ibrahimovic soo gateen sidan ahaa : Barcelona waan Jeclahay waa koox Barakeeysan oo loo bogo mana dhici doonto inaan meel ka aado inta aan noolahay:
08/2010 - 06/2011 oo hada ah waxa eey isku dhaceen oo uu kaga soo Qaxay Magaalada Barcelona & Kooxda ka dhisan ee Fc Barcelona Tababaraha xaraarada badan ee Fc Barcelona waa Macalin Pep Guardiola oo soo iibsaday Weeraryahan David Villa ka dib markii uu u bogi waayey Gambiska iyo qaab ciyaareedka Zlatan Ibrahimovic oo uu sheegay inuu weli ka dhamaan la yahay Kubad la isku dhejiyo oo aan laga aqoon Horyaalada Spain & England halka Talyaaniga eey Sheeyno ama Qurux ka tahay in Difaac la xirto ama kubada si aad ah loo gam gambiyo si eey kooxaha waa weeyn kuula wareegaan.
Ugu dambeentii Akhristoow waxa aan Qormadeeyda ku soo koobayaa Zlatan Ibrahimovic hada AC Milan ayuu u yimid waxaana uu u sheegay in eey yihiin Koox wacdaro badan oo aad loo jecel yahay, waxaana doonayaa ayuu yiri iinaan Milan u qaado Koobab badan oo Mustaqbalka igu soo xasuustaan.
Su´aal waxa eey ka taagan tahay Akhristoow haduu Zlatan Ibrahimovic Ac Milan ka tago Taloow yuu u faani doonaa oo uu markiisii ugu dambeeysay dhihi doonaa Adinka ayaan Dunida idinkugu Jeclahay oo agtiina ayaan ku dhiman doonaa inta aan Ciyaaryahan ahay ????
Halkaan ka Daawo xiligii uu Milan Goolasha ka dhalin jiray : http://www.youtube.com/watch?v=S5iMLee__iQ
Halkaan ka Daawo Ibrahimovic oo hada u yimid AC Milan oo Wariyaasha Suaalo kulul raaxada uga qaadeen iyaga oo leh Jakotoore Ibrahimovic maxaa run kaa ah :
http://www.youtube.com/watch?v=3sy_HikBSss&feature=related
Halkaan ka Daawo sida weeyn ee Taageeraayasha Barcelona u aamineeyn iyo 98-kun oo taageero ayaa garoonka Barcelona ku soo dhaweeysay : http://www.youtube.com/watch?v=gMkJvyah1_c&feature=related
Halkaan ka Daawo kooxaha uu soo maray :
http://www.youtube.com/watch?v=-1kgjuQvNps
Filo goor dhaw Wareeysi aan la yeelanay & Warbixin aad u yaab badan oo aan ka diyaarinay Fanaanka iyo Heesaaga weeyn ee Caalamiga ah ee somaaliyeed Mr Knaan Cabdi Warsame oo Xiriiriye Sport amaanay.
Waxaad kaloo filataa Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport oo ku saabsan maanta, (Maxaad ka taqaan 20-ka Ciyaartooy ee ugu qaalisan oo eey kooxaha kala iibsadeen??? , Qiimaha eey kala siisteen oo aan idiin heeyno iyo weliba kooxihii laga soo kala gatay iyo weliba Kooxihii ugu Ciyaartooy gadashada badneed ama kala dirista badneed !!
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
By: Omar Ali Omar
Xiriiriyaha sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com