La Yaab : " Qoriga Baroonka ah sida loo cabeeyo dhoor jeer ayaan ku baray waxaana taqaanaa oo kaliyah sida Free Kick loo gamo, Qiso dhex martay David Beckham iyo Taliye Ciidan,*Eey Beckham Beerta galiyey, *Ciyaaryahan Klose oo Shaki iyo Wel wel ka muujiyey Difaacyada Talyaaniga & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo sidoo kale Qeeybtii 3-aad ee Laacibiinta Caalamka xiliyadii eey Caruurta ahaayeen !!)
La Yaab Sport : Ciyaaryahan David Beckham oo Caalamka looga yaqaan The King of Free Kicks ayaa waxa uu booqdaa Sanad kaste 2 jeer Xerooyinka eey ku xareeysan yihiin Ciidamada Royal-ka dalka Ingiriiska gaar ahaan Xerada UK and US troops eey ku jiraan ee Camp Bastion.
Skysport qeeybtiisa dalka England oo Barnaamish qaas ah ka soo diyaariyey arinta Ciyaaryahan David Robert Joseph Beckham ayaa waxaa ugu qosol badneed markii uu Taliyihii Ciidamadaas u sheegay Skysport arin ka Qosol siisay dadkii Daawanayey Barnaamishkaas .
Ciyaaryahan David Beckham oo Sanadkiisii 3-aad dhoor jeer la baray sida loo cabeeyo ama loo rido Qoriga Baroonka ah ee ku Dagaalama waxa loo yaqaan (Fadhi ku dirirka) ayaa Taliyaha oo kor taagan Ciyaaryahan David Beckham oo gafay wixii la baray waxa uu ku yiri sidan "
Waxa aad sameeneeyso waa Qalad ,Wixii lagu barayna waa kakac iyo in hada Koow lagaaga soo bilaabo. Waxaad Cabeeyn laŽdahay Qoriga Baaruuda laguugu shubay bal inaad rido iska daayee. Waxaad taqaanaa oo kaliyah sida loo tuuro ama loo Gamo Kubada Free Kick-ga "
Intaas ka dib waxaa Muuqaalka looga jeeday Ciyaaryahan David Beckham oo Imtixaankii loo diray gafay ka dibna Sheekada iyo hadalka Taliyaha Ciidamada Qosol uga baxay. Arinta kale ee ugu Yaabka badneed ayaa eheed intii eey socotay Booqashada xerada ayaa waxaa Ciyaaryahan David Beckham si weeyn uga yaabsaday Eey tababaran oo aad moodo inuu Neef dibi ama LoŽah ka yareeyn kaa soo cel celis ku noqday ama u soo baxsanayey dhanka Ciyaaryahan David Beckham maadaama uusan ka tirsaneeyn Ciidama Xerada ku jira oo uu Eeygaas weeyninka badan aad u kala yaqaano Wajiyadooda.
Waxaa ugu Qosol badneed intii uu Eeyga u soo fak fakanaayey ama u qeeylinayey dhanka Ciyaaryahan David Beckham ayaa waxaa si Live ah loo arkayey Ciyaaryahan David Beckham oo mar kasta Taliyihii Ciidamada iyo kuxigeenadiisa dhanka gadaale ka maraayo cabsi uu ka qabay Eeygaas Dameerka la ekaa dartiis.
Halkaan ka Daawo Ciyaaryahan David Beckham iyo Xiddiga kooxda Juventus Alessandro Dal Piero oo lagu sheegay ineey yihiin Boqorada ama Laacibiinta Darbooyinka xorta ah ee Bilisioonka ugu qatarsan>>> http://www.youtube.com/watch?v=LwSmep8xuCE .
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WEXEEY SHEEGAYAAN SIDAN:
*** Weeraryahanka Qaranka Germany iyo kooxda Fc Bayern Munchen Miroslav Josef Klose oo dhawaan eey la wareegtay kooxda SS Lazio ee Horyaalka Talyaaniga ayaa waxa uu wel wel iyo cabsi ka muujiyey Difaacyada Horyaalka Talyaaniga isaga oo u waramayey (SAT 1) .
Klose ayaa sheegay in uu dadaali doono balse Qaran ahaan iyo mid kooxeedba uusan jecleeyn ama Nasiib ku laheeyn xiliyada uu la ciyaaraayo Difaacyada Talyaaniga ah.
*** Tababarihii kooxda Koobka dalka Holland heeysata ee Twente Enschede ayaa si La yaab ah uga tagay kooxdiisa.
Macalinkaan oo lagu magacaabi jiray Michel Preud'homme waxaan weli dhamaan oo Qandaraaskiisa uu ku ekaa ilaa 2013.
Boss-ka kooxda Twente Mr. Joop Munsterman ayaa sheegay in Macalinkoodii uu Shilimaad yar dartood uga tagay kuna biiray kooxda lagu magacaabo Al-Schabab oo ka dhisan Magaalada Riad ee dalka Saudi Arabia.
Macalin Michel Preud'homme oo 52-jir ahaa wexeey kooxda Al Shabaab ee dalka Sucudi Carabiya afgelis uga dhigeen Lacag lagu sheegay 600.000 oo Dollar. Home-peejka kooxdaan Twente Enschede waxaa lagu soo qoray ineey doonayaan Macalimiinta kala ah Marco van Basten, Frank Rijkaard, Ronald Koeman, Ex- Macalinkoodii hore ee horyaalka Holland u qaaday horayna u ahaan jiray Tababarihii Qaranka England-Coach Steve McClaren.
*** kooxda Real Madrid ayaa qarka u saaran ineey 45-Milyan oo Euro kula soo wareego weeraryahanka Qaranka Argentina iyo kooxda Atletico Madrid Kun Sergio Aguero.
*** Kooxaha Bayer Liverkusen iyo Hambrug oo ka wada dhisan Horyaalka Germany wexeey isku heeystaan oo aad u doonayaan Weeraryahanka Qaranka Denmark iyo kooxda Fc Arsenal afka hore uga ciyaara waa Nicklas Bendtner. Dhanka Arsenal wax jawaab ah oo weli ka soo baxay ma jiraan.
*** Kooxda Manchester Utd wexeey Amaah ku siisay kooxda Besiktas Istanbul oo ka dhisan Horyaalka Dalka Turkiga Xiddigoodii 20-jirka ahaa ee Bebe. Laacib Bebe ayaa lagu wadaa inuu ka dhinac ciyaaro Saaxiibadiisa ama Laacibiinta Qaranka Portugal oo kooxda Besiktas Iibsi raaxada uga qaaday waxaana hada u jooga oo uu Bebe ka mid noqon doonaa Ciyaartooyda kala ah Ricardo Quaresma, Hugo Almeida, Manuel Fernandes iyo Weeraryahan Simao.
*** Kooxda Fc Chelsea wexeey qarka u saarantahay ineey ku dhawaaqdo la soo wareegida Xiddiga daŽda yar ee Qaranka Brazil iyo kooxda Fc Santos waa Neymar oo eey ku doonayaan 46-Milyan oo Euro.
*** Kooxda kubada cagta ee Fc Arsenal oo lagu yaqaan soo aruurinta ama magac u yeelida Laacibiinta DaŽda yar ayaa wexeey soo wadataa Xiddigo yar yar oo Mucjiso cubub lagu sheegay sida Alex Chamberlain oo ka imaanaya kooxda Southampton waana 18-Jir eey kooxda Fc Arsenal Adduun gaaraya 13,5 Milyan oo Euro u quurtay waxaana xiddigaan sidoo kale si aad ah u doonayey kooxda Shayaadiinta cas cas ee Man Utd inkastoo uu Dooqiisa ku sheegay ineey tahay Kooxda Fc Arsenal.
Xiddiga kale ee Fc Arsenal ku soo jeeda waa Mucjisada Oradka badan ee Qadka dhexe Ciyaaryahan Odil Akhmedov oo 23-jir ah kana imaan doono kooxda Pakhtakor Taskent oo ka dhisan dalka Usbakistan.
Naadiga The Gunners ayaa xili Ciyaareedkaan soo socda wexeey doonayaan ineey si weeyn isku dhisaan maadaama uu kooxda iibsaday Maalqabeen sheegay inuu u soo iibin doono Xiddig kate oo uu Macalinka kooxdaas dalbado.
Halkaan ka Daawo Qeeybtii 3-aad ee Wajiyada Laacibiinta Caalamka xiliyadii eey Caruurta ahaayeen : >>> http://www.youtube.com/watch?v=5O_gXODBgLE&feature=related .
Filo sidoo kale maanta Barnaamishka La Yaab iyo Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News+Kawaanka Ciyaartooyda.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com