Weeraryahan Thierry Henry oo ilaa bisha Maarso Lacag la´aan "Bilaash,, ugu Ciyaari doono kooxdiisii hore Fc Arsenal,* Ciyaaryahan David Beckham oo la shaaciyey Qarashka uu maalin kasta ka qaadan doono kooxda Paris Saint-Germain (PSG) & Taageerayaasha kooxdaas oo diidan in Lacag sidaas u tira badan la siiyo David Beckham oo ay ku sheegeen inuu Duqoobay (+Warar kale)
Weeraryahankii hore ee kooxaha As Monaco, Juventus, Fc Arsenal iyo Fc Barcelona Thierry Daniel Henry ayaa lagu wadaa inuu mudo kooban u ciyaaro kooxdiisii hore ee Fc Arsenal.
Henry oo hada u ciyaara kooxda New York Red Bulls oo ka dhisan horyaalka Dalka Mareeykanka waxa ay isaga iyo kooxdiisa ku jiraan Fasax dheer oo ilaa bisha Maarso qaadan doona. Arinta Weeraryahan Thierry Henry waxaa go´aan ka gaari doona Macalinka Fc Arsenal Arsene Wenger oo yiri sidan-
>> (Ich muss darüber nachdenken", so Wenger. ?Kurzfristig wäre es ideal für uns, aber ich habe noch keine Anfrage gestellt. Der 1. Jänner ist das entscheidende Datum. Also haben wir jetzt noch sieben Tage Zeit, um Entscheidungen über Spieler zu treffen)<<.
" Waa inaan u fakaraaa arintaan, 7 cisho oo kaliyah ayaa ka hartay waqtigii aan go´aanka ka gaari lahaa arinta Henry ayuu yiri Macalin Wenger. Maamulka kooxda Fc Arsenal ayaa aad ugu baahan Weeraryahan Thierry Henry waxaana sababta lagu sheegay Weeraryahanada kooxdaas oo bilowga bisha Janaayo ka tagi doono Naadiga Fc Arsenal iyaga oo u weecan doona dhanka Koobka Qaarada Africa oo dhawaan furmi doona.
Henry oo Bilaash ugu dheeli doono kooxda Fc Arsenal waxaa lagu wadaa inuu buuxiyo Booska Weeraryahanada kala ah Gervinho iyo Marouane Chamakh oo lagu wado ineey ka qeeyb galaan tartanka koobka Qaramada Africa. Sharciga Horyaalka Mareeykanka waxa uu dhigayaa dhoorka bilood ee uu xiranyahay Horyaalkaas in Laacibiinta ka ciyaarta ay u aalamiiteen ama Ciyaari karaan koox kale sida 2 sano ka hor uu sameeyey Ciyaaryahan David Beckham oo kooxda Ac Milan u soo ciyaaray.
Kooxda The Gunners Fc Arsenal tan iyo markii uu ka tagay Weeraryahan Thierry Henry sanadkii 2007 waxaa qabsatay Abaar koob la´aaneed balse intii uu la joogay Henry kooxda Arsenal waxa uu la qaaday 2-jeer oo Horyaalka Premier League ah iyo 3-jeer oo koobka FA Cup-ka ah wuxuuna sidoo kale xiligaas u dhaliyey Fc Arsenal Goolal fara badan oo Iskoor tiigsaday.
*** Bisha Janaayo Biloowgeeda ayaa lagu wadaa in 18 Bilood oo Qandaraas cusub ah uu Laacib David Beckham u saxiixo kooxda Paris Saint-Germain (PSG) oo ka dhisan horyaalka dalka Faransiiska. David Beckham ayaa Bishii qaadan doona Aduun lagu sheegay 800.000 oo Euro wuxuuna Maalin kasta Daily Mushaar ahaan u qaadan doonaa Lacag lagu sheegay 26.000 oo Euro >> ( 800.000 Euro im Monat verdienen soll, an der Seine das höchste jemals in der Ligue 1 bezahlte Salär beziehen, rund 26.000 Euro pro Tag)
Laacib David Beckham oo 36 jir ah waxaa aad uga soo hor jeedo Qarashka uu ka qaadan doono PSG qaar ka tirsan Taageerayaasha kooxda Paris Saint-Germain oo David Beckham u arko Laacib Weekiyo ah oo duqoobay.
***Macalinkii hore ee kooxaha Ac Milan iyo Fc Chelsea Carlo Ancelotti ayaa waxaa booskiisa xiratay kooxda Paris Saint-Germain .Macalin Carlo Ancelotti wuxuu badali doonaa Tababaraha hada leeliya kooxda Paris Saint-Germain waa ninka lagu magacaabo Antoine Kombouare.