*** kooxda kubada cagta ee Fc Bayern Munchen ayaa gurigeeda labo jeer oo isku xigto uga xishoon weeysay Kooxda Stuttgart oo eey u ciyaaraan ciyaartooy badan oo ka tirsan Xulka Qaranka Germany . Bayer ayaa kulankii horyaalka ee galabtii Axada dhacay waxeey guriga Suttgart uga soo badisay 3-5 waxaana Goolasha 3 ka mid ah u saxiixay Xiddigii horay looga soo iibiyey isla kooxda Stuttgar Mario Gomez halka eey 2-da gool ee kala sii raacsadeen Frank Ribery & Thomas Müller. Stuttgart ayaa waxaa 2-gool u saxiixay Martin Harnik oo badal kusoo galay iyo Christian Gentner Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=cVkrYrtq9TU.
Kooxda Bayern Munchen intaas kuma harin oo waxa eey xalay mar labaad ku laabatay guriga ama magaalada kooxda Stutgart kulan ka tirsan Koobka Jarmalka ee looyaqaan DFB Pokal wexeeyna mar labaad ugu soo qubeeysay 3 & 6, Goolasha ayaa waxaa kooxda Bayern Munchen u kala saxiixay Miroslav Klose oo 2-gool dhaliyey Ribery oo 1 dhaliyey waxaana labada gool ee kale sii kala raacsaday Andreas Ottl & Mario Gomez halka Goolasha Stuttgart uu labo ka mid ah u saxiixay Weeraryahanka Qaranka Russia ninka dheer ee lagu magacaabo Pawel Pogrebnyak iyo Matthieu Delpierre oo goolka 3-aad u dhaliyey kooxdiisa oo 3-cisho gudaheed iyaga oo gurigooda ku ciyaaraayo looga badiyey 11-gool waxaana inuu saxaafada war ka siiyo mucjisadaan diiday tababaraha cusub ee kooxda Stuttgart Coach Bruno Labbadia . Halkaan ka Daawo Goolasha >>> http://www.youtube.com/watch?v=tMic7uoH3Rc.
*** Kooxda kubada cagta ee Inter Milan ayaa u Qubeeysay oo iska ceeyrisay Macalinkeedii uga yimid xili ciyaareedkaan dhanka kooxda Fc Liverpool Tababare Rafael Benitez oo u dhashay dalka Spain. Boss-ka kooxda Inter Massimo Moratti ayaa Gambar gaaban ugu fadhiyey Tababare Rafael Benitez waxaana 3 cisho ka hor Xiriiriye.com ku soo bandhignay in Rafael Benitez eey qaadi doonto Seefta Boss Mr Massimo Moratti oo xilgaas ku cafiyey Macalin Rafael Benitez Dabaaldegii eey ku jirtay kooxda Inter oo soo qaaday Koobka Qaaradaha Addunka iyo Ciyaartooyda oo Farxad ku wada jirtay. Massimo Moratti ayaa ku andacooday isaga oo la hadlaayey Tv-ga Rai One in eey Ceeb la noqotay kooxda Inter ineey Ac Milan oo hogaanka heeyso eey 13-dhibcood ka hooseeyaan. Kooxda Inter ayaa lagu wadaa in si deg deg ah Tababare loogu magacaabo Xiddigii hore ee kooxda Ac Milan iyo Qaranka Brazil Leonardo.
*** Xiddiga kooxda Man Utd iyo Qaranka Portugal Luis Nani oo wareeysi siiyey Jaraaidka caanka ah ee ka soo baxa dalka Ingiriiska Mirror Sports ayaa waxaa ka jawaabay hadalkiisa Macalinka kooxda Arsenal London Mr Arsene Wenger. Nani ayaa sheegay in kooxaha Arsenal iyo Man City eey wadaan is daalin iyo is Noojin eeysan waxba ku qaadi doonin wuxuuna hadalkiisa sii daba dhigay in Horyaalka England ee Premier League uu dhex yaal kooxaha ManU Fc Chelsea wixii soo racana uu u arko is daalis.
Hadalka Luis Nani ayaa waxaa si deg deg ah uga jawaabay Macalinka kooxda The Gunners (Arsenal) Arsene Wenger wuxuuna yiri sidan : " Qof kasta Fikradiisa iyo wixii eey isaga la tahay wuu ku hadli karaa waxaana la arki doonaa Hadalka Nani waa hadii uu iiga Aqoon fiican yahay Horyaalka England oo aan soo Leeyliyey 1600 oo kulan iyo in ka badanba.
Luis Carlos Almeida da Cunha Nani ayaan looga baran inta Taariikhda la og yahay inuu Duqeeyo ama wax ka sheego kooxo kale oo iyaga Xifaaltan ka dhaxeeyo waxaana laga yaabaa inuu ku qancinaayo Taageerayaasha kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee ( Red Devils ) Man Utd oo Nani aad u jecel una yaqaaniin Xiliga uu bood boodo ama kor u Kaco Papa Nani oo eey ula jeedaan aaaabe Nani.
*** Xiriirka kubada cagta ee Uefa ayaa wexeey ku qara baxeen kooxda Kubada cagta ee Panathinaikos Athens oo ku waano qaadan weeysay Taageerihii garoonka soo galay ee caayey ama u hanjabay Ciyaaryahan Leo Messi. Uefa ayaa dul dhigtay Panathiakos oo ka dhisan dalka Giriiga lacag cadad keeda lagu sheegay 93.920 Euro ka dib markii eey Garoonka dhexdiisa ku soo yaaceen Taageerayaasheeda Ciyaartii eey la yeesheen kooxda Volos halkaas oo eey dadka Raaxada uga qaadeen Holac iyo Dab is wata waxaana ganaaxaas Lacageed loo sii raaciyey in eey Garoonka soo xaadiri karin Taageerayaasha kooxdaas 2-kulan oo xiriir ah.
Filo wax yar ka dib Barnaamishka La Yaab oo ku saabsan sida eey balanteenu eheed Ciyaaryahan magaciisa uu yahay Qaansiir ama Doofaar sida eey soomaalida u taqaan iyo Tababare magaciisa uu yahay Dameer ama Ximaar sida uu qof walba u yaqaan..Qoraal ayaa hada ku socda Filo wax yar ka dib.