 |
|
 |
bayern |
 |

Horyaalka Jarmalka oo dib u furmay ayaa durbadiiba waxaa soo shaac baxay shakigii laga qabay Ciyaartooydii World Cup 2010 ka qeeyb gashay awooda eey Bayer München ku soo kordhin karaan maadaama eey Ciyaarahii Addunka wacdaro dheeraad ah kala soo laabteen. Kooxda Bayer München ayaa ah Kooxda kaliyah ee ugu ciyaartooy badan kuwii ka soo ciyaaray Koobka Addunka marka laga reebo Naadiyada FC Chelsea iyo Fc Barcelona. http://www.youtube.com/watch?v=g4ECWP695mU&feature=search Furitaanka Horyaalka Jarmalka ayaa kooxda Bayer München waxa eey marti gelisay Kooxda weeyn ee iska leh warshada soo saarta Gawaarida loo yaqaan Volkswagen oo iyadu heeysato Horyaalka Dalkaan 2-sano ka hor weliba soo gadatay sanad-kaan ciyaartooy badan halka eey sidoo kale 19-milyan uga dooneyso kooxda Juventus Laacibkooda Diego iyo Xiddiga Qaranka Holland ELLIA oo eey Hambrug kaga doonayaan Adduun gaaraya 20-milyan oo Euro. Ciyaarta furitaanka Horyaalka Germany oo dhex martay Labadaan kooxood ee Fc Bayer München vs Wolfbrug ayaa waxaa gool ku hormartay Kooxda Bayer oo uu u saxiixay Laaciibkooda soo qaaday Gool dhalinta iyo Kabaha Dahabka Koobka Addunka Thomas Müller daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta qeeybteedii hore. Qeeybtii 2-aad ee Ciyaarta ayaa waxaa garoonka dar dar iyo weerar nuuca loo yaqaan Rogaal celis garoonka la soo gashay kooxda Wolfsbrug oo ugu dambeentii u suurto gashay inuu gool u dhaliyo Laacibka weeyn ee Xulka Qaranka Bosnia Hergozovina Edin Dzeko oo sandkaan eey kooxo badan oo Man Utd iyo Chelsea ka mid yihiin ugaarsi ku hayaan (Daqiiqadii 55-aad) Intaas ka dib Ciyaarta oo 1-1 koox ka badsata la waayey ayaa waxaa dhacday Daqiiqadii 90-aad ee xilga looyaqaan Dhimashada in baas aad u qurxoonaa oo wariyhii Ciyaarta soo tabaniyey u baxshay Baaskii Naxariista uu Frank Ribery soo dul dhigo Bastian Schweinsteiger oo aad moodid inuu diyaar u ahaa kubadaas xirfadeeysan ee Ribery ka timid ka dibna daba dhigay Goolhayaha kooxda Wolfsbrug Diego Benaglio oo u qabta goosha Xulka Qaranka Swizerland. Halkaan ka Daawo Ciyaarta oo eheed Kulan Adag (http://www.youtube.com/watch?v=g4ECWP695mU&feature=search) Ciyaartataan oo eey ka dhex muuqdeen inta badan Laacibitii World Cup 2010 u duulay oo eey ka mid ahaayeen Frank Ribery (France) Martin Demichels (Argentina) Bastian Schweinsteiger (Germany) Mark Van Bommel ( Holland) Thomas Müller (Germany) , waxaana dhaawac uga maqnaa Laacibkooda eey ugu yeeraan Shimbirta Duusha waa Ajen Robben oo isna Holland u safta. Wararka Suuqa Kawaanka Ciyaartooyda maxaa Cusub ?? Laacibka aadka u da´da yar ee Xirfada la soo galay Garoomada Eljero Elia oo u safta Qaranka Netherlands iyo Kooxda Hambrug ayaa waxaa isku heeysto Kooxaha Juventus & Wolfsbrug. Eljero Elia ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda koxahaas mid uu Daaqada kala bixi doonto. Kooxda Juventus ayaa ku dooneyso Eljero Elia 1-Ciyaaryahan iyo 11-Milyan oo Euro, halka Wolfsbrug taagan tahay 20-Milyan oo Euro. Kooxda Horyaalka France heeysata ayaa ku guuleeystay tartankii loogu jiray Weeraryahanka cusub ee Xulka Qaranka France Kooxda weeyn ee heeysata Horyaalnimada Dalka France Olympique Marseille ayaa ku guuleysatay ineey kooxda ku soo biiriyaan Laacib Andre-Pierre Gignac oo laga soo gaday Kooxada Toulouse ee isla Horyaalka France. Andre-Pierre Gignac ayaa waxaa isku heeystay kooxaha kala ah Seville (Spain) Galatasaray (Turki) West Ham (England) iyo Lille (France) Olympique Marseille ayaa faraqa u gelisay Kooxda Toulouse Adduun gaaraya 16-Milyan oo Euro taas oo sabab u noqotay in Kooxda Toulouse uu madaxa weeynaado ka dibna go´aan ku gaatto in Laacibkeeda Pierre Gignac eey Marseille iska leedahay Kooxaha kale ee donayana eey joojiyaan ugaarsiga. Andre-Pierre Gignac waa 24-sano jir u safta Qaranka France, Sanadkii 2008/09 waxa uu 24-Gool ku soo qaaday Gool dhalinta Horyaalka 2-aad ee Faransiiska waxaana uu sheegay in Riyadiisa ugu weeyn eey eheed in mar uun uu u dheelo Kooxda Marseille. Kooxda weeyn ee Fc Liverpool ayaa ka hari la oo kordhisay Lacagtii eey ku dooneysay Ola Toivonen oo werarka uga Ciyaara Psv. Skysports.com ayaa xaqiijiyey Maanta in FC Liverpool ka dhigtay (9-Milyan) Lacagta eey ku dooneyso Ciyaaryahan Ola Toivonen oo 24 Jir ah. Tababaraha Fc Liverpoll ayaa sheegay in Mucjisooyinka Weeraryahan Ola Toivonen eeysan eheen wax loo dul qaadan karo oo waa in lagu soo biiriyaa Kooxda Liverpool ayuu yiri Mr. Roy Hodgson. Bishii Janaayo 2009 ayey Kooxda Psv 4-Milyan oo Euro kaga soo gadaytay Kooxda Malmö FF oo ka dhisan Horyaalka Sweden. Ola Toivonen oo inta badan dhaawac uga maqnaa Kooxda PSV Eindhoven ee Horyaalka Holland ayaa 33-kulan ee uu saftay Horyaalkii la soo dhaafay waxa uu shabaqa dhex dhigay 13-Gool halka uu 4-Baas oo macaana uu dhiibay.
Horyaalka England oo Maanta kulankiisi 2-aad fooda la is darayo. Kooxaha ayaa sidan isku qaabili doono .(hoos ka aqriso)
Premier League
| Sabdi Maanta , 21. August: |
| Arsenal |
Blackpool |
-:- |
| Birmingham |
Blackburn |
-:- |
| Everton |
Wolverhampton |
-:- |
| Stoke |
Tottenham |
-:- |
| West Bromwich |
Sunderland |
-:- |
| West Ham |
Bolton |
-:- |
| Wigan |
Chelsea |
-:- |
| Axada beri , 22. August: |
| Newcastle |
Aston Villa |
-:- |
| Fulham |
Manchester United |
-:- |
| Isniinta, 23. August: |
| Manchester City |
Liverpool |
Ogeeysiis Muhiim ah: >> Bahda ku xiran www.xiriiriye.com waxaa la Ogeysiinayaa in Booqashada Xiriiriye eey gaartay halkii ugu sareeysay oo ah Maalin kasta Dad ka badan 6-kun oo reero Sports ah, waxaana Bahda Xiriiriye lagu wargelinaa haduu marka 1-aad kuu furmi waayo www.xiriiriye.com fadlan ku celi mar 2-aad si uu Fireesh ahaan kugu furmo..Mahadsanidiin. Filo goor dhaw Barnaamishyada ( La Yaab ) iyo ( Ku biiri Aqoontaada Sport) oo maalin kasta ka baxa Shabakada Sporttiga ee Xiriiriye, Waxaana Maanta uga bogan doontaan Labadaan Barnaamish Qisooyin la yaab badan oo wata video-Daawasho ah !! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! W/D Omar Ali Omar Xiriiriyaha sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|