LA YAAB : Xiddiga Qaranka Germany iyo Kooxda Fc Bayern Munchen Bastian Schweinsteiger ayaa Fikrad cusub oo uu la yimid wuxuu Shirkada Adidas ka muteeystay Lacag Caqli ka fooq ah iyo Caqligaan cusub oo dad badan ka yaabsaday (Halkaan ka Daawo Yaabka uu dhigay Bastian Schweinsteiger oo Telefishinada Live ka ahaa)
(Barnaamishka LA YAAB SPORT wuxuu soo aruuriyaa waxyaabihii ugu hadal heeynta badnaa Maslaxa Ciyaaraha Kubada cagta). Shirkadaha ugu Taajirsan Caalamka dhanka Sportiga ee kala ah Nike,Adidas iyo Puma wexeey Fursad siiyaan soona dhaweeyaan Laacibiinta Caalamka kuwooda ku soo kordhiya Fikradaha macquulka ah ee Dadku Jeclaan karaan.
Laacibiinta qaar marka ay Xayeey siin sameeyaan Lacagtoodana Jeebka gashtaan weey iskaga hayaamaan goobtii ay Lacagta ku muteeystaan laakiin qaar ka mid Xiddigaha Caalamka wexeey Xiriir toos ah la sameeyaan Shirkadahaas aanu kor ku soo xusnay.
Hadaba maxaad kala socotaa Fikrad Cajiib ah oo uu ku soo biiriyey Shirkada Adidas Xiddiga Qaranka Germany iyo Kooxda Fc Bayern Munchen Bastian Schweinsteiger .
Schweinsteiger wuxuu balamiyey Dhoor Tv oo dalka Germany caan ka ah kuwaas oo lagu kala magacaabo SAT 1, ZDf, Sport1 iyo RTL.
Ciyaaryahan Schweinsteiger wuxuu Telefishinada iyo Jaraaidyada u sheegay inuu sameeyn doono Qudhiisa Qori Tuur ama Isku aadka Koobka Qaramada yurub.
Isku-aadkii runta ahaa xiligii la qaban lahaa ka hor Labo sacadood ayuu Warbaahinta balamiyey wuxuuna isku dayey in uu Mashquuliyo Dadkii ka sugayey Telefishinada Isku Aadka Koobka Qaramada Yurub oo Malaayiin kor u dhaafay.
Laacib Bastian Schweinsteiger ayaa bilaabay inuu isku aadiyo Dalalka Yurub balse halkii uu kala soo baxayey Waraaqaha ay ku qornaayeen magacyada Wadamada Yurub ayaa wexeey eheed Kabo nuuc cusub oo Adidas ah dhexdooda.
Fikradaan cusub oo uu Xayeeysiinteeda ku Guuleeystay Ciyaaryahan Bastian Schweinsteiger ayaa waxaa la dhihi karaa waa Kaarto Cusub oo dad badan ka yaabsatay maadaama uu ku soo aadiyey Yaabkaan xili dadka ay u Oomanaayeen isku Aadka koobka Qaramada Yurub oo 2-saacadood ay ka harsaneed.
Kabahaan Cusub oo ahaa kuwo Kubada lagu Ciyaaro oo dhoor midab ka sameeysnaa ayaa waxaa xaqiiqo ah ineey ku daadan doonaan ama aad u xiiseeyn doonaan Dhalinyarada iyo Dadka Ciyaara Kubada Cagta.
Halkaan ka Daawo Fikrada uu Dadka kaga yaabsaday Bastian Schweinsteiger >>> http://www.youtube.com/watch?v=D_k40Ld21Gc