La Yaab: Macalin Mancini oo sheegay Farsamada ku jirta Ciyaaryahan Mario Balotelli inuu mararka qaar la yaabo balse taas Badalkeeda wuxuu waqtigiisa ku dhameeyey La ciyaarista Bisadiisa & Dhageeysiga Musiga,*& Natiijooyinkii qaar ka mid ah is reeb reebka Koobka Qaramada Yurub 2012 oo la ciyaaray( Halkaan ka Daawo)
Macalinka kooxda Man City Mr.Robert Mancini ayaa wareeysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Skysport kaas oo intiisa badan ku saabsanaa Ciyaartooyda eey kooxda Man City soo wadato xili ciyaareedka soo socda iyo kuwa la sheegay ineey iska iibinayaan.
Tababare Mancini ayaa sheegay ciyaartooyda Man City intooda badan ineey kooxda la sii joogi doonaan wuxuuna xusay sida Yaya Toure & David Villa. Macalin Mancini ayaa qirtay sidoo kale in kooxda Man City eey aad u dooneeyso Ciyaaryahan Ricardo Kaka iyo Xiddiga da´da yar ee Qaranka Italy Giuseppe Rossi oo u ciyaara kooxda FCVillarreal ee Horyaalka dalka Spain.
Mar la weeydiiyey waxa uu kala socdo kooxo badan oo ka dhisan Horyaalka Talyaaniga oo si aad ah u doonaya Ciyaaryahan Mario Balotelli ayaa waxa uu ku jawaabay sidan: " Haa waan la socdaa laakiin Beec nagama aha oo waxaa u baahan Man City. Mario Balotelli Farsamada ku jirta weey yartay Xiddig eey soo raadsatay ama sameeyn kara Farsamadiisa oo kale balse taas badalkeeda wuxuu waqtigiisa ku dhameeyaa Dhageeysiga Musiga & La Ciyaarista Bisadiisa ayuu yiri Macalin Mancini oo ka Qosol siiyey Wariyihii Skysport ee wareesanayey.
Mario Balotelli Barwuah waa Xiddig Familkiisa ka soo jeedaan dalka Ghana balse wuxuu ku dhashay 12. Agoosto 1990-kii Magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga wuxuuna sidoo kale u Ciyaaraa Qaranka Talyaaniga in kastoo uu ku sigtay World Cup 2010 inuu u wareego Qarankiisa Ghana maadaama uu xiligaas ka tirsanaa kaliyah Juunyarka Qaranka Talyaaniga Shukaansi aad u badana eey ka daba wadeen Maamulka Qaranka Ghana: Halkaan ka Daawo Goolashiisa kuwii ugu wanaagsanaa >>> http://www.youtube.com/watch?v=m_InQ-UArto.
*** Dhanka kale kulamo ka tirsan is reebreebka Koobka Qaramada Yurub ee Euro-2112 ayaa la ciyaaray waxaana inta badan badiyey kooxaha waa weeyn sida > Italy oo 3-0 ku garaacday Qaranka Estonia : Halkaan ka Daawo http://www.youtube.com/watch?v=YR09mADtAmE.
Halkaan ka Daawo Belarusia oo Qaranka France 1-1 ku qabatay ka dib markii uu laacibka Fc Barcelona Eric Abidal si qalad ah Qarankiisa gool uga xareeyey, Waxaana u bareejeeyey France Laacibka Fc Chelsea Malouda : http://www.youtube.com/watch?v=3zFs2lzCA2o
Qaranka Germany wexeey si dirqi ah Aaqiru saacii ciyaarta 1-2 kaga soo badiyeen Xulka Austria waxaana labada gool u wada saxiixay Xiddiga Fc Bayern Mario Gomez: Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=TthawQ3zQ6U&NR=1 .
Kulamada ugu adag maanta wexeey dhex mari doonaan wadamada England Vs Switzerland iyo Portugal Vs Norway (Euro2012) halka kulamo Saaxiibtinimo oo Dhulka la isla dhici doono (Internationals - Friendly) eey dhex mari doonaan Qaramada Brazil Vs Holland iyo United States of America Vs Spain. Kulamadaan waxaa loogu magac daray Ciyaaro Saaxiibtinimo balse Saaxiibtinimo meesha ma taal oo kooxaha wexeey doonayaan ineey Cagaha iska tumaan !!
Fiiro Gaar ah: Is reeb reeka Koobka Qaramada Yurub marka la wada Ciyaaro ayaanu soo gudbin doonaa Sida eey kooxaha dalalka u kala koreeyaan. Sidoo kale Filo wax yar ka dib Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News iyo Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sportiga.