BAROORTIIQ EEY SAMEEYEEN JAALIYADA SOOMAALIYEED EE MAGAALADA HELSINKI EE CAASIMADA DALKA FINLAND AYAA WEXEEY NOQOTAY MID AAN LOO KALA HARIN:
Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Helsink ee dalka Finland ayaa baroortiiq aan loo kala harin u sameeyay dadkii lagu laayay dhacdadii 4-ta bishaan boqolaalka ruux lagu xasuuqay magaalada Muqdisho ka dib markii kooxda Al-Shabaab eey weerar ismiidaamin ah ku qaadeen Xarunta Hargaha iyo Saamaha ee Magaalada Muqdisho.
Soomaalida Finland ayaa si weyn u cambaareesay dhacdadaasi iyagoona wax laga xumaado ku tilmaamay in koox islaami ah ay weerar ku qaadaan shacab aan waxba galabsan, iyo ardey ka faa ideesan laheyd deeq wax barasho oo ay Mustaqbalka dalkooda wax ugu tari lahaayeen.
Waxa ay si cad u cambaareeyeen Xoogaga Al-Shabaab ee iyagu sheegtay Weerarkaasi, iyagoona sheegay in falkaasi uu ahaa mid arxan darro ah oo aysan qabin diinta islaamka qof damiir bini aadan ku jirana uu yahay mid uu ka xishoodo sheegashadiisa.
Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Caasimada Dalka Finland ee Helsink ayaa sheegay in ay gacan weyn ka geysan doonaan taageerida dadkii ku wax yeeloobay qaraxaasi ismiidaaminta ahaa ee dhacay 4-tii bishaan.
Wax garadkii ka hadlay Baroordiiqa loo sameeyay dadkii lagu laayay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay fureen Koonto lacag loogu aruurinayo dadkii dhaawac yada ka soo gaaray dhacdadaasi si markaasi wax looga qabto xaaladooda caafimaad.
Dhinaca kale Jaaliyada waxeey xuseen in eey gacan weyn ka geysan doonaan u gar gaarida dadka wali abaaraha ku heysta dhulka soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegeen in ay lacago deeq ah u aruurin doonaan.horna ay ugu uruuriyeen
Soomaalida ku dhaqan Magaalada helsink ee dalka Finland ayaa noqoneeysa Jaaliyadii ugu horeesay ee baroor diiq u sameeysa dadkii lagu laayay magaalada Muqdiso 4-tii bishaan, kuwaasi oo intooda badan ahaa ardey natiijooyinkooda imtixaan sugaayay.
Nadiifo Ali Shadoor.
Helsink - Finland.
shadoor143@hotmail.com