Taageerayaal 25.000 kor u dhaafay oo Cesc Fabregas soo dhaweeyey iyo Taageerayaashii Fc Arsenal oo Kalsoonidii kala laabtay,* Robin Van Persie oo loo magacaabay Kaptanka cusub ee The Gunners & War bixin dheer (Halkaan ka Daawo Telefishinka qaaska ah ee FC Barcelona oo Hees ku soo dhaweeyey Fabregas kana sheekeenaya ilaa yaraantiisii : Sixir dhanka Ciyaartooyda ah & Fc Barcelona maxaa kala heeysta) !! .
*** Taageerayaal 25.000 kor u dhaafay ayaa durbadiiba si wacan ugu soo dhaweeyey Garoonka kooxda Fc Barcelona kaptankii Kooxda Fc Arsenal Cesc Fabregas.Ciyaaryahan Fabrigas sahal kuma imaan kooxda Fc Barcelona wuxuuna ugaarsi qaatay mudo aad u fog ka dib ku yimid Fc Barcelona Adduun gaaraya 5 Milyan oo Pfund ah una dhiganta (5,71 Milyan oo Euro) .
" Waxaan xoogeena iyo Taladeena iskugu geeynay sidii aanu mar uun u keeni leheen Ciyaaryahan Cesc Fabregas Garoonka Camp Nou weeyna dhacday arintaas oo hada waxaa la iska doonayaa waa wax qabad iyo Koobab badan oo Taariikhda Fc Barcelona lagu soo biiriyo ayuu yiri Macalinka Catalonia Fc Barcelona Mr.Pep Guardiola.
Laacib Cesc Fabregas oo xiran doona Lambarkii uu jeclaa ee 4-aad-ka ayaa hadane wexeey balaayo ka taagan tahay booska uu ka Ciyaari lahaa oo Fc Barcelona eey Degeen Mintidiin Qadka dhexe qatar ku ah kuwaas oo lagu kala magacaabo Xavi Hernandez, Andres Iniesta iyo Jakatoore Sergio Busquets.
Taageerayaasha Fc Barcelona wexeey Laacib Cesc Fabregas ku soo dhaweeyeen Boorar eey ku qornaayeen hal ku dhigyo eey ka mid yihiin sidan : (Wiilkii naga dhumoow soo Dhawoow iyo Cesc Fabregas Nabad dib ugu soo laabo Gurigaaga Camp Nou ).
Taageerayaasha Fc Arsenal ayaa intooda badan wexeey Kalsoonidii eey u hayaan dhanka Taageeranimda kala laabteen Laacib Cesc Fabregas waxaana Home-Beejka taageerayaasha Fc Arsenal la soo dhigay Qoraalo eey ka mid yihiin sidan : (Qiyaanoole Fabrigas markii uu Qatar Fc Arsenal ku noqday ayuu Lacag naga doortay . Sidoo kale wexeey Taageerayaasha Jalbeeysan ee Fc Arsenal soo qoreen Qoraalkaan " Abaal ma lahan Funaanada Barca ayuu hoos ka watay wuxuuna ugu dambeeystii qaatay iyada ,,
Hadii dacaayada labada Taageerayaal laga soo tago waxaa iska cad in Laacib Cesc Fabregas uu kooxda Arsenal uga tagin Lacag oo kaliyah balse uu uga tagay Abaar koob la´aan ah maadaama Naadiga Fc Arsenal koob eey kor u qaadaan uu ugu dambeeyey 2004-kii Horyaalka England iyo 2005 oo eey qaadeen FA-Cup-ka.
Laacib Cesc Fabregas da´diisa waa 24 jir wuxuuna kooxda Arsenal u yimid 2003-kii isaga oo 16 sano jir ah.
Fabrigas mar uu arinkaan ka hadlayey waxa uu si aad ah u raali galiyey Taageerayaasha Fc Arsenal oo uu hawada u mariyey ineey wax walba yihiin wax qoran Laacib kastana koox kale u badalan karo isaga oo loo baahan yahay.
Gunners-Coach Arsene Wenger waa macalinka Fc Arsenal waxa uu yiri sidan " Waan la soconaa inaan weeynay Xiddig aad muhiim u ah, waxaanu nahay dhamaanteen oo dareemeenaa Murugo balse yaan la hilmaamin inaan wax kasta oo aan ku celin karno Fabregas isku daynay. Fabregas Fc Barcelona ayeey uga dhegneed oo saacad walba u gacan haadin jirtay anagana codsigiisa iyo Xornimadiisa ayaanu la tiigsanay ayuu yiri Arsenal Coach Mr.Arsene Wenger.
Ugu dambeentii Kaartada uu ciyaaray Macalinka Fc Arsenal iyo maamulka kooxdaas ayaa eheed mid sax ah maadaama Laacibka marba hadii uusan Lacag rabin una jeedo ama uga dhegto koox kale, waxaa wanaagsan in la iska fasaxo hadii kale buuq iyo is qab qabsi ayaa kooxda ka dhex bilaabanaya ilaa uu Fabrigas noqdo mid Ciyaartooyda ka soo horjeeda gacan ula tago mar kastana Rooso daris la noqdo si loo fasaxa ama la iskaga iibiyo sida eey sameeyaan inta badan Ciyaartooy badan oo caan ah.
Booskii uu baneeyey Laacib Cesc Fabregas ee dhanka Odaynimada ama Kaptanimada ayaa waxaa si buuxdo loogu wareejiyey Laacibka Qaranka Holland waa Ciyaaryahan Robin van Persie oo lagu wado inuu Calaamada soo xirto kulanka is reeb reebka koobka Champions-League ee beri dhex mari doona kooxda Udinese oo Horyaalka Talyaaniga ka socota iyo Fc Arsenal.
Fc Barcelona waa kooxda kaliyah ee Sixirta Laacibiinta Caalamka maxaa yeelay Xiddig kasta waxa uu ku riyoodaa ama ku hamiyaa inuu u ciyaaro koox uu la qeeybsan karo koobab fara badan taas ayaana u sahashay ineey Barca hesho Laacibkii eey isbaaro u dhigato !!
Halkaan ka Daawo Barca Tv oo hees ku soo dhaweeyey Fabregas ka dibna ka sheekeenaya ilaa yaraantiisii >>> http://www.youtube.com/watch?v=1mwMpjqB5ZU
Halkaan ka Daawo soo dhaweeyntii loo sameeyey Laacib Cesc Fabregas oo Fc Barcelona eey sixirtay http://www.youtube.com/watch?v=UtkO5cmsiXg .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com