Kooxaha Fc Barcelona iyo Fc Arsenal oo Daqiiqadihii ugu dambeeyey Bareejo looga naxsaday iyo Xiriirka Uefa oo soo bandhigay Qarashka loogu tala galay Champions League 2011/2012 (Faaqidaada Champion-ka).
Koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League oo dib u furmay ayaa Xiriirka kubada cagta ee Uefa wexeey soo bandhigeen Qarashka loogu tala galay xili Ciyaareedkaan 2011/2012. Xiriirka Yurub ee Uefa oo sanad kasta Champion-ka Miisaaniyad Lacag ah ugu deeqa ayaa markaan wexeey sanadkaan Liiska ku soo bandhigeen Adduun gaaraya:
751-Milyan oo Euro looguna tala galay xili Ciyaareedka Champions League 2011/2012 iyo 32-kooxood ee Koobkaan ka qeeyb galaysa oo biloowgii koobkaan gacanta ku dhigtay ama qaadatay koox kasta Adduun lagu sheegay 7,2-Milyan oo Euro halka koox kasta eey qaadan doonta kulanka ugu horeeya hadii eey badiso Lacag lagu sheegay 800.000 oo Euro.
Kulankii ugu adkaa ee Furitaanka Koobka Horyaalada Yurub wuxuu dhex maray kooxda difaacaneeysa koobkaan ee Fc Barcelona iyo kooxda Ac Milan oo ku wada jira Guruubka (H). Goolka waxaa ku hormartay Ac Milan oo biloowgii ilbiriqsigii ciyaarta (25-sek) uu Ac Milan u saxiixay weeraryahanka Reer Brazil Alexandre Rodrigues da Silva Pato.
Fc Barcelona oo weerar kulul ku heeysay Ac Milan waxaa qeeybtii hore ee Ciyaarta goolka Bareejada u saxiixay Ciyaaryahan Pedro Eliezer Rodríguez Ledesma Daqiiqadii 36-aad. Qeeybtii 2-aad ciyaarta markii la isku soo laabtay waxaa Daqiiqadii 50-aad Ac Milan goolkii 2-aad ka xareeyey Weeraryahan David Sanchez Villa oo dhaliyey gool Bilision ahaa.
Inta badan qeeybtii dambe ee Ciyaarta waxaa Difaac ku aruurtay kooxda Ac Milan waxaana fursado badan oo goolal lagu dhalin karay iska qasaarisay Fc Barcelona. Daqiiqadii 92-aad ee Ciyaarta kubad lagu bixiyey Eric Bilal Abidal oo Koorno noqotay waxaa Ac Milan Testo madax ah ugu saxiixay kana xareeyey Fc Barcelona oo fursado badan iska cuntay Ciyaaryahan Thiago Silva.
Barcelona Vs Ac Milan 2-2 ayaa la isku macsalaameeyey waxaana Ac Milan ka maqnaa Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic oo dhaawac dhanka Muruqa ah ku maqnaa iyo Ciyaartooyda kala ah PhilippeMexes & Gannaro Gattuso oo ganaaxyo hore ku wada maqnaa.
Kooxaha Borussia Dortmund Vs Arsenal oo kuwada jira Guruub (F) dhibcaha ayeey kala qeeybsadeen oo 1-1 ayaa lagu kala baxay.Fc Arsenal oo goolka ku hormartay waxaa u saxiixay Xiddiga reer Holland Rubin Van Persie daqiiqadii 42-aad balse waxaa Gool aad u qurux badnaa (Daqiiqadii 88-aad) Fc Arsenal ku bareejeeyey Xiddiga cusub ee Kooxaha Borussia Dortmund iyo Qaranka Croatia Perisic oo dhawaan eey ka soo iibsadeen kooxda Genk ee horyaalka Beljemka. Fc Arsenal waxaa dhaawac uga maqlaa laacibiinta kala ah Thomas Rosicky iyo Thomas Vermaelen. Isla guruubkaa (F) waxaa gurigeeda 0-1 looga soo badshay kooxda Olympiakos Piraeus ee horyaalka Giriiga waxaana garaacday Marseille oo France ah. Guruubka (E) kooxda Fc Chelsea wexeey dhulka la sintay oo 2-0 eey kaga badisay kooxda Bayer Leverkusen oo aan weli inta Taariiqda la ogyahay koox Ingiriis ah gurigeeda kaga soo badin. Bayer Leverkusen waxaa watay Kaptankooda Michael Ballack oo horay ugu soo ciyaaray Fc Chelsea. Goolasha Fc Chelsea waxaa u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Luiz (daqiiqadii 67-aad) iyo Ciyaaryahan Mata (Daqiiqadii 93-aad). Labada gool waxaa soo baasay ama soo dhigay Weeraryahan Fernando Torres. Isla guruubkaan (E) waxaa wada ciyaaray kooxaha Racing Genk oo Horyaalka Beljemka soo qaaday iyo Fc Valencia. Ciyaarta labadaan kooxood wexeey ku dhamaatay 0-0. Guruubka . Guruubka (G) waxaa wada ciyaaray kooxaha kala ah APOEL Nicosia oo Jasiirada Qubrus ka socotay iyo Zenit St. Petersburg oo horyaalka Russia ka socotay. Kulankaan waxaa 2-1 ku badisay APOEL Nicosia. Guruubkaan (G) Fc Porto oo heeysata horyaalka Portugal wexeey iyana 2-1 ku suul daartay kooxda Shakhtar Donetsk oo heeysta horyaalka dalka Ukrain. Kulamada maanta dhacaya ee koobka Champions League ayaa kooxaha wexeey isku arki doonaan sidan: Man City Vs Napoli. Villarreal vs Fc Bayern Munchen. Inter milan Vs Trabzonspor. Lille Vs CSKA Moscow. Fc Basel Vs Otelul Galati. Benfica Vs Man Utd. Ajax Amsterdam Vs Lyon. Dinamo Zagreb Vs Real Madrid. FIIRO GAAR AH : Kooxda Manchester Utd waxaa ka maqnaan doona Difaacooda Rio Ferdinand sidoo kale kooxda Real Madrid waxaa iyagana ka maqnaan doona Xiddigooda qadka dhexe Ricardo Kaka. Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com