Barca oo Gacan ku heeynta La Liga la Wareegtay, Real oo godkii Naarta isku dhex yaacday, C.Ronaldo & Morinho oo wareeysigii Sky-Sport ka dhuuntay iyo Saadashii xiriiriye oo lagu kala haaday. ( Halkaan ka Daawo Ciyaart & Jilaafooyinkii la isku qaaday)
Ciyaartii EL Clasico ee dhex martay kooxaha waa weeyn ee Fc Barcelona Vs Real Madrid ayaa waxa eey noqotay sidii la filaayey mid saadaasheeda cid ka sii faaloota la heli waayo.
Ciyaartaan oo aad u xiiso badneed ayaa waxaanu halkaan idinkugu soo koobeeynaa Mucjisooyinkii ugu yaabka badnaa ee dhex maray Ciyaartooyda labada koox oo aad isku wada yaqaanay ama Saaxiibo u ahaan jiray.
Ciyaartaan oo ku dhaaatay 5-0 oo eey ku badisay Fc Barcelona ayaa waxaa qeeybteedii hore lagu kala nastay 2-0 waxaana labadaas gool u kala saxiixay kooxda Barcelona Xavi Hernandez & Pedro Rodriguez.
Qeeybtii 2-aad ayaa waxaa kooxda Real Madrid oo si weeyn iskugu dhex yaacday boob siiyey David Villa oo 2-gool oo xiriir ah ka dhaliyey daqiiqadihii 55-aad & 58-aad waxaana goolka 5-aad sii raacsaday Jeffren Suarez.
Ciyaartaan ayaa waxaa is bar bar socday baasas qurxoon iyo Jilaafooyin mararka qaar isku badalaayey Dagaal iyo qash qashaad waxaana guud ahaan la dhiibay 12-Jaale iyo hal Rooso oo la qabad siiyey Difaaca kooxda Real Madrid iyo Qaranka Spain Sergio Ramos oo Ciyaarta Jilaafo raaxada uga qaaday lana Dagaalay saaxiibadiisa Qaranka Spain sida Carlos Puyol oo uu Rooso ku qaatay iyo David Villa oo uu Jaale ku qaatay. Laacib Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu si Live ah u kala tuuray Tababaraha kooxda Barcelona Josep Guardiola xili Kubad baxday uu ka soo daahiyey taas oo C.Ronaldo ka xanaajisay kuna qasabtay inuu kala tuuro Pep Guardiola.
Leo Messi ayaa isna waxa uu isku dayey dhoor jeer ineey Rooso ku qaataan Ciyaartooyda ama Difaaca kooxda Real Madrid sida Difaaca Qaranka Portugal Ricardo Carvalho oo Xusul qarsoon u dhiibay Messi waxaana laga yaabaa inuu Ganaax muteeysto.
Kooxda Real Madrid oo ciyaarta Qeeybtedii 2-aad la isku kuusay kana badin weeysay ineey kubada la gaarto Qadka dhexe ayaa waxaa ka bad baadyey in 5-0 wax ka badan looga badiyey Difaaca Qaranka Portugal Pepe oo ahaa ninka dhanka gadaale ee kooxda Real Madrid ugu wanaagsanaa dhuuntana u galay ciyaaryahan Messi.
Kooxda Barcelona ayaa waxaa Qadka dhexe ku baashaalay Xiddigaha loogu yeero Dhalooyinka dhexda ama Qarshooyinka dhexda ee Ciyaartooyda Qararamsato waa Andreas Iniesta iyo Xavi Hernandez, Xiddigahan ayaa waxa eey Cuna qabateen ku soo rogeen oo u diideen ineey Kubad qurxoon gaarto Cristiano Ronaldo & Karim Benzema. halkaan ka Daawo goolka Xavi sida uu u qurux badnaa : http://www.youtube.com/watch?v=vKotRkJyzbc.
Labadii Qiso ee ciyaarta ugu qosol badneed ayaa eheed markii Wariye ka tirsan Tv-ga caanka ah ee Skysport eey si wada jir ah uga dhuunteen Cristiano Ronaldo iyo Jose Morinho oo uu kula balansanaa marka eey ciyaarta dhamaato inuu wareeysi dheer iyo war bixin ka qaado. Wariyahaan ayaa si weeyn loogu jeeday isaga oo Makrofoonka ku raadinaayo Cristiano Ronaldo iyo jose Morinho oo ceeb darted uga dhuuntay Wareysiga. halkaan ka Daawo Ciyaarta oo Buuq iyo Dagaal laacibiin hore oo is Jeclaa ku dhamaatay sida Pique, Xavi & Puyol oo dhinac ah iyo Sergio Ramos oo xitaa Messi Qalay >> http://www.youtube.com/watch?v=rm8e2ML2p9M
Qisada labaad ayaa waxa eey eheed Cunug yar oo uu dhalay Xiddiga Barcelona Xavi Hernandez oo goolkii uu dhaliyey Aabihiis darteed iyada oo kor loo luxaayo uu ka dhacay Basaasada caruurta Afka loo geliyo waxaana dhacday in la maqli waayo ooyinta Cunugaas maadaama uu garoonka is qabsaday Buuq iyo sawaxan aad u daran. (Fiiri Sawirka kore)
Saadaashii uu www.xiriiriye.com u qaaday Akhristeyaasa cida badin doonto kulankaan EL Clasico ayaa waxaa la waayey cid saxdo maadaama Barcelona 5-0 ku badisay waxaana soo codeeysay oo Nasiib u yeelan weeysay 42-qof inkastoo Akhristihii ugu dhawaa oo Taageere Barceolona ahaa uu soo sheegay in Kooxda Barcelona ku badin doonto 8-0.