Kooxda Fc Barcelona oo 111 sano ka dib Funaanad magaca Xayeeysiinta World Cup Qatar 2022 ku ciyaari doonto iyo Kooxaha Man Utd. Real Madrid & Fc Bayern Munchen oo laga jabiyey Iskoorkii eey heeysteen ee dhanka Xayeeysiinta Lacagta ahaa.
Kooxda Kubada cagta ee (Catalonia) Fc Barcelona oo aanan looga baran Taariikhda ineey Xabadka ku dhegsato Xayeeysiinta qalabka kala duwan ee Shirkadaha marka laga reebo Funaanada Hay´ada caruurta Qaramada midoobay ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNICEF ayaa wexeey Qandaraas toos ah oo heshiiskiisa Qalinka lagu duugay la gashay Xiriirka kubada cagta ee Qatar Foundation .
Fc Barcelona oo 111-sanadood aan wax Xayeeysiin ah qandaraas ku qaadan ama gor gortan la gelin marka laga reebo Funaanada Caruurta Qaramada midoobay ee UNICESF oo eey sanadkii 2006-dii gashteen markii ugu horeeysay una xareeyeen ama ugu deeqeeyn Caruurta dhibaateeysan ee Dunida daadsan Sanad kasta lacag lagu sheegay Adduun gaaraya 1,5 Milyan oo Euro.
Qatar Football Association (QFA) iyo Kooxda FC Barcelona ayaa heshiiskooda waxa uu ku kucayaa Adduun gaaraya 165-ilaa 170-Milyan oo Euro waxaana Sanad kaste eey kooxda Barcelona Cash u heli doontaa Lacag dhan 30-Milyan oo Euro. Kooxda Barcelona ayaa Record-kii ama Iskoorkii Lacagta ka jebisay kooxo badan oo Suuqa Xayeeysiinta mudo badan Xaaraan ku heeystay kana dhargay lacago badan sida kooxaha Man Utd & Real Madrid oo eey u soo xarooto sanad kasta Aduun lagu sheegay 23 iyo 24 Milyan oo Euro mid kiiba.
Kooxda iyada heeysata Koobka iyo Horyaalka dalka Germany ee Fc Bayern Munchen ayaa sanad kasta waxa eey Shirkada Deutsche-Telekom ka xalaaleeysatay Adduun gaaraayo 27,5-Milyan oo Euro. Heshiiska cusub ee Qatar 2022 ayaa waxaa kooxda Barcelona Qalinka ugu duugay Ku xigeenka ninka ugu sareeyo kooxda Barca waa Boss-Javier Faus halka uu Qatar dhankooda uu u saxiixay Maalqabeenka weeyn ee lagu magacaabo Amiir Hamad bin Chalifa Al Thani.
Kooxda Fc Barcelona ayaa Lacagtaan tirada badan wexeey ka saacidi doontaa meelo iyo Dul duleelo badan maadaama sanadkaan oo kaliyah (2010) eey qasaartay 77-Milyan oo euro in kastoo sanadkii kan ka horeeyey ee 2009-kii oo eey qaaday Koobabkii ebid ugu badnaa ee Taariikhda kooxda ayaa xiligaas waxaa u soo xarootay Lacag aad u fara badan oo dhan kasta uga timid sida Tv-yada Caalamka iwm.
DHANKA KALE KULAMADA HORYAALKA SPAIN EE LA LIGA AYAA ISBUUCAAN WAXA UU U DHICI DOONAA QAABKAAN