 |
|
 |
barca |
 |

FC Barcelona : Naadi si weeyn u soo Gacan qabtay Laacibiinta kala ah Cesc Fabrigas & Lionel Messi, Taariikh Yaab badan qaabka eey ku soo gaareen kooxda ! (Halkaan ka Daawo iyaga oo Ciyaal yar yar ah iyo Barcelona oo u Hagar baxday) Akhristoow waxaanu Maanta halkaan idinkugu heeynaa Taariikh kooban oo ku saabsan Laacibiinta kala ah Cesc Fabrigas iyo Lionel Messi Maadaama Aqristayaashii ugu badnaa eey naga soo codsadeenTaariikhdii & Qaabkii eey Labadaan Laacib ku yimaadaan Kooxda FC Barcelona iyo sida uu waagaas Muqaalkooda guud ahaa. Ugu horeeyntii Kooxda Barcelona waa Warshad soo saarta Ciyaartooyda Tayada wanaagsan ee Qaarada Yurub magaca weeyn ku leh. Xerada ama meesha eey Kooxda Barcelona ku tababarto Laacibiinta yar yar ma ahan Garoonkeeda weeyn ee Camp Nou ee waa Xero aad u weeyn oo lagu magacaabo La Masia. La Masia waaa xero aad u da´a weeyn oo eey degnaan Jireen Boqortooydii loo aqoon jiray (Katalane ama sida qaar dadka eey u yaqaanaan Katalonia) waxaana dhismaheeda lagu sheegay 1702 in la dhisay. Kooxada Barcelona ayaa la wareegtay 1979 Xerada Tababarka Ciyaartooyda ee La Masia waxaana Xeradaan dhexdeeda ku dhex yaal 24 Garoon oo yar yar iyo waa weeyba iskugu jira, waxaa kaloo La Masia ku dhex yaal Meelaha lagu dabaasho, Meelaha Habeenkii Ciyaartooyda eey ku caweeyaan , 6-Farmashiye oo Caalami ah weliba kala qaabilsan dhaawacyada Madaxa, Jilibka, Lugaha & Gacamaha. La Masia waxaa Macalimiin ka ah oo soo saarta Ciyaartooyda 12-Tababare oo Caalami ah balse waxaa Madax u ah oo eey wada hoos yimaadaan Wiil uu dhalay Laacibkii hore ee fc Barcelona J.Cruyff oo lagu magacaabo Jordi Cruyff . Xerada Kubada Cagta ee Le Masia waxaa ilaa iyo hada ka soo baxday oo Laacibiin Caalami ah noqday in ka badan 60-Ciyaartooy waxaana ka mid ah Tababaraha hada heeysta Kooxda Fc Barcelona Josep Guardiola , Xavi, Iniesta,Messi, Fabrigas, Pepe Reina, Bojan Krkic, Giovani dos Santos. Carles Puyol,Puque iyo Laacibiin kale o aad u fara badan sida Ivan de la Pena. Le Masia ayaa Dalka Spain iyo inta badan Ciyaartooyda ugu yeeraan ama u yaqaanan sidan : El caos oo eey ula jeedaan Wareerkii & isku dhex yaacii. Lionel Andrés Messi : waxa uu ku dhashay 24-Juun 1987 Magaalada Rosario ee Dalka Argentina. Waxaa agaalada Barcelona keenay Abihiis Andreas oo sheegay in Argentina uu uga soo cararay Shaqo laan ku dhacday iyo Xaaskiisa oo kula talisay in Wadamada Yurub uu shaqo ka raadsado . Aabaha Messi Andreas ayaa xiligii uu u soo guuray Spain waxa uu horay ka geeyey Tababarka & Diiwaan gelinta Fc Barrcelona Lionel Messi oo lagu Naaneyso Leo wexeeyna eheed xiligaas sankakii 2000-kii. Francesc Fŕbregas Soler: waxa uu ku dhashay 4-tii May 1987 Magaalada Arneys de Mar ee Wadanka Spain. Kooxda Barcelona waxaa keenay Awoowgiis Soler oo lahaa Garoomo badan oo lagu dheelo Ciyaarta tenniska. Cesc Fabrigas waxaa inta Badan dalka Spain looga yaqaan ama lagu Naaneeysaa Cesi waxaana markii ugu horeeysay ee Kooxda Barcelona la keenay uu ahaa Ciyaalka soo Qabta kubada marka eey baxdo ama kuwa buufiyo oo aaryeeyo maalin kasta kubado aad u fara badan. Ugu dambeentii Akhristoow Lionel Messi waxa uu sheegay oo in badan ku cel celiyey inuu Fc Barcelona meelna uga socon oo uu ku ag dhiman doono. Cesc Fabrigas waxaa ku dhegtay oo Xanjo camal iskaga laad laadisay isaga oo dhoor jeer raba inuu Barcelona u wareego Kooxda Arsenal. Arsenal ayaa Cod eey u qaaday in Cesc Fabrigas laga iibiyo Kooxda Barcelona oo asal iyada iska leheed ayaa waxaa taas ku gacan seeyray oo 88% Nooo/Maya u codeeysay Taageerayaasha Naadiga Arsenal ee Dunida dacaladeeda jooga kuwaas oo doonayey in aan sahal lagu iibin Laacib Fabrigas. Cesc Fabrigas ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay Ciyaaryahan Xariif ah maxaa yeelay waa Laacibka kaliyey ee ka keensaday Waji wanaagsan Taageerayasha Arsenal iyo kuwa Barcelona oo uu sheegay inuu wada Jecel yahay eeyna yihiin Gacantiisa Midig iyo tan Bidix. Halkaan ka Daawo Xariif Cesk Fabrigas xiligii uu ciyaalka ahaa ee Barcelona soo gacan qabatay : http://www.youtube.com/watch?v=-GSyDNM79CQ&NR=1 Halkaan Ka Daawo Leo Messi oo 14-Sano Jir ah: http://www.youtube.com/watch?v=74IQj_SuWNo&feature=related Halkaan ka Daawo Andreas Iniesta oo 14-sano jir ah wacdarana ka dhigaya Xerada Le masia : http://www.youtube.com/watch?v=3K4Q3CtHcfg&feature=related Halkaan ka Daawo qaabka Xerada Le Masia iyo Puyol oo 17-jir ah wareysi uu xiligaas bixiyey : http://www.youtube.com/watch?v=KWK4GCq9ZDo&feature=player_embedded Halkaan ka Daawo Markuu Messi wacdaraha la soo baxay iyaga isaga oo isla markiiba caan noqday waxaana uu ilaa iyo hada u mahad celiyaa Macalinkii hore ee Fc Barcelona Frank Rijkaard oo hada tababare u ah kooxda Galatasaray Istabul ee Cariga Turkiga : http://www.youtube.com/watch?v=f5k2MaJCsMk&feature=related Halkaan ka daawo Leo Messi oo 3-sano jir ah : http://www.youtube.com/watch?v=ujymigyjVqA&feature=related Halkaan ka Daawo Waagii Gaajada ee Leonel Messi iyo Aabihiis Argentina iyo Magaalada Rosario ku sugnaayeen: http://www.youtube.com/watch?v=9DWZ0fD64Uk&feature=related DHANKA KALE WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WAXA EEY SHEEGAYAAN IN IS REEB REEBKA KOOBKA QARAMADS YURUB EE 2012 KULAMO KA TIRSAN OO LA CIYAARAY XULKA RUSSIA 0-1 GURIGOODA EEY UGA BADISAY SLOVAKIA HALKA TURKIGA CIYAAR KULUL OO KA DHACDAY ISTANBUL 3-2 KU QARARAMSADEEN QARANKA BILJEMKA. KULAMADAAS OO VIDEO AH FILO XILI KASTA ! Filo Goor dhaw warar kale oo aad u xiiso badan: !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! By: Omar Ali Omar (Omar Sii Sii ) Xiriiriyaha sportiga http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|