Yaab iyo kala carar ka taagan dalka Liibiya ka dib markii ay soo laba kacleeyeen Xoogagii Marxuum Qadaafi oo magac Qabiil la soo baxay (Daawo Muuqaal+Warbixin)
Dalka Liibiya waxa uu faraha la galay Dagaalo sokeeyo oo ahli ah weliba ka darnaan doona kuwii ka dhici jiray Dunida gaar ahaan dalka Somalia maadaama Hub casri ah la kala qarsaday. Dhamaadkii bishii Oktoobar sanadkii tagay ee 2011 ayeey eheed markii magaalada Sirte lagu toogtay Hogaamiyihii dalka Liibiya Marxuum Muamar Al-Qadaafi.
Intaas wixii ka dambeeyey waxaa la weeysanaa halkii ay jaan iyo cirib dhigeen Ciidamadii Komaandooska ahaa ee u Dagaalami jiray Marxuum Qadaafi gaar ahaan kuwii Qabiilkiisa ka tirsanaa ee ka Dagaalami jiray labada magaalo ee Bani Waalid iyo Sirte.
In ka badan 20 Kun oo Milatarigii Marxuum Qadaafi ah ayaa dhuumasho ku jiray kuwaas oo Hubkii xooganaa ka dhigay wax ay kala fur furmeen iyo qaar kale oo ay iminka u qeeybiyeen Qabaai´lkii uu ka soo jeeday Marxuum Muamar Al-Qadaafi.
Magaalooyinka ay ku xoogan yihiin Taageerayaasha Marxuum Qadaafi iska daayee waxeey maalmahaan dambe xitaa Weeraro yaab badan ka geeysteen Magaalada Bengasi oo xarun u ah Mucaaradkii riday Marxuum Qadaafi. Shalay iyo maanta oo kaliyah 15 ka tirsan Maleeshiyaadkii riday Marxuum Qadaafi ayaa lagu toogtay Caasimada Tripoli iyo Magaalo xeebeedka lagu magacaabo Bani Walid oo guud ahaan laga soo saaray maleeshiyaadkii Qadaafi xukunka ka tuuray.
Arinta Warbaahinta Caalamka ka yaabsatay waxeey tahay Magaalooyin iyo Tuulooyin aad u fara badan ayaa waxaa lagu arkay Tikniko cusub oo saaran Gawaarida loo yaqaan Zuuga iyo Shilkaha waxaana sidoo kale ka dul babanayey Calankii Cagaarka ahaa ee lagu yaqaanay Xukuumadii Col. Muamar Al-Qadaafi.
Kaartada cusub oo ay markaan la soo baxeen Xoogaga Qadaafi waa mid Qabiil dabada la galay waxeeyna u dagaalamayaan qaabkii lagula dagaalamay kaas oo ahaa (Rebellen) Jabhadeeys iyo Afaaro Qabiil. Xukuumada cusub ee dalka Liibiya ayaa arintaan wax ka qaban weeysay maxaa yeelay Shacabka is Dilaya maalin walba oo xaafadaha isku dhex tooganaya waa Qabaa´ilo Hubkii dalka Liibiya uu gacanta u galay kuwaas oo qaar ay u aargudayaan Marxuum Qadaafi halka kuwo kale ay Taageero u yihiin Mucaaradkii xukunka ka tuuray Marxuum Qadaafi iyo Dawladiisii oo mudo dheer soo jirtay.
Magaalooyinka Dschabal Nafusa iyo Bani Walid waxaa si toos ah ula wareegay Maleeshiyaad la baxay (Gaddafi-Loyale) Qabiilkii Qadaafi. Hogaamiyaha cusub ee dalka Liibiya Mr.Mustafa Abdel Jaliil waxa uu maanta ka digay in Shacabka Liibiya qoorta la isku galiyo ka dibna isku laayaan Qabyaalad oo aan wax guul ah laga sal gaari doonin.Ugu dambeeyntii arinta dalka Liibiya ayaa u qaab eg tii dalka Ciraaq ama Halaagii ka dhacay dalka Somaliya oo kale.