(XIRIIRIYE & SOO ARUURINTA MUCJISOOYINKA CAALAMKA) : Qaddafi oo balaayo lagu dhigay lagana saaray Bani Walid iyo Dagaal lagu halaagsamay oo goobtaas ka dhacay (Halkaan ka Daawo Cadeenta sidii loo galay Xoogaga Qaddafi oo la Qiyaameeyey).
Waxaa markii ugu horeeysay Guul la taaban karo gaaray Ciidamada Maleeshiyaadka Mucaaradka dalka Liibiya oo mudo bil ka badan Xoogaga Qaddafi ka saari waayey Magaalooyinka Bani Walid iyo Sirte oo ah goobaha eey weli ku harsan yihiin Ciidamada Daacada u ah Ex-Madaxweeyne Muamar Al-Qaddafi.
Magaalada Bani Walid markaan wexeey si buuxdo gacanta ugu gashay Maleeshiyaadka Mucaaradka ka dib markii kaarto cusub loo degay Xoogaga Qaddafi oo laga soo galay Dhanka Xeebta ee Magaalada Bani Walid. Xoogaga Qaddafi weli kuma fakarin in Dhul-xeebeedka laga soo gelin karo Tikniko balse waxaa Tiknikadii Mucaaradka lagu soo xambaaray ilaa eey Bariga ka soo gaareen Qalab u sameeysan sida doomaha oo kale kaas oo waayihii hore lagu rari jiray Qudaarta dalka Liibiya.
Ugu dambeeyntii waxaa Magaalada Bani Waalid laga soo saaray Shacabkii halkaas ku go´doonsanaa wexeeyna inta badan Maleeshiyaadkii Bani Walid xoreeyey u dhaqaaqeen iyaga oo aan laheen dheg la qabto weliba Guusha isa siiyey dhanka Magaalada Sirte oo ah goobta weli laga saari la yahay Xoogaga Qaddaafi kuwooda Taagiyada ku hubeeysan.