Xiddiga Qaranka Wales Gareth Bale oo qaaday Laacibka Sanadke ee Horyalaka England, Maxaad kala socotaa Ciyaartooyda uu Cod bixinta kaga hormaray ?
Xiddiga Qaranka Wales & Kooxda Tottenham Gareth Frank Bale ayaa si buuxdo ugu guuleeystay Laacibka Sanadka ee Horyaalka England . Cod bixinta Ciyaaryahanka Sanadka ayaa waxaa Sanadkasta bixisa (PFA) Professional Footballers' Association , Divisional Award winners, Barclays Premier League.
Ciyaaryahan Gareth Frank Bale waxa uu Abaal marintaan qaaliga ah codad la qaaday kaga guuleeystay Ciyaartooyda kala ah Samir Nasri (Fc Arsenal) iyo Carlos Tevez (Man City) . Gareth Bale waxa uu noqonayaa Ciyaaryahankii 4-aad inta Taariikhda la ogyahay oo Abaal marintaan ku guuleeysta isaga oo u dhashay dalka Wales. Bale waxaa kaga horeeyey Abaal marintaan oo ka yimid dalka Wales Ciyaartooyda kala ah Xiddiga kooxda Man Utd Ryan Giggs, Ex-Players Ian Rush iyo Mark Hughes.
Laacib Gareth Frank Bale waxa uu ku dhashay 16-kii bishii Juulaay sanadkii 1989-kii Magaalada Cardiff ee dalka Wales.
Ciyaaryahan Gareth Bale waa Xiddig orad badan waxaana looga yaqaanaa ama Horyaalka Ingiriiska lagu naaneesaa (Shimbirtii Baalaha). Gareth Frank Bale wuxuu kooxda uu hada u ciyaaro ee Tottenham ku soo biiray sanadkii 2007-dii wuxuuna horay uga tirsanaan jiray oo laga soo iibsaday kooxda Southampton. Kooxaha Sanadkaan Feelka u soo galay sidii eey kula wareegi lahaayeen Xiddigaan da´da yar ayaa waxaa ka mid ah Fc Barcelona, Man Utd, Fc Chelsea, Inter Milan & Real madrid.
Gareth Frank Bale waa Xiddig inta badan Tababarayaasha ka soo hor jeeda ka yaabsada maxaa yeelay waxa uu ka ciyaari karaa Difaaca ama Qadka Dhexe taas oo dhibaato weeyn ku noqota sidii Xiddig kale loo daba dhigi lahaa.
Dhanka kale Xiriirka PFA Professional Footballers' Association (Divisional Award) wexeey Xiddigii ugu wanaagsanaa dhanka Laacibiinta yar yar ee Sanadkaan farta ka saareen Ciyaaryahanka kooxda Fc Arsenal Jack Wilshere oo 19-sano jir ah.
Filo goor dhaw qeeybtii 2-aad ee faaqidaada horyaalada iyo barnaamishka Layaab Sport oo maanta Qiso yaab badan xambaarsan.
Halkaan ka daawo Bale ilaa yaraan tiisii >>> http://www.youtube.com/watch?v=IAszW1-Cd-g .
Halkaan ka Daawo Bale Goolashiisa >>> http://www.youtube.com/watch?v=DX1jH4ox0bY
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
| | | | |