Gareth Bale oo Kooxo badan eey ugaarsi ku hayaan, Natiijadii Champions League iyo Faalo Kulamada caawa dhacaayo.
Xiddiga kooxda Tottenham iyo Qaranka Wales Gareth Frank Bale ayaa waxaa ugaarsi xoogan ugu jira dhamaan kooxaha ugu Tunka weeyn Qaarada yurub sida Real Madrid, Man Utd, Inter Milan, Bayer München iyo Fc Chelsea.
Xiddigaan oo bilihii ugu dambeeyey kacsanaa ayaa hada waxa uu si weeyn indhaha caalamka halmar soo jiitay kulankii Inter vs Tottenham oo ka dhacay dalka Talyaaniga kaas oo dhaliyey 3-gool oo xiriir ah ciyaar eey kooxda Inter Dirqi 4-3 kaga baxsatay kooxda Tottenham.
Ciyaartii xalay ayuu mar labaad garoonka iska dhex laafyooday isaga oo Baasas aad u qurxuun ku dhiibay kooxda Inter oo Tottenham 3-1 ku garaacday.
Waxaan shaki ku jirin in Laacib Gareth Frank Bale uu noqon doono xiddiga badali doona laacibka qaranka Wales ka duqoobay ee Ryan Giggs. Kooxda Tottenham ayaa goolasha eey Inter uga badisay waxaa u kala saxiixay ciyaartooyda kala ah Rafael Van Der Vaart, Peter Crouch , iyo Roman Pavlyuchenko. Goolka kooxda Inter ayaa waxaa u dhaliyey Samuel Eto´o. Kooxda Man Utd ayaa guriga kooxda Bursa Sport ee dalka Turkiga 0-3 uga soo badisay waxaana goolasha u kala saxiixay Fletcher,Obertan iyo Xiddiga cusub ee Bebe.
Kooxaha kale ayaa sidan isku qaabilay Bremen Vs Twente 0-2 Kopenhagen Vs Fc Barcelona 1-1 Goolka Barcelona Leo Messi ayaa dhaliyey. Benfica Vs Lyon 4-3- Hapoel Tel Aviv Vs Fc Schalke 0-0 Valencia Vs Rangers 3-0 Bursa Vs Man Utd 0-3 Rubin Vs Panathinaikos 0-0
Kulamada Caawa kan ugu adag oo hilafaha la isku qaadi doono ayaa waxa uu dhex mari doonaa Kooxaha Ac Milan Vs Real Madrid. Fc Chelsea Vs Spartak Moscow. Auxerre Vs Ajax. CFR Cluj Vs Bayern Munchen. Basel Vs AS Roma. Shakhtar Donetsk Vs Arsenal. Zilina Vs Marseille. Partizan Belgrade Vs Braga.