Nin Aduunyo Joogoow Maxaa Aragti kuu laaban' Waligaa ma Aragtay Tan oo kale?
Alexender Karpenko waa 35 sano jir a Macalin Luuqada Englishka ka dhigo iskuul ku yaalo magaalada Nizhny Novgrod oo ka tirsan dalka Russia .
Ninkaan ayaa waxa uu garka ku xiirtaa agabyo kala gadisan oo ay ka mid yihiin Badiilka,faaska,iyo kashawiito laakiin ma isticmalo wax Sakiin ama qalabka kale ee gar xiirka ah.
Elexander waxa uu sheegay in awoygiis uu ahaa Qabiir wax badan ka ogaa Dagaalkii Labaad ee Aduunka uuna sheegay nin kamkid ahaa Askartii Dagaalka ku jiray uu gar xiirka wax walbo uu helo u isticmaalayay.
Alexender ayaa wuxuu khabiir ku noqday maqas ku xiirasho markii uu 16 sano jir ahaa lakiin 20-ki sano ee la soo dhaafay Karpenko wuxuu isticmalayay Badiil,Midi Carbeed,iyo Masaar ama Faas sida dadka qarkii u yaqaanaan si uu ugu xiirto garkiisa.
Macilin waalan ayaa xasuusta in marki uu ku xiiranayo Badiil iyo Faas ay xaaskiisa ooyin qabsan jiratay iyadoo u maleen jirtay in uu is dilayo ilaa ay la qabsato ka dib sanado badan uu isticmaalayay.
Arday ka mid ah ardadiisa oo maqlay shekadiisa ayaa waydiistay in uu tusiyo sida loogu xiirto badiil lakiiin waa uu ka diiday isagoo sheegay in ay tahay xirfad qatar oo u baahan sanado baraatik ah.
Alexender Karpenko ayaa u sheegay warbaahinta in uu jacelyahay urta birta isla markaana uu xiiseeyo ku xiirasha fiiqa birta isagoo ku taabsinaya dhuuntiisa wuuxa intaa ku daray in uu ogyahay hadii uu sameeya wax yar oo qalad ah in nafsatiisa ay u dhamaanayso.