Maxaad kala socotaa Shem Davies oo u dhashay Britain ayaa waxa uu noqday Awoowaha ugu daŽda yar Caalamka, Imisa ayuu jiraa? (Halkaan ka Akhriso War bixinta Qooyskaan oo Tarjuman),* Telefishinada Caalamka oo guud ahaan Maalin kasta ka hadla Abaarta ka dilaacday Gobolo ka tirsan dalka Somalia iyo Wakaalada Wararka ee AFP & Amnesty International oo soo bandhigay Caruur yar yar oo Gaajo la ooynaya (Halkaan ka Daawo)
(XIRIIRIYE & SOO ARUURINTA MUCJISOOYINKA CAALAMKA)
Shem Davies waa wiil u dhashay dalka Britain wuxuuna hogaanka u qabtay Iskoorka Awoowaha ugu daŽda yar Dunida. Wiilkaan waa 29 jir oo kaliyah waxaana Awoowe inuu noqdo nasiib u siiyey ama sababtay Gabadhiisa oo lagu magacaabo Tia .
Gabadha Awoowaha ka dhigtay Shem Davies ee lagu magacaabo Tia waa 15 sano Jir wexeeyna hada dhashay Gabar loogu waqlalay Gracie.
Wiilka gabadhaan lagu magaaco Tia guursaday ama ka dhalay hada ilmaha waxaa isna lagu magacaabaa Jordan Williams waana 15-sano jir.
Cunugtaan yar ee Gracie oo ku dhalatay Isbitaalka Princess of Wales Hospital ee magaalada Bridgend waxaa xiligii eey dhalaneeysay Isbitaalka soo xaadiray Awoowgeed Shem Davies oo 29 jir ah iyo Ayeeyaydeed Ex Xaskii hore ee Shem Davies oo iyana lagu magacaabo Kelly John waana 30 sano jir.
Awoowahaan daŽda yar Mr.Shem Davies iyo reerkiisa oo hada ka dhamaan la qaabilaada Saxaafada Caalamka waxa uu sheegay inuu si weeyn ugu faraxsan yahay Iskoorkaan cusub ee uu Hogaanka u qabtay.
Cadeenta War bixintaan oo Of English ah Halkaan ka Aqriso http://www.dailymail.co.uk/news/article-2020801/Britains-youngest-grandparents-Shem-Davies-granddad-29-Kelly-John-granny-30.html :
Telefishinada Caalamka oo guud ahaan Maalin kasta ka hadla Abaarta ka dilaacday Gobolo ka tirsan dalka Somalia iyo Wakaalada Wararka ee AFP & Amnesty International oo soo bandhigay Caruur yar yar oo Gaajo la ooynaya .
Dalalka Caalamka gaar ahaan kuwooda dhaqaalaha bixiya ayaa mudo aad u fog wexeey iska iloobeen ama dhabarka u jeediyeen Dhibaatooyinka aan dhamaan ee markasta Wajiga cusub la soo baxaayey ee ka taagnaa dalka Somalia.
Wadamada Dhaqaalaha bixiya ayaa intooda badan Xaalada dalka Soomaaliya ka taagan ku tilmaamay mid u dhiganta sidii Filim aan dhamaan oo maalin kasta Waji cusub oo wax doon iyo Qandaraas cusub la soo baxaayey.
Xaaladii eey ka qeeyliyeen Dalalka Deeqaha bixiya ayaa hada moodaa ineey sheekada sidii hore ka badalan tahay oo run ahaantii eey jirto Dhibaato xoogan oo soo gaartay Dadkii iyo Duunyadii eey Abaarahaan Dilaaga ah ku reebeen.
Inta badan Telefishinada Caalamka oo Xaalada Soomaaliya ineey ka hadlaan mar hore ugu dambeeyey ayaa maalmihii ugu dambeeyey wexeey bilaabeen in afka eeysan ka qaadin xaalada dalka Somalia ka taagan taas oo durbadiiba soo da dajisay in la helo Caawinaad la la soo daahay iyo gar gaar eey soo abaabuleen HayŽado dhoor ah.
Mucjisada ugu weeyn ee laga hayo Afka Saxaafada ugu caansan Dunida ayaa wexeey tahay suŽaashaan : Qolooyinka Somalia isku dagaalaya miyaaneey u nixin Shacabkooda Gaajada u dhimanaya mise Dagaaladaas ayeeyba wax ku helaan oo Qandaraas ah??
Halkaan Daawo AFP & Amnesty International oo soo daayey Caruur Gaajo u Ooyneeyso http://www.youtube.com/watch?v=vnE9yKBRiao