Samuel Eto o oo loo soo celiyey Gaarigii laga xaday dhoor bil ka dib, Raul oo Real ka tagay, Chelsea oo uga horeysa Barcelona & Bayern la soo wareegida Laacib Ramires ( iyo wararkii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda)
Laacibka Kubada cagta ee Kooxda Inter & Xulka Qaranka Cameroon ayaa waxa uu aad ugu mahad celiyey Booliska wadanka Hungariya oo si wanaagsan ugu guuleeystay soo celinta Gaari Qaali ah oo nuuciisu yahay BENTLEY oo bishhii maarso ee sand-kaan laga xaday ciyaar yahan Marko Arnautovic oo xiligaas Inter u ciyaarayey balse hada ku biiray Kooxda kubada cagta Bremen ee Horyaalka Germany.
Eto o ayaa ka samray Gaarigaan oo waxa uu yiri :waan ka xishooday inaan weey diiyo qiimaha Gaarigaan saaxiibkeey oo laga xaday balse hada waxaa soo qabtay oo shaqadooda gutay Ciidamada Booliska oo taas ku mahadsan ayuu yiri Samuel Eto o oo aad u dhoola cadeenayey.
****** KOOXAHA UGU TUNKA WAA WEEYN EE QAARADA YURUB SIDA FC CHELSEA , FC BARCELONA, IYO FC BAYERN MÜNCHEN AYAA ISKU HEEYSTA XIDDIGA KOOXDA BENFICA & QARANKA BRAZIL RAMIRES*****
Kooxda Chelsea ayaa ka goan ineey la soo wareegto Laacib Ramires oo eey ku horeeyso la soo wareegidiisa in kastoo Barcelona iyo Bayern München eeysan ka daalin Rajada eey iyagana u qabaan Ramires oo Kooxda Benfica u safta.
Chelsea ayaa 24 Milyan oo Euro u taagan Ramires balse Benfica ayaa dooneysa 30 Milyan oo euro wexeyna u badan tahay ineey Chelsea soo xero gelin doonto Ciyaar yahankaan.
***** Dhanka kale Kooxda Schalke ee Dalka Germany ayaa 12-milyan kula soo wareegtay Laacib Raul oo Xili ciyaareedka soo socda ka doortay inuu Real ka tago intii Kursiga keeydka lagu ceebeyn lahaa isagoo u jeedo kooxo waa weyn oo isbuuc kasta uu Golal qurxoon u dhalin karo****
****** Kooxda LIVERPOOL ayaa ku dooneeyso 9-Milyan oo Euro Ciyaar yahan Wayne Bridge oo dhanka bidix ee difaaca uga ciyaara Kooxda Manchester City. Liverpool ayaa aad u dooneyso Ciyaa yahan kaan oo Man city beec ka ah balse uu ku dhegan yahay Macalin Mancini.
Tababaraha Man City Roberto Mancini ayaa dhanka kale waxa uu doonayaa Ciyaartooy aad u fara badan in uu xili ciyaareed-kaan ku soo aruuriyo Kooxda Man City sida London Donavan oo USA u safta.
: Filo goor dhaw Wararkii ugu dambeeyey ee Suuqa kala iibsiga Ciyaartooyda oo heerkii ugu sareeyey gaaray ! :
BY: Omar Ali Omar
Xiriiriyaha sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarjuva9@hotmail.com