Joornaaliistayaal caan ah oo ka soo shaqeeyey dalalka Ciraaq & Afghanistaan oo maalmihii ugu dambeeyey ku soo qul qulaya Magaalada Muqdisho (Waa maxay Sababta? ,* Xiriiriye iyo mucjisooyinka Caalamka: Sucuudiga & Kuweit oo Safaaradihii ka qaatay Syria iyo Madaxweyne Assad oo Dilaa isku badali raba Halkaan ka Daawo)
Joornaaliistayaasha ugu caansan Telefishinada iyo Jaraaidyada Caalamka ayaa maalmihii ugu dambeeyey wexeey si weeyn oo kala joogsi laheeyn ugu soo qul qulayeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Wariyaashaan ayaa waxaa qaarkood la cadeeyey ineey ka yimaadeen dalalka Ciraaq iyo Afghanistaan oo eey Hawlo shaqo ku joogi jireen.
Wariyaashaan ayaa intooda badan wexeey yihiin kuwo aan ka cabsan Aagaga dagaalka uu ka socdo wexeeyna Nafsadooda qatar ku galiyaan meelaha loo yaqaan Yoolka oo inta badan uu saaran yahay Shiishka ama Liifka.
Joornaaliistayaashaan ku soo qul qulaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay ineey doonayaan in aan looga hor marin Warar ka cusub iyo Isbadalka eey gashay magaalada Muqdisho kaas oo ah hal gacan. Waxaa sidoo kale la sheegay in qaar ka tirsan Wariyaashaan eey doonayaan ineey Caalamka u gudbiyaan Sawiro Muujinaya Macaluusha iyo Abaaraha ka taagan Gobolo ka tirsan dalka Somalia.
*** Wadamada Sucuudiga iyo Kuweit oo Safaaradihii ka qaatay dalka Syria iyo Madaxweeyne Bashar al-Assad oo Lacagtii u taalay Bangiyada Yurub laga xayiray marka laga reebo Turkiga. Waxaa heerkii ugu sareeysay gaaray cadaadiska eey Caalamka ku hayaan Madaxweeynaha dalka Syria Mr.Bashar al-Assad oo lagu eedeeyey in uu xasuuqay in ka badan Labo kun oo qof oo ahaa dad ku kacsanaa sii joogitaankiisa Madaxtinimada dalka Syria.
Dhamaan wadamada Yurub gaar ahaan Dalalkii eey Mr.Assad Saaxiibka dhaw ahaayeen ayaa wexeey xanibeen ama saareen Block Lacago u yaalay dalalkaas waxaana la sheegay inuusan qaadan karin Madaxweeyne Bashar al-Assad lacagahaas arimo jiro awgood.
Inta badan dalalka Caalamka oo Mr.Assad xiriirkii Saaxiibtinimo ka goostay ayaa waxaa weli aan ka rajo dhigin xaalada dalkaas balse digniintii ugu dambeeysay u soo jeediyey R/wasaaraha dalka Turkiga Mr.R.Dayip Edogan.
Wadamada Saudi Arabia iyo Kuweit oo aad dhanka xiriirka iskugu wanaagsanaa wexeey ku dhawaaqeen ineey Safaaradihii dalalkaas eey ku lahaayeen Syria dib ugu yeerteen maadaama Madaxweeyne Bashar Al Assad uu weli ka bixi la yahay Hanjabaad ku socota Shacabkiisa.
Shalay ayeey eheed markii uu Madaxweeyne Assad yiri "waan sii wadayaa Dagaalka iyo Duqeeynta inta dadka qaarkiis Foowdada igu wadaan kii rabo inaan Jago ka degana waa inuu Doorasho soo maraa hadii kale Qarbudaada weey sii socon doontaa ilaa waqti aad u fog.
Halkaan ka Daawo Qarbudaada Syria iyo Digniintii ugu dambeeysay ee Turkigu u diray Mr.Assad http://www.youtube.com/watch?v=f07woMBagwA