Jaraaidka is Qariya ee Taageera kooxda Fc Barcelona oo bilaabay faan dad badan ka yaab saday, Mexeey keeneen markaan waa Yaabee? Qabiirada Sportiga ku taqsuustay oo arintaan ku kala qeeybsan !!!! (Nin Faanay waa Ri´is Nuugtay mise Sheekadu waa sax oo waxaa loo baahan yahay Rag iska dhiciya Xoogaga Barcelona? ) !!!!
Hadal heeynta ugu badan Telefishinada iyo Jaraaidyada Sportiga ee Caalamka wexeey noqotay Abaalmarinta Qaaliga ah ee Laacibka Sanadka 2011 Xiddiga qaadan doono ((FIFA Ballon d' Or 2011).
Dadka Neceb ama dhibsaday faf fakta faraha badan ee kooxda Fc Barcelona ma rabaan ineey arintaan ka hadlaan,maxaa yeelay wexeey qabaan oo ay leeyihiin Canaasiirta Barcelona u Ciyaarta ayaa qaadi doonto Abaalmarintaas oo waa wax iska cad.
Taageerayaasha Baaxada weeyn ee Taageera Laacib Cristiano Ronaldo weli isma dhiibin wexeeyna leeyihiin Habeenkaas wacdaro ayaa dhici doonto waxaana Xaflada ku dhex barooran doono Laacibiin badan oo FIFA Ballon d' Or 2011 u soo Labisatay.
Fikradahaan kala duwan oo halkaas taagan ayaa waxaa mid aad uga duwan wata Jaraaidyada is Qariya ee sida weeyn hoos uga Taageera kooxda Catalonia Fc Barcelona. Jaraidyadaan wexeey leeyihiin sidan " Tres De La Masia Candidatos Al Fifa Balon De Oro,, Sadexda ka soo baxday Xerada La Misia ayuu Tartanka FIFA Ballon d' Or 2011 ka dhaxeeya.
Xaqiraada taagan wexeey tahay Abaalmarintii Xiddiga Aduunka oo ay gadaal ka dhigeen Leo Messi, Andrea Iniesta iyo Xavi Hernandez wexeeyna leeyihiin maba jiro Xiddig kale oo isa soo ceebeeyn kara ama isku soo sharixi doono FIFA Ballon d' Or 2011. (Sawirka kore fiiri).
Faanka Jaraaidyada Taageera Fc Barcelona oo maalmahaan dambe dhanka Saxaafada Qaatu billaahi laga taagnaa hada wexeey keeneen Sheeko cusub oo ka yaabsatay Qabiirada Sportiga.
Wexeey Shalay iyo maanta Qoreen Qoraalo u qornaa sidan " Caalamka wuxuu ku Mashquulsan sanahay Fc Barcelona oo markii 2-aad iska daba qaadi doonto FIFA Ballon d' Or laakiin ma ogo Xiddigaha yar yar ee ka soo socda mar dhaw Xerada La Masia,,
Warkaan waa Hanjabaad cusub oo ku socda kooxaha waa weeyn ee Qaarada Yurub, maxaa yeelay Kooxaha kale Ciyaartooyda weey soo iibsadaan intooda badan laakiin kooxda Fc Barcelona inta badan 70% Xiddigaha u Ciyaara wexeey ka soo baxeen oo isku soo Kubad ama Banooni barteen Xerada LA MASIA oo ah goobta ay kooxda Fc Barcelona ka soo saarto Laacibiinteeda.
Ugu dambeeyntii Qabiirada Sportiga ku taqsuustay oo arintaan ku kala qeeybsamay ayaa wexeey qaarkood leeyihiin !!!! " Nin Faanay waa Ri´is Nuugtay mar dhaw Barca waa la Cirib tirayaa,, !!!! halka qaarka kale ee dhex dhexaadka ah ay Fikrad ahaan qabaan sidan !!!! Sheekadu waa sax oo waxaa loo baahan yahay Rag iska dhiciya Xoogaga Barcelona oo Suuqa ka saara hadii kale hadal badan haan ma buuxsho ) !!!!
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)!!