Ciyaaryahan Andrei Sergeyevich Arshavin oo Xaflada sanadka cusub kaligiis Dabaaldegi doono,* Waa maxay sababta? >> Ciyaartooy dambe oo Qamriga VODKAHA lagu Sarqaamiyo weey dhamaatay,* Arshavin oo markii ugu horeeysay Casumay Asxaabtiisa oo kaliyah (Akhri War bixinta By BILD SPORT) Jaraaidka Bild-Sport ayaa maanta Shaaciyey Maamulka kooxda Arsenal oo go´aan ka gaaray ineey mar kale dhici doonin Ceebtii dhacday Dabaaldegii Sanadkii la soo dhaafay (Happy New Year-ka) xiligaas oo qaar ka tirsan Laacibiinta Fc Arsenal ay sarqaan noqdeen (Tal-Alaalax).
Masuuliyadii iyo Dhibkii xiligaas dhacay ayaa waxaa dusha laga saaray Laacibka Qaranka Russia & Kooxda The Gunners Fc Arsenal Andrei Sergeyevich Arshavin oo Xafladii habeenkaas dhacday qaar ka tirsan Laacibiinta Fc Arsenal ku marti qaaday Qamriga Vodkaha loo yaqaan oo dalka Ruushka si daran looga isticmaalo. Xiddigihii Habeenkaas Alaalaxa noqday ee goobtaas laga soo qaaday ayaa waxa uu Bild Sport ku sheegay Tomas Rosicky Captains the Czech National Team,Weeraryahanka Qaranka Denmark Nicklas Bendtner oo hada amaah ugu safto kooxda Sunderland iyo Difaaca Qatarta ah ee Qaranka Beljemka waa Thomas Vermaelen . Xiddigahaan oo Qatar iska dhigay ayaa waxaa la sheegay Qamriga Vodkaha Ruushka ineey ku qaldeen Vodkaha ay Cabaan Ciyaartooyda Qaarada Yurub kaas oo aan wax sidaas ah dadka u maandoorin. Maamulka Fc Arsenal oo Free (Xor) ka dhigay Ciyaaryahan Andrei Sergeyevich Arshavin ayaa waxaa la sheegay inuu mar kale ku Casumay Habeenka Sanadka cusub (Happy New Year-ka) Vodkaha Ruushka Asxaab ay Laacibkaan Saaxiibo iyo Qaraabo dhaw yihiin balse goobta uu ku Dabaaldagaayo ma tagi doonaan loomana ogolo Ciyaartooyda & Laacibiinta The Gunners (Fc Arsenal). FIIRO GAAR AH: Laacibiinta kala ah Robin Van Persie, Theo James Walcott iyo Samir Nasri oo xiligaas u safan jiray Fc Arsenal ma lahan wax Balwad ah wuxuuna Jaraaidka sheegay markii ay Ciyaartooydaan Alaalaxa noqonayeen ineey Xiddigahaan Nadiifka ah ku mashquulsanaayeen Ciyaarista Geemka loo yaqaan Play Station-ka oo Aalaaba Laacibiinta u saxo qaabka looga siibto Xiddigaha ka soo horjeeda. >> OGEEYSIIS MID KA MID AH WARARKA BOGA HORE EE XIRIIRIYE.COM HADII UU KUU FURMI WAAYO SHAQO AYAA KU SOCOTO, ISKU DAY INAAD MAR KALE DIB UGA BOGATO (MAHADSANIDIIN BAHDA XIRIIRIYE.COM)
FILO WAX YAR KA DIB WARAR TOP AH OO HAWADA KU SOO JIRA !