Anazurri Inter Milan oo ku Raaxeeystay Rossoneri Ac Milan,*Juventus oo Bareejo lagu qabtay iyo Udinese oo la Ciribtiray,* Arsenal oo Washamsi lagu qaaday iyo Barcelona oo been been ku fakatay (Faaqidaada Horyaalada Qeeybtii 2-aad).
*** Kooxda Kubada Cagta ee Inter Milan ayaa Jawaab kulul ka bixisay Faankii ama hadalkii Macalinka Ac Milan Mr.Massimiliano Allegri oo horay u sheegay in loo bahan yahay xiligii ay Inter Dhibcaha iska sii diyaarin leheed.
Ac Milan The Rossoneri oo ku Ciyaareeysay Garoonkeeda San Siro waxaa 0-1 ku Qararamsatay Anazurri Inter Milan oo uu Gool u saxiixay Weeraryahanka Reer Argentina Diego Milito Daqiiqadii 54-aad. Waa guuldaradii ugu horeeysay oo dhabarka loo saaro kooxda Ac Milan oo aan weli laga badin 12-kulan oo Xiriir ah.
Dhanka Inter waa Guushii 6-aad oo Xiriir ah oo ay gaaraan Horyaalka Serie A-ga Talyaaniga wexeeyna halkaas ku soo xireen Guuldaradii ay kala kulmi jireen Macalin Massimiliano Allegri oo tan iyo markii uu u yimid Ac Milan Dhibcaha ka xayuubsan jiray kooxda Inter (3-kulan,dhamaan wuu tumay Inter, kii 4-aad waa la quusiyey Milan & Massimiliano Allegri).
Weeraryahan Diego Milito oo maalmahaan Tacbaan noqday Goolka uu ka Xareeyey Rossoneri Ac Milan waxaa qaladkiisa lahaa Ciyaaryahan Ignazio Abate. Kooxda Ac Milan Laacibiintii Fursadaha qaaliga ah ka qasaarisay waxaa laga xusi karaa Qeeylo-Quute Mark Van Bommel oo Birta ku dhuftay iyo Qoslaaye Robinho oo Daqiiqadii 84-aad Fursad qaali ah ka qasaariyey The Rossoneri (Ac milan).
Guuldarada loo huwiyey Ac Milan wexeey sababtay soo dhawaanshaha iyo Rajada Inter Milan oo maalmahaan Korantada ka dansaneed iyo kooxda Juventus oo kali ku noqotay hogaanka Serie A oo aan la ogeeyn cida qaadi doonta Xili Ciyaareedkaan.
*** Kooxda Juventus oo ku ciyaareeysay Gurigeeda waxaa Bareejo 1-1 ah ku qabatay kooxda Cagliari waxaana Goolka u saxiixay Juventus Daqiiqadii 7-aad weeraryahanka Reer Montenegro Mirko Vucinic. Juventus oo Fursado badan iska qasaarisay waxaa ugu darneed Fursad uu dhamaadkii ciyaarta iska cunay Laacib Milos Krasic oo Qaranka Serbia u safta.
Kooxda Udinese oo maalmahaan kacsaneed waxaa Cirib tirtay Genoa oo ay Goolal kala hormeen balse waxaa Udinese iyo Weeraryahankooda Antonio di Natale Goolashii ay ku hormareen loogu badalay 3-2.
*** Kulankii ugu yaabka badnaa Isbuucaan waxa uu ahaa kii dhex maray kooxaha Catania Vs As Roma oo uu Si La Yaab ah u qanaday Roob Cir iyo Dhul ka yimid xili ay Ciyaartaas mareeysay Daqiiqadii 65-aad oo Natiijaduna eheed 1-1.
KOOXAHA HORYAALKA TALYAANIGA ISBUUCAAN WEXEEY KU KALA BEXEEN QAABKAAN :
QANAD:
Catania
AS Roma
Qanad Roob
AXAD :
Lazio
Atalanta
2:0
Juventus
Cagliari
1:1
Genoa
Udinese
3:2
Fiorentina
Lecce
0:1
Chievo Verona
Palermo
1:0
Parma
Siena
3:1
Cesena
Novara
3:1
AC Milan
Inter Milan
0:1
ISNIIN :
Napoli
Bologna
20.45
HORYAALKA SERIE A WAXAA LOO KALA HOREEYAA QAABKAAN:
1.
Juventus
18
10
8
0
29:12
38
2.
AC Milan
18
11
4
3
37:17
37
3.
Udinese
18
10
5
3
26:13
35
4.
Lazio
18
9
6
3
26:17
33
5.
Inter Milan
18
10
2
6
28:19
32
6.
SSC Napoli
17
7
6
4
32:19
27
7.
AS Roma
17
8
3
6
23:19
27
8.
FC Genoa
18
7
3
8
22:29
24
9.
Chievo Verona
18
6
5
7
14:20
23
10.
Cagliari
18
5
7
6
16:18
22
11.
Catania
17
5
7
5
20:25
22
12.
FC Parma
18
6
4
8
24:32
22
13.
AC Fiorentina
18
5
6
7
18:16
21
14.
US Palermo
18
6
3
9
19:24
21
15.
Atalanta Bergamo
18
6
8
4
23:23
20
16.
AC Siena
18
4
6
8
18:19
18
17.
Bologna
17
5
3
9
16:24
18
18.
AC Cesena
18
4
3
11
12:25
15
19.
US Lecce
18
3
3
12
18:34
12
20.
Novara
18
2
6
10
18:35
12
*** Kulamo harsanaa Horyaalka Ingiriiska oo aanu horay uga faaloonay waxaa Washamsi lagu qaaday oo 3-2 looga badiyey kooxda The Gunners Fc Arsenal.
Arsenal waxaa 2-3 ku tuntay kooxda Swansea oo ay Goolasha u kala saxiixeen Scott Sinclair Rigoore Daqiiqadii 16-aad, Nathan Dyer Daqiiqadii 57-aad iyo Danny Graham Daqiiqadii 70-aad. Goolasha The Gunners Fc Arsenal waxaa dhankooda u kala dhaliyey Laacib Robin van Persie Daqiiqadii 5-aad iyo Theo Walcott Daqiiqadii 69-aad.
Kooxda Fc Arsenal Kulankaan waxaa aad uga muuqday daal aan horay looga baran waxaana Daqiiqadii 63-aad badal lagu keenay WeeraryahanThierry Henry oo kooxda aan ku soo kordhin waxa sidaas u weeyn.
*** Kooxda Newcastle Utd wexeey ka Inkaarsatay Macalin Mark Hughes oo kulankiisii ugu horeeyey ee uu Tababaro u noqdo Naadiga Queens Park Rangers ku iftaxday Guuldaro. Newcastle Utd oo 1-0 ku suul daartay Queens Park Rangers waxaa Goolkaas Agoonka ah u saxiixay Ciyaaryahan Leon Best .
*** Horyaalka La Liga waxaa Been Been ku fakatay kooxda Fc Barcelona oo Betis Sevilla Laf dhuun gashay ku noqotay. Barcelona oo 2 Gool ku hormartay waa u kala Saxiixay Laacibiinteeda kuwii isku heeystay ama Fiinaalaha isla yimid Albaalmarinta Xiddiga Aduunka waa Xavi Hernandez Daqiiqadii 10-aad iyo Lionel Messi Daqiiqadii 12-aad.
Intaas ka dib Sheekada la iskagama harin oo waxaa Boorka iska jaftay kana dhigtay Ciyaartii 2-2 kooxda Betis Sevilla oo ay Goolasha u kala dhaliyeen laacibiinta kala ah Ruben Castro Daqiiqadii 32-aad iyo Weeraryahan Roque Santa Cruz Daqiiqadii 52-aad.
Barcelona oo Nafta u yaaban wexeey Neefta ka soo fuqday markii Betis Sevilla Rooso laga laq-siiyey Ciyaaryahan Mario Alvarez Daqiiqadii 71-aad. Ugu dambeeyntii Fc Barcelona oo ka faaideeystay Roosadaas waxeey Betis Sevilla ku Saqiir suujisay 4-2. Labada Gool ee dambe waxaa Catalonia Fc Barcelona u kala saxiixay Xiddigaha kala ah Alexis Sanchez iyo Geele Gaaboow Leo Messi oo Dhamaadkii Ciyaarta Rigoore ku tuurtay.
Horyaalka La Liga horay ayaanu uga faaloonay waxaana 46-Dhibcood ku hogaamineeyso oo Fakan rabta kooxda Boqorada reer Yurub (Real Madrid), Catalonia Fc Barcelona oo ku soo xigta 41-Dhibcood ayeey leedahay.