La Yaab : Kooxda Arsenal ayaa kaalinta 1-aad ka gashay Qiimeeyntii uu sameeyey Skysport ee ku saabsaneed kooxda Sanadkaan Lacagtii ugu badneed eey u soo xaroortay, Xagee ka heleen Lacagtaas?
Kooxda kubada cagta ee The Gunners Club (Fc Arsenal) ayaa waxaa eey kaalinta 1-aad ka gashay Qiimeeynta uu Skysport dhamaadka Sanad kasta u qabto kooxdii ugu daqliga & Lacag soo xareenta badneed dhanka Ganacsiga Qalabka eey soo saarto.
Tv-ga Skysport oo si Live ah u soo daayey qaabkii eey kooxda Arsenal Malaayiin Euro uga heshay Qaaradaha Yurub, Asia, Africa, North America & South America oo eey dhamaan geeysay Qalab cusub oo casri ah sida Goyaasha Jiifka, Daahyada waa weeyn ee guryaha, Shukumaanada Qubeeyska, Qalabka lagu Goglo Sariiraha ee Laba nafarka ah iyo kuwo kale oo aad u fara badan.
Shirkadaha Qalabka Arsenal iibsaday ayaa dhankooda waxa eey sheegeen in eey Lacag badan ka heleen maadaama midabka uu ka sameeysnaa dharkaas uu dhamaan wada ahaa Sports taas ayaana u sabab eheed in lagu yaaco qalabkaan cusub oo xitaa Aroosyada eey iibsadaan.
Kooxda Arsenal ayaa guul midaan la mid ah waxaa ugu dambeeysay xiligii uu u ciyaari jiray Laacibkoodii hore Thierry Daniel Henry wixii intaas ka dambeeyayna waxaa isku dhii dhiibi jiray sanad kasta qiimeeyntaan Qiimaha badan kooxaha Man Utd iyo Real Madrid halka kooxaha Talyaaniga Sida Inter, Juventus, Ac Milan iyo Kooxda Barcelona eey safafka hore soo buuxin jireen.
Kaalinta 2-aad ayaa waxaa xoreesatay kooxda Real Madrid oo qaabka eey Lacagaha ku heshay sanadkaan uu aad u qosol badnaa wuxuuna Tv-ga soo bandhigay Real Madrid oo dhaqaalaha ugu badan ka heshay Maaliyadaha ama Funaanadaha Ciyaartooyda kala ah Cristiano Ronaldo iyo Ricardo Kaka oo lagu kala iibsanaayey Carwooyinka waa weeyn ee wadamada Japan, South Korea iyo China iyada oo Funaanadaha Laacibiintaas dhabarka danbe eey uga qornaayeen Far Jinni Jinni ah oo lagu sheegay ineey Shiinees iyo Korean tahay taas oo kooxda Real Madrid qandaraas ku qaadatay ineey Magaca Cristiano Ronaldo iyo Kaka ka dhigaan Af Chiinees iyo Kuuriyaan inkastoo Cristiano Ronaldo iyo Kaka qudhooda eeysan fartaas aqrin karin xitaa hadeey caay ama amaan tahay.
Waxaa Diyaariyey oo Tarjumay: Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com